Waxan oo cadho ah, sidee loo mideyn karaa? – W/Q: Cali Coomay

Cali Coomay
Cali Coomay
Cali Coomay

Subax walba waxa taagan wax cusub oo wixii hore ka duwan.bulshada markaad dhexgashid waxaad la kumaysaa arrimo si weyn u kala duwan oo qaarba qaar ka subxaana laysto.

Waxay arrinta dhabta ahi tahay sida ruuxba u arkayo waxyaabaha imika dalkeena ka jira.

Hadaba halkan waxaan idiinku soo bandhigayaa qaybaha bulshada iyo noocyada cadhada haysa:

  • Dadka qaar maqalka erayga federaal ayay ka cadhaysan yihiin.
  • Qaar kalena waxay ka cadhaysan yihiin dawladan isku magacowday somaliland ee dhawr sanno lagu celcelinayo, ee aan aqoonsi hayn.
  • Qaar kalena waxay ka cadhaysan yihiin aqoonta iyo talada ku jirta, ee ay gidaarada la fadhiyaan iyadoo cidina ka qaadanayn.
  • Wadaadadiina qoloba qolay ka cadhaysan yihiin. Dadkiina waxay ka cadhaysan yihiin, maxaa loo kala saari waayay wadaadadan kitaabka wada sita.
  • Dadkii hore ee wax bartayna waxay ka cadhaysan yihiin, dadkan dambe ee la leeyahay wuxu ku takhasuusay waxaa ama wuxuu sitaa p.h.d,
  • Oo dadkii hore uunba wax bartay ayaa ku qufulan.
  • Salaadiintii horena waxay ka cadhaysan yihiin suldaankan foojariga ah ee dhawaan soo baxay. Ee jilib kastaa dhawr suldaan yeeshay.
  • Fanaanniintina waxay ka cadhaysan yihiin qoladan yar yar ee fanaanniinta cusub isku sheegay ee wax aanay lahayn durmaan u tumanaya.
  • Dadka carabaha ka shaqaystaana waxay ka cadhaysan yihiin dadkan yurub tegay ee ka soo shaqayta ee muddo sannad ah shan guri soo dhistay. Halka iyaku soddon sano aanay waxba dhisan.
  • Dadkii aqoonta lahaana waxay ka cadhaysan yihiin markuu qof aan magaciisa qori karani la dooddo.
  • Reer magaalkina waxay ka cadhaysan yihiin marku qof imika yimid magaalada uu uga sheekeeyo magaaladu ku dhashay.
  • Indheergaratadi waxay ka cashaysan yihiin kooxahan afmiishaariinta ah ee meel kasta xuurtada ku haysta, ee cid kast af ku khaarajina.
  • Bangiyadii waxay ka cadhaysan yihiin xawaaladahan suuqii ka saaray.
  • Qaarna waxay ka cadhaysan yihiin,iyagoo xaas aan lahayn oo balwad leh arkayana qaadka iyo sigaarka yaalla magaalada oo aan wax ay ku iibsadaan hayn.
  • Hablihii horena waxay ka cadhaysan yihiin, hablahan dambe ee iyagoo toban jir ah nin raadinaya. Halka hablihii hore iyagoo mudakar ah nin ay guursan jirtay.

Intaaso cadho ah oo kala duwan ayaa hawada inaga xidhay oo ina dul heehaabaysa inoona keenay kulaylkan aan hore u jirin, dhammaana waayey.

Cali cabdi coomay

Suxufi, qoraa ah.

B.A in journalism

calicoomay@hotmail.com