“Waxaanu Haynaa Liiska Soddon Wariye Oo Laga Masruufo Soomaaliya” – Wasiirka Arrimaha Gudaha Somaliland

 

Hargeysa (SLpost)- Kulan ay maanta magaalada Hargeysa ku yeesheen Masuuliyiin ka tirsan xukuumadda iyo xubno ka socday Warbaahinta Somaliland iyo ururka suxufiyiina Somailand ee SOLJA ayaa lagu lafa-gurayey doorka ay saxaafadu ka qaadan karto nabadda Somaliland.

Kulankan oo ka dhacay Wasaarada Arimaha Gudaha Somaliland, waxa hadal ka jeediyey Wasiirka Arrimaha Gudaha Maxamed Kaahin Axmed, kaas oo sheegay inay dawladda ahaan (Somailand) ay hayaan liiska Wariyeyaal iyo Telefishano dawladda Soomaaliya lacago ka qaata.