“Waxaan u sharaxanahay Jagada Guddoomiyaha Wakiillada, Waxaanan is Leeyahay Qofkii ugu Mudnaa baa Tahay”  Xildhibaan Koore

Hargeysa(SLpost)- Xildhibaan Saleebaan Cali Koore, oo ka tirsan aqalka wakiillada, ayaa sheegay inuu u taagan yahay jagada guddoomiyaha wakiillada, kadib markii ay soo baxeen warar ku saabsan in guddoomiye Cirro iscasilayo.

Xildhibaanka oo muddooyinkii u dambeeyay la jaanqaadayay siyaasadda xukuumadda Kulmiye, ayaa la filayaa inuu jagadaasi kula tartamo guddoomiye xigeenka wakiillada Baashe Maxamed Faarax oo haatan ka tirsan isbahaysiga kulmiye ee siyaasadda xukumadda iyo Kulmiye ka fikir duwan.

Xildhibaanka ayaa sidoo kale si faahfaahsan uga hadlay arrimaha siyaasadeed ee gobollada bariga Somaliland, halkaasi oo uu sheegay inay ka dambeeyaan gobollada galbeedka, taasi oo ay sababtay arrimo siyaasadeed.

Xildhibaan Saleebaan Cali Koore oo Suxufiga Faysal Fadhfadhle ugu waramay barnaamijka milicsiga siyaasiga ayaa waxa uu ku baanay in uu qorshayntii, dhisidii iyo horumarintii Somaliland ka shaqaynayey oo aannu daqiiqad ka maqnaan shaqada qaranka.

Mudane Koore isaga oo ka hadlaya hankiisa u tartamidaa jagadaas waxa uu yidhi “Waan u tartamayaa Jagadaas, Waxaanan doonayaa in aan halkan si buuxda uga ka cadeeyo in aan u sharaxanahay jagada guddoomiyaha wakiiladda Somaliland. Waxaanan isleeyahay marka loo eego Wakhtiga aan ku soo jiray siyaasadda iyo waaya-aragnimadayda aan u leeyahay Somalilandba qofkii ugu mudnaa baad tahay”

Xildhibaanka oo ka hadlaya rajada uu ka qabo in uu ku guulaysto jagada gudoomiye ayaa waxa u yidhi “Waxaan isleeyahay marka aan eego saaxiibadayda aannu inta badan ku soo wada jirnay siyaasadda, aqoontayda iyo xilalkii aan soo qabtay waad u qalantaa. Anigu xilal badan baan soo qabtay imika xildhibaanka aan ahay waxa iiga horeeyay xilal badan oo aan Somaliland ka soo qabtay, waxaan soo noqday la taliye madaxweyne, waxaan soo noqday ergay madaxweyne, waxaan soo noqday wasiirka xanaanada xoolaha, waxaan soo noqday maareeye guud, waxaan soo noqday Komishineer, waxa kale o aan soo noqday guddoomiyihii ugu dambeeyay ee furista asxaabta qaranka, maantana waxa aan ahay xildhibaan u sharaxan jagada guddoomiyaha wakiillada. Waxa kale oo aan leeyahay taariikh kale oo siyaasi ah oo waxa aan ka soo jeedaa qoys caan ah oo 7 jiil ilaa Jiif Caaqil ah, waxaana aan isleeyahay qof wax ku soo kordhin kara ayaan ahay”

Waxa uu sidoo kale sheegay Xildhibaanku in aannu ahayn xildhibaan ka soo jeeda degmo ama tuulo iyo gobol toona laakiin uu ku abtirsado dhammaan gobolada berriga Somaliland.

Somalilandpost.net

Hargeysa-Somaliland