“Waxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawada Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya ee dariska ah ka soo qaadaan dad u dhashay dalkaasi ama reer Somaliland ah oo aan…” – Afhayeenka Wasaaradda Duulista

Hargeysa (SLpost)- Wasaaradda Duulista hawadda iyo gaadiidka cirka Somaliland ayaa ka mamnuucday Madaarrada dalka inay adeegsadaan dad aan sidan dukumantiga Socdaalka (Passport).

Wasaaradda Duulista Hawada Somaliland waxa Diyaaradaha isaga goosha Dalalka Somaliland iyo Somalia uga digtay inay soo qaadaan Rakaab aan haysan Baasaboor si looga hortago caqabado la soo gudboonaada safarkooda.

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu soo saaray Afhayeenka wasaaradda Duulista Md. Saddaam Maxamed Axmed, kaas oo u dhignaa sidan: “Wasaaradda Duulista Hawadda iyo Gaadiidka cirka Somaliland waxay dhamaan dadweynaha isaga goosha madaarada Somaliland ee ka soo dega ama ka dhoofa ku wargalinaynsaa inay waajib ku tahay inay sitaan baasaabooro sharci ah, si uu ugu sahlanaado safarkoodu, iyada oo aanu ka codsanayno inay tixgalinayaan una dulqaataan baadhitaana dadweynahaasi lagaga samanayo Madaarada iyo wixii su’aalo ah ee laanta socdaalku ay ugu baahato.

Saddam MohamedWaxaanu dhamaan diyaarahaha ka ganacsada hawada Somaliland ugu digaynaa inay dalka Soomaaliya ee dariska ah ka soo qaadaan dad u dhashay dalkaasi  ama reer Somaliland ah, oo aan baasaabooro sidan, taasi oo ah mid aan la aqbalo karin, hadii ay dhacda waxa diyaaradaasi laga qaadi doonaa tallaabo sharciga waafaqsan, waxana dadkaasi aan sharciga sidan dhamaantood dib loo celindoonaa diyaaradii siday iyo halkii ay ka yimaadeen.

Waxaanu dhinacyada ay khusayso faraynaa inay u hogaansamaan amaradaasi kor ku xusan, iyadoo wasaaradu hore go’aankan u baahisay, waxaanu mar labaad ku celinayaa in aanay Madaaradda Somaliland ka soo dageyn ama ka dhoofayn cid aan baasaaboor sharciya sidan, marka laga reebo wixii duulimaadyo gudaha Somaliland ah oo ay Muwaadiniinta u banaan tahay inay u kala safraan Madaaradda gudaha iyaga oo aan sidan baasaaboor.”

SOMALILANDPOST.NET