“Waxaan qirayaa inuu wasiirkaygu(Sacad)  ahaa muwaadin wanaagsan oo Somaliland u gaajooday…” Cabdikariin A. Mooge

 

Hargyesa(SLpost)-Wasiir ku xigeenkii qorshaynta ee is casilay Cabdikariin Axmed Mooge, ayaa warbaahinta mar labaad kaga celiyay sababta uu xilka uga dagay, waxaanu wasiirka qorshaynta iyo sanduuqa horumarinta somalilandba ka difaacay in iyaga awgood uu shaqada uga tagay.

b062e1adf12169ee515c19e662e4e7f8_L

Cabdikariin Axmed Mooge oo warbaahinta kula hadlaayay isla wasaarada qorshaynta waxa uu hadalkiisa ku bilaabay sidan “warbaahinta intii aanu fursada isku helnay si cad ayaan ugu sheegay waxii aan isku casilay ninkii jinku luuqadaha lagu hadlo uu u turjumana anigu u jawaabi karimaayo, waxii aan isku casilay afkaygana waan ka idhi barta Facbook-na waan soo galiyay. waxaan isku casilay inaan u gacan banaanaado shaqooyin iigaar ah, inaan shaqadayda uga tagay marshuuca Sdf-na wax ka jiraa ma jiraan amma wasiirkayga aawadii aan shaqada uga tagay, waxaan qirayaa inuu wasiirkaygu ahaa muwaadin wanaagsan oo Somaliland u gaajooday oo wasiir tashiilka yaqaana inuu yahay shaqaalaha wasaaraduna way sheegayaan aniguna waan idiinka markhaari kacay, ixtiraam ayaanu ku soo wada shaqaynay oo ku kala tagnay, haday wax jiraana may suurto gasheen inaan eedaymaha wasiirka iyo wasaarada iyo aniguba inaan halkan soo fadhiisto oo la difaaco.”
Cabdikariin oo hadalkiisa sii wataa waxa uu yidhi“dhanka marshuucan markay tahay markaan akhriyay waan ka naxay waayo dadkii deeqdan ina siiyay way ka fakarayaan in aynu nahay dad abaalka celiya iyo in kale, waa mashruucii ugu horeeyay ee nooceesa ah ee Somaliland laga hirgaliyo, aduunkuna waa uu ka hagraday in 24 sanadood ay Somaliland ka caawiyaan kaabayaasha dhaqaalaha, waa markii ugu horaysay ee afar dal oo geesiyaal ahi ay iyadhaahdaan Somaliland waa in aynu ka caawinaa inay kaabayaasha dhaqaalahooda wax ka qabtaan, waynuna aragnay waxtarkiisa. marka marshuucaas maqaal maalinkasta laga qoro qofkaasi wasiir Sacadna waxaba ma yeelayo,wasaarada qorshayntana waxba ma yeelayo laakiin waxa uu Somaliland ka hor istaagayaa lixdan milyan ama tu ka badan oo la siin lahaa, hadii aad sidaas wax u soo qorto Somaliland waxba tari maysid, marshuucan aynu wada difaacano,waa mid qiimo leh oo Somaliland u wanaagsan.”