“Waxaan qabaa Madaxweynuhu in Aannu Marnaba kala Raacayn Musharaxiinta KULMIYE” Xildhibaan Kijaandhe

 

Hargaysa(SLpost)-Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka tirsan golaha wakiillada JSL ahna Musharax u tartamaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa waxa uu ka dhawaajiyey madaxweynaha qaranka in aannu ka fillayn in uu musharax si gaar ah u taageero islamarkaana oo uu dhex u noqon doono xubnaha tartamaya.

 

Musharaxa jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), ayaa Warsaxaafadeed uu soo saaray, waxa uu kaga hadlay warar lagu baahiyay warbaahinta dalka oo sheegaya in Madaxweyne Axmed-Siilaanyo uu si buuxda u taageeray Murashaxnimada Muuse Biixi, hase yeeshee waxa uu Murashax Kijaandhe uu sheegay inaanay jirin Murashax uu Madaxweynuhu si gaar ah u taageeray, iyadoo uu ku bogaadiyay mawqifkiisii dhex-dhexaadnimada uu ka qaatay Tartanka Murashaxiinta KULMIYE.

Warsaxaafadeedkaas oo uu soo saaray Xildhibaan Axmed Cabdi Nuur (Kijaandhe), oo ka mid ah Murashaxiinta u tartamaysa loolanka Madaxweynenimada Xisbiga KULMIYE dhexdiisa, ayaa waxa uu u dhignaa sidan:- “Waxaan Madaxweynaha uga mahad-celinayaa mawqifkiisa ku wajahan dhex-dhexaadnimada ah ee uu u yahay Murashaxiinta ku tartamaaya jagadda Madaxweynaha ee Xisbiga KULMIYE dhexdiisa. Marnaba wararka kutiri-kuteenka ah ee sheegaaya in Madaxweynuhu cid taageeray, shaqsiyan ma aaminsani, fikirka aan Madaxtooyada ka qabanna wax-ba ka bedeli mayso, waxaanan qabaa inaanu Madaxweynuhu marnaba kala raacayn Murashaxiinta KULMIYE.

Dhaqankii Madaxweyne Axmed-Siilaanyo looga bartay-nna maaha, haddii uu cid raacaayo aniga (Murashax Kijaandhe), ayuu I raaci lahaa, laakiin dooni maayo innuu cid-nna  godob ka galo. Mar labaad Madaxweynaha waan ku bogaadinayaa mawqifkiisa dhexdhexaadnimada ah ee uu ka istaagay Murashaxiinta KULMIYE, waanna wax taariikhda geli doonta haddii rabbi idmo.”

Waxa jiray warar ka soo baxayey shir madaxweynuhu kula yeeshay habeen hore madaxtooyadda xubno golaha dhexe ka tirsan in uu ka hor caddeeyay taageerada uu u hayo Musharax Muuse Biixi Cabdi, sidoo kale shalay ayey warbaahinta qaar baahiyeen afhayeenka Madaxtooyadda oo arrinkaasi beeninaya sheegayna in aannu madaxweynuhu kala taageersanayn musharixiintiisa kalana taageeri doonin. Si kasta oo ay tahay waxa shirkii golaha dhexe Kulmiye ee lagu baxayey ka hadhsan  mudo laba todobaad iyo 2 cisho ah.

 

Somalilandpost, Hargiesa Office