“Waxaanu u Arragnaa Musharax Madaxweyne iyo Madaxweyne Xigeen oo Kulmiye ah oo la Doortay inaanay Jirin” Cabdicasiis Samaale

 

Hargeysa(SLpost) – Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Maxamed Samaale, ayaa dhalliilay arrimo ku gedaannaa shirkii golaha dhexe ee xisbiga Kulmiye. Waxa uu sheegay inay dhaceen arrimo ay hore uga digeen. Wuxuu sidoo kale xukumadda iyo xisbigeeda Kulmiye ku dhalliilay culayskii ciidan ee la saaray caasimadda Hargeysa.

 

“Anigaa ka mid ahaa aasaaseyaashii xisbiga Kulmiye, kana mid ahaa dadkay aad iskugu dhawaayeen madaxweyne Siilaanyo, waxaan is waydiiyay tolow Axmed miyaanu ahayn kii intuu geed walba tago dadka dhexdiisa lahaa walaalayaal cod I siiya? Wuu yahaye maxaa isbedelay? Ee maanta keenay tii oo  uu dalka madaxweyne ka yahay oo xisbiga Kulmiye taladii hayo oo waxa dhacayaaba shir xisbigu leeyahay yahay  tolow waxa soo kordhay ee waxaas oo dabaabad ah, waxaas oo hub ah iyo waxaas oo ciidan ah loo galinayaa waa maxay ayaan is waydiiyay. Anigu jawaabteeda bixin maayo ee dadkii Hargeysa joogay, wariyeyaasha iyo dadkii warbaahinta ka arkay ayaa jawaabteeda bixin,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale oo ka hadlayay shir jaraa’id oo musharaxiintii isbahaystay yeesheen.

 

Waxa uu sidoo kale ka hadlay go’aankii lagu doortay Muuse Biixi iyo Cabdiraxmaan Saylici “Go’aankii shalay ka soo baxay Maansoor, waxaanu sii arkaynay oo aanu horey u sii sheegnay ayuu ahaa . wax inuu sidaas u dhacayo aanu arkaynay ayuu ahaa. Musharaxiintayadani waanu qaadacnay, xattaa haddaanu tagi wayno inaan la joojinayna waanu sii sheegnay, cidii in loogu dhawaaqi doono aanu sheegnayna waa loogu dhawaaqay,” ayuu yidhi Mr Samaale.

 

Cabdicasiis Samaale oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “ Waxaa xusid mudan fadeexaddihii goobta shirka ka dhacayay ee warbaahintuba joogtay ee ay ka hadleen ama laga hadli doono. Anagu go’aanka halkaas ka soo baxay mid sharci darro ah ayaanu u aragnaa. Waxaanu u aragnaa in waxa halkaas ka soo baxay xaaraan yahay. Waxaanu u aragnaa musharax madaxweyne iyo madaxweyne xigeen oo Kulmiye ah oo la doortay inaanay jirin ee ay tahay waddo sharci darro ah oo la jeexay oo aanu ka sii dignay oo aanu sii sheegnay oo sidii aanu u sheegnay u dhacday ayuun baanu u aragnaa. Waxaa shalay dhacay wax allaale wuxuu mawqifkayagii ka bedelayaa ma jiro. Sidii baanu Kulmiye u nahay, sidii baanu musharaxiin u nahay, sidii baanu ugu taaganahay caddaaladda dalkan iyo dadkani inay sugmaan.”

 

Waxa uu sidoo kale Cabdicasiis Samaale Ka hadlay waxyaabaha shirkii Kulmiye ka dhacay ee uu khaladka u arko “ Waxa  goobta ka dhacayay, waxyaabo aad iyo aad la yaab u leh ayay ahaayeen runtii. Dhammaan wariyeyaashiinan, umadda Somaliland iyo dadka dibadda ka daawaday  bal waxaad eegtaan tirooyinka la sheegayay inay goobta joogeen. Waxaad ogtihiin garabkayaga dad ka mid ah oo aad iyo aad u badani inaanay tagin oo aanu qaadacnay, haddana waxaa la sheegay dadka goobta joogay inay ahaayeen 365 qof. Waxay taasi caddaynaysaa, 365 joogay inaanay golihii dhexe wada ahayne dadka maqan dad lagu bedelay ay joogeen. Anaga inbadan oo naga mid ahi waanu isa sawirnay laakiin, kaadhadh maanan qaadan. Kaadhadhka aanan qaadan, waxaa la caddeeyay in dad badan oo maqan kaadhadhkoodii galeen sanduuqyadii lagu codaynayay, hadda manaanan joogin,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

 

 

https://www.youtube.com/watch?v=4JUTDKSXuas