Waxan Caddeynayaa in Sh. Siciid Axmed Jaar Caddaalad helay

CABDIXALIIMAnigoo ku hadlaya magaca  Ehelka Sh. Siciid Axmed Jaar waxaan halkan uga mahad celinayaa dhammaan masuuliyiinta kala duwan ee Amniga, Bahda Garsoorka  iyo guud ahaanba Xukuumadda JSL  soo daynta  Sh. Siciid Axmed Jaar   oo taariikhdu markay ahayd 21 August laga soo xidhay gurigiisa magaalada Burco.

Maanta oo taariikhdu tahay Salaasa, October 1,2013  waxay Makamadda Degmada ee Hargeysa caddaysay in baadhis dheer ka dib lagu waayay Siciid Axmed Jaar tuhmaddii loo soo xidhay, waxaanay isla markaana ka raali galisay muddada uu tuhmaddaa u xidhnaa ee baadhistu socotay.

Waxaanu caddaynaynaa in Sh. Siciid A. Jaar  helay caddaalad, waxaananu Masuuliyiinta Amniga iyo Maxkamadaba ka rajaynaynaa in sida naloo ballanqaaday wiilkii dhalinyarada ahaa ee Sheekha la xidhnaa  Ismaaciil  Cabdilahi Cabdille isagana isla wiigan Maxkamadda la horkeeni doono kana filayno inuu caddaaalad la mid ah heli doono.

Waxaan kaloo halkan uga mahadnaqayaa cid kasta oo ka hawlgashay soo daynta Sheekha, gaar ahaan  Odayaasha reer  Burco ee muddada bisha ka badan Hargeysa ugu sugnaa soo daynta Sh. Siciid  iyo Ismaaciil Cabdillahi, Guddiyadii kala duwanaa ee uu la shaqayn Burco.  Waxaan si gaar ah ugu mahadnaqayaa iyada oo ay waajibkiisa ahayd  Chief-ka guud ee  HY  Md. Ahmed Keyse Mohamed Daahir oo aan maalin ka nasan hawshaa.

Allaa Mahadda Kowaad leh

Cabdi Xaliim Maxamed Muuse

Wasiir Ku Xigeenkii hore ee Ganacsiga