“Waxaan u taaganahay Tartanka Doorashada Golaha Wakiillada” CABDIQANI M. CABDILAAHI

Hargeysa (SLpost)- Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi oo ka mid dhalinyarada Aqoonyahanka ah ee Somaliland, ayaa shaaca ka qaady inuu ka qayb-qaadan doono tartanka doorashada Mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee la filayo badhtamaha sannadka dambe dalka inay ka qabsoonto.

garaadkaCabdiqani Maxamed Cabdilaahi oo ka mid ah Qurbejoogga Somaliland ee Qaaradda Yurub, waxa uu sheegay inuu go’aankiisa ku gaadhay talo iyo tawfiiq uu la wadaagay Qoyskiisa, Qaraabadiisa, Beeshiisa iyo Asxaabtiisa inuu u tartamo Doorashada mudaneyaasha Golaha Wakiillada, isla markaana uu si gaar ah taageeradooda iyo codkooda marti uga yahay bulshada gobolka Togdheer.

Cabdiqani waxa uu sidaas ku sheegay Qoraal kooban oo uu ku faahfaahiyey Hankiisa iyo sababta ku qancisay inuu u tartami Aqalka Wakiillada Somaliland.

Qoraalkiisuna waxa uu u dhignaa sidan: “Dhamaan waxaan salamayaa shacabwaynaha Somaliland.

Salaan ka dib, Markaan sameeyay la tashi aan dhinacyo badan la qataay,   markaan wakhti badan iswaydinay Aqoonyahan, Odayaal, dhalinyaro iyo haween oo aan arrinkan kala tashaday, waxaan isla garanay inay ku haboontahay inaan wakhtigan xadirka ah   lagu dhawaaqo lana muujiyo hanka iyo himilada la hiigsanayo.

Haddaba, Anigoo ah Garaad Cabdiqani Maxamed Cabdilaahi waxan caddaynayaa Inaan u taaganahay Musharaxnimada Golaha Wakiillada ee Somaliland sannadka soo socda ee aynu rajaynayno inay inoo qabsoonto doorasho xor iyo xalaal ah oo dalka ka qabsoonta, Insha Allaahu, gaar ahaan tartanka mudaneyaasha Golaha Wakiillada ee Gobolka Togdheer.

Waxaan ku kalsonahay gobolka aan ka soo jeedo oo ah gobol taariikh wayn ku leh Somaliland, waa gobolkii gobanimada dhalay, waa Togdheer. Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ka heli dono codka ugu badan ee la siiyo qof Muwaadin ah. Waa dad aanu aad isu jecelnahay oo aan marnaba qalbigayga ka bixin oo ehelkayga iyo asxaabtayduba ku jiraan.

Waxaan inoo rejaynayaa Guul iyo gobanimo waarta

Allaa Mahad Leh.”