Waxay ahaayeen Kala laba! – W/Q: Saddaam Carab

Habeennimadaas buug aan akhriyayey ayaan xilli dambe dhammeeyay. Waxa uu ahaa buug xiise badan, xaashi kasta oo aan rogo waxa ka xiiso badnayd midda xigtay! Xarfaha quruxda badan iyo xarakaadka yaabka lahaa ee ku dhignaa ayaa qoraaga buugga iyo aniga iskaayo baray. Runii qoraaga ma aan arag waligay, marka laga tago sawir buugga ku dhegganaa. Laakiin waxa uu iigu sheekaynayey sidii oo aannu is horfadhinno. Mararka qaarkoodna tobannaan sannadood ayaannu dib ugu socdaalaynay daafaha dunida, markaas ayuu i barayey shay walba. Aniguna waxa aan u daba socday sida arday rabbaayad ah oo wax ka baranaya macallin uu qaddarinayo. Waxa uu wax kasta iigu sheegayey sida ugu fiican ee qof aan waxaas aqoon loogu sheego. Xarakaadku waa wax yaab leh! Isma aan lahayn waligay qof aanad arkayn ayaad haddana daawan kartaa! Isma aan lahayn cid aan kula joogin ayaad dhagaysan, isma na aan lahayn waxa aad saaxibi kartaan qof aydaan is aqoon! Intaas oo dhanba waxa aan xaqiiqsaday markii aan dhammeeyay akhrinta buuggaas cajaa’ibaadka lahaa. Markii aan dhammeeyay ayaan arkay saacadda oo sheegaysa labadii (2:00 AM) habeennimo! Inta aan u qaadan waayey ayaan is idhi “xata show maad cashayn!” Haddana markiiba waxaan iskula hugmay in aan maanka iyo maskaxda casho iyo dheeraad ba siiyey! Inta aan cabbaar la dhaygagay ka fikiridda buuggan iyo awoodda intaas le’eg ee uu saamaynta qofka ku samayn karo xaraf qorani, ayaan gogoshaydii gundhada u galay! Hore u gama’ ayaanan guddoosaday, waayo marka aan gogosha tago ayey xasuustayduna timaaddaa. Habeenkaasna waxa aan ka warwarqabay in aan buuggii dib maskaxdayda uga dhex akhriyo, ka dib aan xarafxaraf u falan qeeyo. Aniga oo aan geestaas iyo geestaas isku rogin ayaan galay hurdo u eg hurdo Caruus! Waxaanan ku seexday in  aan xilli hore kac maadaama kulan aroorta la igu marti qaaday. SI aanan u gafin ama uga habsaamin saacadda Moobilka ayaan ku buuxsaday. Laakiin waxaas oo dhan waxa hal bacaad lagu lisay ka dhigtay awoodna u sheegatay hurdadii xoogga lahayd ee i haysay. Waxa aan is arkay toddobadii iyo dheeraad iyo aniga oo gogoshii dhex goglan! Ballankii Ilaahay barqaan kacay, intaan isku celiyey ayaan degdeg u diyaar garoobay.

Saddam CarabMadasha aan ku socdaa waxay furmaysaa Siddeedda, waa madal aqooneed sida la ii sheegay. Siyaasiyiin, Ajaannib iyo waxgaradka bulashada ah ayaa dood cilmiyeed loogu qabanayaa ayaa la yidhi. Aniguna inta la casuumey inteeda dhagaysiga lagu casuumay ayaan ku jiray. Haddana mar haddii ay waqtigaas bilaabmayso waa in aad meesha sii fadhidaa ayaan isku canaantay. Ilaahay baa mahad leh! Shan mirir ayaa ka hadhsanayd Siddeeddii subaxnimo ee ballantu ahayd markii aan soo gaadhay goobta. Cid badaniba ma joogto. Xataa kuwii martiqaadka ii keenay ee abaabulayey ma joogaan. Maadaama aan quraacdkii ka soo degdegay, wiil ka mid ah kuwii Huteelka ayaan u yeedhay, “Koob shaah ah iyo laba xabbo oo Saambuuse ah ii keen” ayaan ku idhi. Sidii ayaanu yeelay oo si degdeg ah iigu keenay Ilaahay ha ka abaaliyee. Mutul cidlo ah ayaan fadhiyey, sheedda ayaan ka eegayey Hoolka xafladdana in la yimid iyo kolba xaaladda guud. Intii aan fadhiyey ayaan xasuustay buuggii wacdaraha lahaa ee xalay! Ninkii aan Soomaaliga ahayn ee qoray ee aannu saaxiibnay. Sidii uu farriintii uu rabay ii deeqsiiyay iyo sidii aan ugu damaashaaday buuggaas. Malaha inta noloshayda ka hadhsan qisada buuggaas ku duugan iyo farriinta ay daadahsanayso midna ilaabi maayo! In aan ku noqdo oo aan dib u akhriyo ayaan xiisaynayey ba. Waxaan arkay in madashii la galayo oo la bilaabayo barnaamijkii. Dadkiina waa loo furay albaabkii Hoolka. Albaabka waxa hortaagnaa askari dadka baadhayey. Wax  yaab leh ayaan ku arkay.

Haldoorkii bulshada ee kulanka doodda ka qaybqaadanayey iyo ajaanibkii ayaa kala gaar loola dhaqmay. Birta yar ee madow ee uu askariga madow ee caatada ahi ku baadhayey cid walba oo Soomali ah ma aan garan sababta uu ugu baadhi waayey Ajannabigii iyaguba meesha galayey! Sawka aqoonyankii ay ajannabiga doodda wada galayeen baadhay, muxuu ajannabiga na u baadhi waayey? Mise iyagu isma qarxiyaan horta?! Haddaa ma abwaankan la yaqaan iyo xildhibaankan iyo macallinkan ayaa is-qarxin kara? Goorma ayaa hal-doorka bulshadeennu heli doonaan qaddarin la mid ah ama ka badan ta ajanniba laga yaabo in uu dibjirka yahay dhexdeenna ka helo? Ama goorma ayeynu garan doonna in qofka cad iyo ka madow isku mid yihiin, Ka Ingiriisi ku hadlaya iyo Ka Soomali ku hadlayaa isku mid yihiin? Waxa aan is idhi marka la helo dad ka xor ah midab takoorka, jahliga iyo gumaysiga ku beerma maskaxaha. Haa markaas ayaa la ogaan karaa in bani-Aadamku ku kala dheeraad leh yahay oo kaliya hadba aqoonta waxtarka dhasha ee uu ku soo kordhiyo aqoonta aadamaha iyo horumarkooda. Waxba yaan taas ku dheeraan, ee aniga oo yaabban ayaan madashii galay oo meel ka fadhiistay.

Dooddii oo af Soomaali ku baxaysa ayaa bilaabantay. Muddo saacad ku dhow ayey socotay. Laakiin wali xiiso badan ma leh! Qolyaha ajannabiga ah turjumaan ayaan u turjumayey oo ka turjumayey. Doodduna wax diirrimaad ah ma ay soo yeelayn marnaba. Hadal aan macno lahayn ayaa waqti badan lagu lumiyey, doodduna waa ay sii biyo dhacaysay marba marka ka dambaysa. Waxa ugu daran qof; aqoonyahan sheeganaya ummad u ah hormood iyo masuul oo aan farriin ama aragti uu qabo gudbin karayn?! “Hadal la kala odhan og, Ilaahay na la kala baryi og” waa maahmaah run badan guntan. Bal ka warran qof aqoon la bidayo oo doodda la soo fadhiisayay oo hadalka iska hor iyo dabo imanaya ee uu walaaqayaa kugu ridayo madax xanuun, daa in aad aqoon ka korodhsato’e? Qof aan lahayn dareen soo jiidasho iyo xarakaad midna maxay ayaa loogu yeedhaa, maxay buu se cid ku kordhin karaa? Hadal gole ka fuulnimo miidhan ah oo dadka fadhiyey badankooda caqliyadooda ceebayn ku ahaa ayaa la butuluqsanayey.

Aad baan runtii uga xumaaday madashaas. Manay mudnayn dadaalkii iyo daalkii aan isku galiyey imaatinkeeda. Markii laga soo dareeray ayaan xataa dhanna u qaadi waayay horta maxaa ka soo baxay? Maxay kala ayidsanaayeen labada dhinac? Midna waan xasuusan kari waayay. Waxa kali ah oo aan xasuustay sidii hadalkoodu madax iyo mijo isugu laabnaa. Dadka goobjoogga ahaa oo dhan ayaa sheegay taas, kana xumaaday. Adigu ba haddii aad joogi lahayd waad ka xayraami lahayd sidayada oo kale.

Markii aan ku soo laabtay guriga aniga oo madaxa ka daallan, waxa aan xasuustay ninkii aannu xalay isbarannay iyo farriintiisii, sida quruxda badan ee uu iigu sheegay, sida uu caqliga dadka u ixtiraamayey iyo sida uu u xarakeeyay ee dareenka akhristaha xiisaha u galinaysay! Waxa aan garab dhigay qolyahii iyaga oo isoo horfadhiyey xiise daaye madax xanuunka igu soo kordhiyey. Waxa aan ninkaas qoraaga ah u aqoonsaday aqoonyahay cid wax tari kara, cid taakulayn kara, cid tusaalayn kara isla  jeerkaasna  farriin iyo aragti dhacsiin kara cidda uu rabo isaga oo adeegsanaya habka uu rabo. Horjoogayaashan bulsho ee aqoonyahanka badi iska sheegtaa waxa ay madasha ka caddeeyeen in aanay ka hadal gaddisnayn kuwa golayaasha qaadka ka hadra hadh iyo habeen ee aan dhammaadka lahayn sida aanay bilawga u lahayn oo kale. Labadu waxa ay kala ahaayeen kala la laba!

W/Q, Saddaam Xuseen Carab

saddamcarab@gmail.com

Hargeysa, Somaliland