“Waxaan rumaysanahay in Somaliland tusaale ugu noqon doonto waddamada kale ee Geeska Afrika waxa uu yahay horumarka casriga ah ee guulaystay” – Madaxweyne Siilaanyo

Madaxweyne Siilaanyo oo ugu Baaqay Maalqabeennada Caalamka inay Hantidooda u huraan Khayraadka Somaliland

SILANYOHargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland Md. Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ugu baaqay maalqabeennada caalamka inay ku dhiirradaan maalgashiga khayraadka dihin ee ku jira dhulka Somaliland.

Madaxweyne Siilaanyo oo qoraal luqadda Ingiriisiga ku qoran ka hor akhriyey shir lagaga hadlay maalgashiga iyo ganacsiga Somaliland oo lagu qabtay magaalada London ee dalka Ingiriiska shalay, waxa uu sheegay in waddankiisu hodan ku yahay khayraadka kala duwan oo u baahan in laga faa’iidaysto.

“Madashan maanta waxay tusaysaa maalgashadayaasha caalamiga ah in dalka Somaliland yahay waddan ganacsiga u furan. Waxaannu leeyahay meelo badan oo la maalgashan karo. Barwaaqada iyo horumarka ka jira Somaliland waa waxa maanta halkan isugu keen keenay.

Waxaan halkan u taagannahay in aan idinku dhiirrigeliyo; hadday yihiin maalgashadayaasha dawliga iyo kuwa gaarka ahba inaad ku abaal marisaan, kuna kobcisaan dadka jiritaankooda iyo qiimahooda nabadda iyo wadajirka ku dhisay, siyaasaddooduna tahay mid shacabka ka go’da, waana inaad booqataan Somaliland si aad u aragtaan maalgashiga ka socda ee bulshadu samaysay,” ayuu yidhi Md. Silaanyo.

Waxa uu intaa sii raaciyey, “Somaliland caan oo keliya kuma aha in ay is-badbaadiso, laakiin waxay ka shaqaysaa ilaalinta ammaanka degaannadeeda, sababtoo ah waxay leedahay nidaam ay kaga wada hadasho hoos ilaa kor sida qaranka loo dhisayo, taasoo kor u qaadda rajooyinka bulshada caalamku ka qabto Somaliland.

shirka maalgashi (2)Waxaan rumaysanahay in Somaliland tusaale u noqon doonto waddamada kale ee Geeska Afrika waxa uu horumarka casriga ah ee guulaystay yahay, iyadoo qayb ka qataan taageerada ay na siiyaan bulshada caalamka iyo maalgashadayaasha ajnebiga ah.

Anigoo Qaranka Somaliland u hadlaya waxaan idinku dhiirrigelinayaa qof kasta oo idinka mid ah inaad taageero muhiim ah ka siisaan Somaliland safarkeeda ku aaddan in ay noqoto qaran Geeska Afrika ka mid ah,” ayuu yidhi Madaxweynuhu.

Waxa kaloo Madaxweynuhu uu martida kala duwan ee shirkaas ka qaybgalay faahfaahin ka siiyey horumarka iyo hannaanka dimoqraadiyadeed ee ka hirgalay Somaliland, waxaannu yidhi; “Martida sharafta leh ee kala duwan waxaan jecelahay in aan wax idiinka sheego qaran ku yaal Geeska Afrika oo dhul ahaan le’eg England iyo Wales oo la isku daray oo aan bulshada caalamka ku jirin, kaasoo ku yaal gobol rabshado hadheeyeen, balse waxa uu leeyahay arrimo cajiib ah oo in yar oo idinka mid ah aanay garanayn. Tusaale ahaan; wuxuu ku caano-maalay nabad iyo xasilloonida oo muddo ka badan 23 sannadood ka jirtay. Waxaad arkaysaa lacag badan oo suuqyada mashquulka ah dhex taal caasimadda oo aan dadka leh cabsi ka qabin in la dhaco. Doorashooyin ku dhisan nidaam guul iyo dimoqraadi ah oo baarlamaan iyo madaxweyne ayaa laga qabtay.

Dalkan sidoo kale waxa ka buuxa khayraad dabiici ah oo xagga buuraha sibidhka ah. Waxa kale oo ku yaal mid ka mid ah dekedaha ugu ballaadhan ee isku xidha Gacanka Cadmeed ilaa bariga fog iyo galbeedka Eeshiya. Waxa sidoo kale ku yaal dariiqa diyaaradaha ee ugu ballaadhan waddamada Saxaraha Afrika ka hooseeya.

shirka maalgashi (1)Dhaqaalaha dalkan ee kobcaya waa wax aan la sadaalin karin, waxaanad maqli doontaan horumarinta dhinaca tamarta, la soo bixista iyo ka faa’iidaysiga dib-u-cusboonaysiinta khayraadka tamarta. Waxa kale oo aad maqli doontaan kor-u-kaca waaxyaha dhaqaalaha iyo ikhtiraacyadooda oo ay ka faa’iideen dad badan oo ku jiraan dadka meelaha baadiyaha ku nool, kuwaasoo awood u yeeshay inay helaan bangiyada wareega, korna u qaaday dhaqaalaha iyo nidaamka bangiyada dalka. Waxa kalood wax ka ogaateen sida dalkani hodanka ugu yahay beeraha iyo fursadaha ganacsi ee dhoofinta xoolaha nool.”

Sidoo kale, Md. Siilaanyo waxa uu ka hadlay waxyaabaha xukuumaddiisu qabatay iyo qorshayaasha siyaasiyan iyo ganacsi ahaan uga meel yaal horumarinta dalkiisa. “Waxa aan aad ugu faraxsanahay inaan noqdo Madaxweynaha qarankan Somaliland. Dalkayga Somaliland waxa uu sameeyey horumar cajiib ah, waxaannu muddo 20 sanno ah ku guda jiray dhisidda qarannimada iyo nabad-dhisidda, taasoo ay gacanta ku haysay intaba xukuumado dastuuriya oo ah shacabkeedu doorteen.

InvestmentXukuumaddayda oo doorashooyin xor ah kula wareegtay xukunka sannadkii 2010-kii, waxay inta ay xilka haysay xoojinaysay hay’adaha dawladda, iyadoo barbar wadday ka-hawlgelidda nabadda iyo la-dagaallanka budhcad-badeedda iyo argagixisada. Arrintani waxay masuul ka noqotay qaran amma bay’ad nabad iyo si adag u ilaashan iyo inay hay’adaha dawladda iyo kuwa gaarka loo leeyahayba horumar sameeyaan.”

Shirka maalgashiga Somaliland oo ay iska kaashadeen dawladaha Ingiriiska iyo Somaliland (UK-Somaliland Trade & Investment Forum), waxa lagaga dooday sida looga faa’iidaysan karo khayraadka kala duwan ee Somaliland hodanka ku tahay, iyadoo ay shirkaas ka qaybgaleen weftiga Ingiriiska ka socda oo ay hoggaaminayeen laba wasiir oo kala ah; wasiirrada Xafiiska Arrimaha Dibadda iyo Horumarinta Caalamiga ah ee UK- Mr. James Duddridge iyo marwo Lynne Featherstone, halka weftiga Somaliland uu ka hoggaaminayey madaxweyne Axmed Siilaanyo.

SOMALILANDPOST.NET