“Waxaanu Khaati Ku Joognay Cirro Oo Haysta Lacagtii 82-ka Xildhibaan, Yeeli-maayno In…” Faysal Cali Waraabe

(SL.Post) Guddoomiyaha Xisbiga Mucaaradka ah ee UCID Eng. Faysal Cali Waraabe, ayaa mar kale Wasiirrada Xukuumadda ku eedeeyay inay si gaar ah ugu adeegayaan Musharraxa Madaxweynaha ee Xisbig tallada haye ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

Faysal Cali Waraabe oo khudbad ka jeediyay Munaasibad uu Xisbigiisu ku Qabsaday Magaalada Hargeysa, ayaa sidoo kale ka hadlay Tallaabadii Ciidammada Boolisku ay Cisbitaalka Magaalada Caynaba kaga hor-joogsadeen Hoggaamiyaha Xisbiga WADDANI Xirsi Xaaji Cali Xasan, waxaanu soo jeediyey in Xisbiyadu waxay xaqa u leeyihiin loo ogolaado.

 

Faysal oo Arrimahaa ka hadlayaana wuxuu yidhi “Tallaabadii Cisbitaalka Caynaba lagaga hor-joogsaday ninkii la odhan jiray (Xirsi) fool-xumo ayay ahayd, Waayo? waa Qof sida Dawo Mucaawimo ah.”

Faysal Cali Waraabe, waxa kale oo uu Masuuliyiinta Xukuumadda ku eedeeyay inay Shaqadii Qaranka kaga mashquuleen inay si gaar ah ugu shaqeeyaan Musharraxa KULMIYE, “Xukuumadda waxaanu leenahay Muuse waad Sharaxdeen, imika waxa lagu leeyahay xitaa Agaasimeyaashii ayaa u shaqeynaya, ku yar oo Madaarka Hargeysa jooga wuxuu kireeyaa Gaadiidka Tukhaanka oo dhan, Muuse u kacaay Muuse u kacaay. Waxaan leeyahay inaad Muuse u shaqeyso iyo inaad Dawladda u shaqeyso waxaanu iska arkaynaa Dawladda.” Ayuu yidhi, waxaanu intaa ku daray “Agaasimihii baa shaqeynaya, Wasiirkii baa shaqeynaya, waxaan ku idhi Dawladda iyo Muuse kala saara. Nin dhan oo Wasiir ah ayaa igu yidhi la kala saari maayo, Waayo? waxaanu ku jirnaa Golaha dhexe ee KULMIYE, markaa waxa weeyaan KULMIYE u tag oo shaqada Qaranka noo daa’, haddayna joojinna waxaanu Madaxweynaha ku qasbaynaa inuu soo dhiso Dawlad loo dhan yahay oo dhexdhexaad ah, Wasiirradan daba ordayaana Muuse ha raacaan oo Golahiisa dhexe ha u shaqeeyaan.”

 

Guddoomiye Faysal oo hadalkiis sii watay, waxa uu yidhi “Inay Lacagtii Dawladda, Baabuurtii Dawladda, Awooddii Dawladda inuu Muuse nagula tartamo (Yeeli mayno), Waayo? Waxaanu khaati ka joognay Cirro oo 82-ka Xildhibaan Lacagtoodii haystee.”ayuu yidhi

 

 

 

Somalilandpost.net