Waxaanu joogaynaa City: Agueo iyo Balotelli oo meesha ka saaray inay Kooxda ka tagaan

[S]Lpost SportsSerio Aguero ayaa ka farxiyey taageerayaasha Manchester City oo ka cabsi qabay inuu xiddigani xilli-ciyaareedkan u wareego Real Madrid isaga oo shaaca ka qaaday inuu ka tegayo kooxda Horyaalka Ingiriiska haysata.

Weeraryahanka reer Argentina oo dhaliyey gookii Manchester City u saamaxay inay hanato horyaalka Ingiriiska markii ugu horreysay 44 sano, waxa uu noqday mid aan looga jecel yahay kooxda garoonka Etihad.

In kasta oo odayga soddogga u ah ee Diego Maradona uu ku adkeysanayo inuu u wareego Real Madrid, Aguero waxa uu sheegay inuu doonayo sii joogitaanka City.

“Waxaan xirfaddeyda ka sii wadayaa City, waxaan rabaa inaan kooxdan u ciyaaro Champions League. Maanta City cid walba way u wanaagsan tahay, sidaa awgeed ma rabo inaan ka tago. Anigaa go’aansanaya meesha aan tagayo,” ayuu u sheegay idaacadda laga leeyahay dalka Argentina ee Radio La Red.

Hadalkan ayaa meesha ka saaray feker odhanaya inuu xiddigan u isticmaalayo City dariiq uu u sii Marayo Real Madrid markii uu ka soo wareegayey kooxda Atelico Madrid.

Laakiin, Maradona ayaa aad u danaynaya inuu arko Aguero oo ka ciyaaraya Bernabeu, sida uu ku sheegay waraysi uu siinayay jariiradda Ciyaaraha ka faalloota ee ka soo baxay dalka Spain ee AS, isaga oo leh, “Kun waa inuu u ciyaara Real Madrid. In kasta oo uu meel fiican ka marayo City, waxa ugu wanaagsani waa isaga oo u wareega Real Madrid.”

Tabobaraha kooxda Real Madrid ayaa todobaadka muujiyey rabitaanka kooxda ee weeraryahanka reer Argentina, isaga oo weliba si rasmi ah u dalbaday kubbad sameeyaha reer Spain ee David Silva oo uu sheegay inuu dedaal dheer u galayo sidii uu u hanan lahaa.

Dhanka kale, weeraryahanka ay isku kooxda yihiin ee Mario Balotelli ayaa isaguna meesha ka saaray wararka kutiri-kuteenka ah ee sheegaya inuu xilli-ciyaareedkan ka tegayo gegida Etihad.

Wararkii ugu dambeeyey ee laga helayo Talyaania ayaa sheegaya in Ballotelli uu ka mid yahay heshiis isku beddel ah oo City ku rabto weeraryahanka AC Milan ee Thiago Silva.

“Waxaan ka ciyaarayaa Machester City,” ayuu Balotelli u sheegay jariiradda ciyaaraha ee Gazzetta dello Sport. Isaga oo raaciyey, “Waan ku faraxsanahay inaan joogo City, waanan joogi doonaa.”

Balotelli ayaa City uga soo wareegay kooxda Inter Milan bishii August ee 2010, waxaanu kooxda reer Manchester kula jiraa heshiis soconaya ilaa bisha June ee 2015.

Xiddigan 21-ka ah oo wakhtiganna lagu daray liiska ciyaartoyga xulka qaranka Talyaaniga uga qayb-galaya ciyaaraha Yurub, isla markaana aad u taageera AC Milan, waxa uu ku adkeysanayaa inaanay waxba ka jirin wararka ku xidhiidhinaya inuu wareegayo gegida San Siro.

SLpost Sports Desk

Sports@somalilandpost.net