Waxbarashada Dalkeena (The Education Of Our Country) – W/Q: Hamse Baashe Muhumed

HamseQalinka iyo Buugu waa kuwo ka run sheega qoraalka ay sameeyaan, hadaba wakhtigu waa goor hore oo aan ku qiyaasay 6:00AM islo wakhtigaas waa mid farxad u leh naftayda waayo waxaan u lebisanayaa oo aan isku diyaarinayaa si ka wanaagsan sidii hore aan dharka u xidhan jiray, Waxay ahayd markii iigu horaysay ee aan xidho shaadh cad iyo surwaal dambari ah, waxaa la ii sheegay in dugsiga hoose la isoo qorayo, farxdayda lama malaynkan karo, waxaan aniga oo gacanta ay ihayso eddo Aamina nimi meeshii dugsi iigu horaysay marka laga tago madarsadii quraanka. Waa la i qoray oo maamulihii dugsiga hoose/dhex ee Macalin daa’uud oo ku yaala Degmada Axmed dhagax Mr. Caduur ayaa ii sheegay in aan 7cisho aan ka maqnaado oo aan soo akhriyo quraanka, isla wakhtigaasna waxa uu noo dhiibay warqadii la igu qoray (diwaan-geliyey) oo ay ku qornayd taariikh dii diwaan gelinta oo ahayd (10/2/2000).

Bala malee waktiga aan waxbarshada bilaabay iyo wakhtiga aan qorayo maqaalkan Waxbarshada Dalkeena, kama hadlaayo taarikhdii waxbarshadyada, ama tii dhalashadayda, ama tii shaqdayda laakiin waxaan kaga hadlayaa wakhtiga dheer ee u dhexeeyey 2000-2014 oo ah muddo 14 sano ah oo ay qofkasta oo doonaya in uu soo bilaabo waxbarshada dugsiga dawlada, iyo sida uu wakhtigsaa uga faaidaysan lahaa.

Malee wiilka ama gabadha la qoro wakhtigan la taaganyahay dugsiga dawlada in muddo 8 sano ah oo dugsi hoose/dhex ah iyo 4 sano oo dugsi sare ah misana jaamacada oo ah 4 sano guud ahaan waa 16 sano laakiin 12 sano ee hore ayaa ah kuwo wakhtigoodu dheer yahay oo marka la isbarbardhigo aqoonta lugu baranayo iyo wakhtiga la dhiganayo ay ficnaan lahayd in 8 sano lugu soo kobo hadii aan lagaba yarayn.

Hadaba waxaaay aqoonta la baranaayo muddadaas aadka u dheeri? Laakiin hadii imka la su’aalo dadki soo maray waxbarshdaas ma ka jawaabi karayaan? Laakiin maxay tahay aqoonta rasmiga ah? Saddexdan su’aalood waa kuwa aan ku falanqayn doono mawduuceena sida cinwaanka hamiga iyo hiigsashada mudan ee ah Aqoonta.

Hadii aanu ku horayno qodobka kowaad oo ah Waa Maxay aqoonta la baranaayo muddadaas dheeri? Runta iyo xaqiiqadu waxay ku jirtaa inaka oo bookhana dugsiyada waxbarshada ee wadankeena oganana waxa wakhtigaas dheer la baranaayo, hadaba somalidu waxay tidhaa “geel laba jir soo wada mar” ninkasta oo aqoon is bidaaya in uu yaqaano waa mid kazoo bilaabay waxbarshada meel hoose oo ah “Uulo” oo ah fasalka ugu horeeya ee dugsiga hoose, isla markaana waxaan xasuustaa wakhtigii la iqoray dugsiga oo aana waxba aqoon isla markaana aanan haynin maskax taag badan dhaw sitay bug iyo qalin ee aan shaqo iyo shay toona gacanta ku haynin waxaa wanaagsanaan lahayd in dawladu jihayso oo ay wadanka dhaqaalihiisa looga faaidaysto oo beerhaa iyo ciidanka lugu toobabaro. Ma ogtahay in maanta wadankeena ay dad aan u dhalanin ka shaqeeyaan?

Hadaba Wadankeenani waa dhul nabdoon oo aanu aaminsanahay in dadku ay yihiin dad nabada iyo horumarka jecel oo walaalo ah laakiin markaan xaqiiqada ka hadalno aanay ka dhisnayn dawlad cago adag ku taagan oo dadka anfici karta misana ka shaqayn karta horumarka dhalinyarada, dhalinyartuna waa meesha laga eego wadanka horumarkiisa misana laga eego wadankaasi in uu hoos u socod iyo in uu korayo. Bal malee oo waxaad xasuusataa in 10 sano ee u dambeeyey ay dhalinyaro aad u faro badani ka baxaday wadanka “Tahariibtay” oo ay galeen wadamo shisheeyo oo ay halkaas ku dulaysan yihiin misana ay ku darxumaysan yihiin oo aanay nolol wanaagsan ku haysan, malee inta dhalinteenii ku dhimatay badaha iyo saxaaraha, misna malee inta iyaga oo jaamacadihii dhiganaya la waayey maalin qudhaata, hada ogow oo waxay ahayeen kuwo muddo dheer wax soo baranaayey misna wakhti u bixiyey waxbarashadoodaas, laakiin maxay ku dhacaday arinkaasi. Waa waxa ka horeeya oo ay ogaadeen in tani aanu ku noolnahay aanay jirin ixtiraamkii ardaygu lahaa wakhtiyo qaar, oo hadii arday wadada maraaya oo xidhan balcadii “uniform” kii waxbarshada uu u istaagi jira qofka baabuur wataa ee uu sii dhawayn jiray, misana ardaygaas uu lahaa go’aan qaran oo laga lahaa arintiisa.

“Ardayguna da’daalkiyo

Dugsigii haduu gabay

Duluu meel ka haystaa

Waxaan daah kasaarnayn

Isagoon digtoor noqon

Inuu darjo hanankaro

Ama doolar heli karo”

“Qalinkaa wax suureeya

Kugu sima halkaad doonto

Saaxiib kal furan weeye

Suddo faro ku hayntiisa

Waligaa ha sii dayn”

Labadan gabay waxaa ahay ahayeen dhiiri gelintii ay tiryeen abwaanadii waxgaradka ahaa tan hore waxa tiriyey abwaan Maxamed xaashi dhamac gaariye oo uu kaga hadlaayo dhiirigelinta ardayga, misna tan kale waa abwaan maxamed ibraahim warsame hadraawi oo uu dhiiri gelinaaya qalinka iyo sidashadiisa.

Hadaba waa goorma goortii abwaanada iyo waxgaradku ka hadleen waxbarshada ma wakhtigan hada taagan miyaa? Maya waa wakhtigii ardaygu sitay sharafta iyo qadarinta ee uu ahaa nin ka tirsan qaranka oo lugu xisaabtamo, laakiin maaha ardaygan kiisa da’daalka la yimi iyo kan qaadka cunaa ay simanyihiin imtaxaana marka lasoo dhejiyo, misana kii sareeyey aanu qarin ka helayn shacabka iyo dawalada.

Hadaba si sharafta iyo qadarintii ardayga uu lahaa dawladii keligii taliska ahaa ee umadeenu ka caban jirtay misana dhibta gaadhsiiyey hanadan uu qadarinta u samayn jira ardayga, Hadaba side ayaa inaka oo dawlada cadaalada iyo midnimo sheeganayna uu ardaygeenii waxbarshada aanu u dirnay uu ku dayacanayahay waxbarshadii iyo dugsigii loo diray oo iskadaa qadarin iyo sharaf uu helo e laakiin wixii uu xaqa u lahaa aanu helayan misna aanu cabashadiisa u gudbin Karin cida ku shaqada leh oo ay noqdeen dadkii haye masuuliyadoodu mid dayr adag,askar qori sita ay isku wareejiyeen. Hadaba dawladeenu hadii aanay waxka qaban arinkan waxaa jiri doona in sanadada soo socoda ay dugsiyo farobadani ay xidhmi donaan oo aanay jirin cid dhigata misana jaamacadaha ay kuliyado badani xidhmi donaantaas oo ah tahriibka iyo heerka 65% ah ee uu dalkeena ka marayo.

Talo-soo-jeedin:

Aqoonta rasmiga ahi waa ta islaamka iyo barashada diinta islaamka hadba dhalinta waxbarata ee ardayda ahi yaana iska daba ridin raadinta waxbarasho aduunyo ee ay ku xaroodaan masaajidada oo ay dhigtaan diinta waayo waxaan war iyo wacaal ka haynaa kuwii inaga horeeyey ee jaamacadaha kazoo qalin jabiyey ay tahriib ku dhamadeen, misana shaqada aad raadinaysaa ay noqotay mid reer iyo oday oday la isku siiyo.

Mudane aqoon raadiye ma aaminsantahay in aqoonta ugu saraysa ee la gaadhaa ay tahay barshada kitaabka quraanka iyo sunaha nabigeenii maxamed NNKH, islo markaana aanu u diyaar garwno su’aalaha qabriga ee ugu horeeye in aanu xifdino oo ku da’daalno.

Mahadsanidin

Hamse Baashe Muhumed

(Hamse shaadhey)

+(063)-3449101

Xamse18@gmail.com