“Waxaan Xukuumadda u jeedinayaa, xabsiga ha kula degdeginna innamada iyo meeshooda ood ka xidhaan,” – Cabdiwaraabe

Hargeysa (SLpost)- Guddoomiyaha Guddida Joogta ah ee Golaha Guurtida Md Xaaji Cabdikariim Xuseen (Cabdi-waraabe), ayaa Xukuumadda Madaxweyne Axmed Maxamed Maxamuud u soo jeediyey inaanay ku deg-degin Xadhigga ay kula kacdo Suxufiyiinta iyo Xarumaha Warbaahineed ee dhaliilaheeda soo bandhiga, balse ay taas beddelkeeda toosin iyo goobo aqoontooda kor loogu qaado u samayso.

Xaaji Cabdikariim Xuseen oo shalay ka hadlayey munaasibad lagu daah-furay buug laga qoray Madaxweynihii labaad ee Somaliland Marxuum Maxamed Xaaji Ibraahim Cigaal, waxa uu sidoo kale warbaahinta iyo war-fidiyeennada kula dar-daarmay inay qalinkiida wax saxaan balse aanay ku bartilmaameedsan cid gaar ah iyo Dano gaar ah.

xaaji cabdiXaaji Cabdikariim  waxa uu xukuumadda u soo jeediyey inaanay ku deg-degin xadhigga suxufiyiinta oo ay dul-qaad u yeelato dhaliilaha laga sheego maamulkeeda, isaga kula taliyey inay dul-qaad u yeelato dhaliilaha loo jeeiyo. “Maanta oo aynu intaas oo nin oo suxufi ah helnay, waxay qori wax wanaagsan, wax qallooca oo aan jirinna way qori. Waxaad qoonsataan, wacdi mooyee, xadhig hakula deg-degina innamada. Idinkaa la doonayaa inaad toosisaan, Xukuumadda, madaxweyne iyo wasiirba, waxa la doonayaa inaad innamada wax bartaan oo aad u furtaan goobo ay wax ka bartaan oo aan waxba laga weydiin. Waxaan Xukuumadda u jeedinayaa, xabsiga ha kula degdeginna innamada iyo meeshooda ood ka xidhaan,” ayuu yidhi, waxaanu intaas ku daray isaga oo dar-daaran u jeedinayey Suxufiyiinta iyo doorkooda war-tabineed, “Dhalinyarada suxufiyiinta ah ee wax qoraysana waxaan leeyahay, ninka runta qora ee aamina runta, ninkaasaa ku dambayn doona. Waxa ina dhaawacaya ee dawladda wax yeelaya ha qorina ayaan leeyahay. Madaxda ninka caayaa, madax ma noqdo. Xukuumadda haddii aad caydaan, idinkaa is-caayaya, waa lays toosiyaa, waana laysa saxaa, laakiin waxaan jirin haddii aad qortaan, sharafta dalkaad meel kaga dhacaysaa.”

SOMALILANDPOST.NET