“Waxaanu rajeynaynaa in Itoobiya aanu u rarno bishii ilaa 10,000 oo koontiirnar” Cali Xoor-xoor

Berbera, (SLpost)- Maareeyaha dekeda Berbera Cali Cumar Maxamuud (Cali Xoor-xoor) ayaa ka warbixiyay wejiga saddexaad ee balaadhinta marsada oo uu sheegay inay rajaynayaan sannadka dhamaadkiisa inay dhamaystiraan 80,000 oo mitir oo isku wareeg ah oo la dhigi doono koontiinarada.Cali Xoor-xoor

Cali Xoor-xoor ayaa sidoo kale tilmaamay inay dhawaan rajaynayaan inay bilaabanta badeedacadaha uga soo dega dekeda Berbera dalka Itoobiya, isagoo xusay maareeyuhu inay ku han weyn yihiin inay bishii u raraan Itoobiya 10,000 oo koontiinar. “Balaadhinta dekeda Berbera waxaanu bilawnay sannadkii 2009 markaa may badnayn, laakiin intan uu madaxweyne Siilaanyo xilka hayay ayaanu shaqada inteeda bdan qabanay, waxaananu uga jeednaa in baaxadda ay qaadayso dekedu, tusaale ahaan koontiinarada oo kale aanu helno meelo banaanka ah oo aanu dhigno, oo markiiba ay 5000 oo koontiinar dibadda noo yaalaan, dekeda gudaheedana badeecadaha kale ee sida xoolaha kaargooga iyo badeecadaha Itoobiya u socda ee badan ee aanu rajaynayno inay bilaabmaan inay si fudud u mari karaan.” ayuu yidhi maareeye Cali Xoor-xoor oo u warramay idaacadda BBC, laanteeda afka Soomaaliga, waxaanu intaas ku daray. “Ilaa sannadkan dhamaadkiisa waxaanu doonaynaa inaanu dhamaystirno ilaa 80,000 oo mitir oo isku wareeg ah, waxaananu rajaynaynaa in Itoobiya aanu u rarno bishii ilaa 10,000 oo koontiirnar ama sannadkii 120,000 oo koontiinar.”

Somalilandpost.net