“Waxaanu Diiwaangelinnay 20 Wariye oo Sannadkan lagu Xidhay Somaliland” Xarrunta Xuquuqal Insaanka

 

Hargeysa(SLpost)-Xarrunta Xuquuqal Insaanku waxay ugu baaqaysaa dawladda Somaliland inay xorriyadooda u soo celiso Cabdirashiid Nuur Wacays iyo Siciid Khadar Cabdilaahi oo lagu xidhay Hargeysa 30kii November.

Cabdirashiid Nuur Wacays oo ah gudoomiyaha wargeyska Hubsadiyo Siciid Khadar Cabdilaahi oo ah tafatiraha Hubsad waxa la xidhay kadib markii ay tageen Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si ay u diiwaangeliyaan magacyada hogaan cusub iyo mulkiile cusub oo la wareegay wargeyska Hubsad. Masuuliyiiinta Somaliland waxay ku eedeeyeen weriyayaasha inay soo saareen wargeys aan ruqsad haysan. Cabdirashiid iyo Siciid waxay sidoo kale u shaqeeyaan telefiishanka maxalliga ah ee madaxbanaan ee Bulsho TV.

Sida ilo xog ogaal ahi u xaqiijiyeen Xarunta Xuquuqal Insaank, ma jirto dacwad maxkamadeed oo xukuntay in Hubsad aanay si sharci ah u diiwaangashanayn. Hubsad waa wargeys diiwaangashan, balse waxa is bedel ku yimi mulkiilaha iyo maamulka wargeyska. Cabdirashiid iyo Siciid waxay 30kii bisha November booqdeen Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud si ay u diiwaangeliyaan is-bedelka. Balse Xeer-ilaaliyaha Guud isla markiiba wuu xidhay. Xeerka Saxaafaddu waajib kama dhigayo in dib loo diiwaangeliyo warbaahinta hadii is-bedel ku yimaado mulkiilaha ama shaqaalaha.

Xadhiga suxufiyiintu wuxuu saamayn xun ku leeyahay madaxbanaanida war-baahinta. Dawladda Somaliland waa inay joojiso xadhiga iyo cabsi gelinta ay ku hayso suxufiyiinta. Dawladda waxa ku waajib ah inay ixtiraamto dastuurka Somaliland.

Xafiiska Xeer-ilaaliyaha Guud wuxuu hore u hakiyay diiwaangelinta wargeysada cusub taas oo ka soo horjeedda Xeerka Saxaafadda Somaliland. In la xidho suxufiyiinta isku dayda inay la wareegto warbaahin shaqaysa oo diiwaangashan waxay jebinaysaa dastuurka iyo Xeerka Saxaafadda.

Waxa 29kii November lagu xidhay magaalada Ceergaabo weriye Barkhad Maxamuud Geedi oo ka tirsan Somalinews. Waxa la sii daayey 30kii November. Sidoo kale magaaladda Burco waxa 28kii bisha lagu xidhay weriye Khadar Cabdirisaaq oo ka tirsan Hadhwanaagnews. Waxa la sii daayay isla maalintaas.

Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay diiwaangelisay sanadkan 2015 xadhiga labaatan (20) weriye oo lagu xidhay Somaliland. Wargeyska Haatuf oo la xayiray April 2014, weli wuu xayiran yahay. Xarunta Xuquuqal Insaanku waxay aad uga walaacsan tahay xadhiga weriyayaasha.

Hana Abdisalaan Mohamed

Gudoomiye-xigeenka Xarunta Xuquuqal Insaanka