“Waxaynu Nahay Dalka Qudha Aan Dunidu Aqoonsan Ee Shirkadihii Caalamku Shidaalka Sahamintiisa La Galeen, Waxaanay Taasi Ku Timi…” Maxamed Kaahin

Arabsiyo (SL.Post)  Guddoomiye ku xigeenka koowaad ee xisbiga tallada haya ee KULMIYE Maxamed Kaahin Axmed, ayaa sheegay in Somaliland uu ka mid yahay wadamada aan aqoonsi caalamiya ka helin beesha caalamka,waxaanu tilmaamay in dalka Somaliland ay heshiisyo kala duwan la gashay shirkado uu xusay inay danaynayaan shidaalka ku duugan dalka.

dsc_0285-jpg029

 

 

Maxamed Kaahin waxa uu sidan ku sheegay kormeer isaga wefti ka tirsan Xukuumadda iyo hoggaanka xisbiga KULMIYE ay ku tageen degmada Arabsiyo waxa kale oo uu sheegay in Arabiyo ay ku suntan yahay taariikhda Somaliland oo ay ka soo jeedaan masuuliyiin ku suntan taariikhada Somaliland.

 

 

“Waxaynu nahay dalka qudha ee aan dunida cidi aqoonsan ee shirkadihii caalamka ee shidaalka sahamintiisu ay heshiis la galeen, waxaanay taasi ku timi oo lagu aaminay barnaamijka iyo siyaasadda hoggaaminta KULMIYE uu dalka ku hago, dhawaanna waxa uu xisbigu diyaariyey oo aqoonyahanka xisbiga ku abtirsadaa soo bandhigi doonaan barnaamijkii siyaasadeed ee  dawladda dambe ee Muuse Biixi Cabdi ku shaqayn doonto oo kan iminka oo la sii ambo-qaaday ah.” ayuu yidhi Guddoomiye-ku-xigeenka koowaad ee xisbiga KULMIYE

 

 

Md. Maxamed Kaahin Axmed waxa uu intaas ku daray,  “Xasan Yoonis Habane waa halyey taariikhdii SNM ragga ugu mudan ahaa, dugisigii sare iyo Jaamacaddiiba isku arday baanu ahayn, taariikhna wuu leeyahay oo waa taariikh qarane mid qabiil maaha, wixii cabasho ah ee jirtana waa mid aynu wada qabnee waanu ka wada shaqayn doonaa guddoomiyaha gobolka.”

 

 

 

 

Somalilandpost.Hargeysa