“Waxay aheyd mid welwel iga hayey amnigii carruurta yaryar ee gobolka Awdal iyo hooyooyinkii Boorame oo…”

Hargeysa (SLpost)- Wasiirka Boostaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Maxamed Jaamac Abgaal, ayaa madax-dhaqameedka uu ugu horreeyo Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon ku hambaleeyey natiijadii ka soo baxday shir beelahaas maalmihii u dambeeyey uga socday deegaanka Geb oo ka tirsan degmada Lughaya ee gobolka Awdal, iyada oo shirkaas oo maalintii Isniinta ee todobaadkan la soo gebo-gabeeyey ka soo baxay Go’aamo ka kooban 10 qodob oo xoojinaya midninada Beesha iyo Jiritaanka qaranima Somaliland.

AbgaalMd Maxamed Jaamac Abgaal oo maanta xafiiskiisa warbaahinta kula hadlay, waxa uu tilmaamay inuu shakhsi ahaan si weyn u soo dhaweynayo go’aamada shirkaas ka soo baxay, isaga oo sheegay inuu hore u saadaaliyey inay wax wanaagsan oo dadka iyo dalkaba u danahi ka soo bixi doonaan shirkaas.

Wasiir Abgaal waxa uu ka cudur-daartay hadallo uu sheegay inay si cadho warbaahinta u mariyey oo uu ku dooday aragti ahaan inay ula muuqatay mid danta Somaliland ku jirtay, waxase uu si gaar ah ugu mahad-naqay Ugaaska Guud ee Beelaha Samaroon Ugaas Cabdirashiid Ugaas Dooddi Ugaas Rooble oo isagu hagayey Shirka Beeshu qabsatay.

Wasiirka Boostadda iyo Isgaadhsiinta Somaliland Md Maxamed Jaamac Abgaal, oo arimahan ka hadlayey waxa uu yidhi, “Waxaan hambalyo iyo bogaadin dirayaa aniga oo aad ugu qanacsan duqeytigiiiyo waxgaradkii reer Awdal ee shirka ku qabsaday halkaasi sidii wanaagsaneyd ee dhaqanku ku jiray ee ay hawshaasi u maamusheen iyo qodobadii shirkaasi ka soobaxay, guud ahaan xukuumadduna aad ayey arrinkaasi u soo dhaweysay aniguna shaqsiyan xukuumadda ayaan ka mid ahaye waxaan aad ugu hambalyeynayaa qodobadii shirka yo wanaagii halkaasi ka yimid aniga oo markii hore ba runtii dareensana in uu sidan fiican ku gebogeboobi doono, waxaanan waliba aad ugu amaanayaa muddadii ay tabaabushaha wadeen iyo intii ay shirka wadeen ba dhib la’aan iyo buuq la’aantii, asluubtii wanaagsaneyd ee ay hawsha u maamuleen iyo wixii ka soo baxay.”
Md Abgaal oo ka hadlayey doorkii xukuumaddu ku lahayd shirkaas, waxa uu yidhi, “Shirka Beelaha Samaroon muu aheyn mid xukuumaddu wadatay ee waxa uu ahaa shir dhaqan oo beesha u gaar ah, shirkuna kii dhaqanka lagu yaqaanay ayuu ahaa ee xukuumaddu abaabulkiisa iyo taladiisa toona wax ku ma la heyn, reerkuna kamay qabin xukuumaddu aniguna shaqsiyan ergay maanahey noolayguma soo casuumin, wixii ka soo baxayna waan ixtiraamayaa, runtiina ugaaska guud ee Ugaas Cabdirashiid waa Ugaas qiimo leh oo magac sharaf iyo qadarin naga mudan, xukuumad ahaana cuqdad iyo dhib naga dhexeeya ma jiro oo waa alxamdulilaahi oo dadka kale oo madaxdhaqameedka ah ee dalka Somaliland jooga ayuu la mid yahay, imikana waxa uu jooga Boorame oo casuumado iyo is ixtiraamna waa laysku leeyahay oo haddii ay xaggayaga ka timaadana way fududahay oo waa wanaag oo waanu isku deyi waanay fiicantahay, laakiin mar hadii uu ugaaska guud joogo boorama oo hargeysana waa uu jooga uu nootaas farqi u dhexeeya ma jiro oo sida uu hadaba boorama u joogo ayuumbu hargeysana u imandoona.”

Wasiirka Boosaha iyo Isgaadhsiinta Somaliland waxa uu hadalkiisa intaas ku daray, “Horta dareenkeygu aad iyo aad ayuu u kala duwanyahay maanta iyo maalintii dhaweyd oo waxay aheyd mid welwel iga hayey amnigii carruurta yaryar ee gobolka Awdal iyo hooyooyinkii Boorame oo runtii wixii iga keenay cadhada ayaa meesha yaalay iyada oo markaasiba aan qirayey in uu meesha shirka socdo oo wax wanaagsanina ka soo bixi doonaan , laakiin maanta waan deganah ay oo aad iyo aad ayaan runtii u faraxsanahay waayo inay ergada intaasi le’eg isku timaado ee ilaa 700 boqol ee qof ah gaadhaya oo dantooda ka tashadaan, wax weyn ayey aheyd,” ayuu yidhi.

Wasiirku waxa uu raalli-gelin ka bixiyey hadallo uu dhawaan warbaahinta kaga hadlay, “Arrin kale oo xumaan iyo nabadgeliyo daro ah oo boorama laga sameeyo aad ayey ii dhibtay runtii, hadii ay umaddu aragtay wajigeyga oo cadhoonayana runtii waan ka raaligelinayaa , laakiin erayadii aan lahaa sidii ayey iigago’anyihiin waa sidii taasi oo wax aan kala balabeynaayo maaha ee anigu masuul qaran ayaan ahay,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir Abgaal.

SOMALILANDPOST.NET