“Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.”

Madaxweyne-axmed-Siilaanyo2Hargeysa (SLpost)- Madaxweynaha Somaliland Md Axmed Maxamed Maxamuud (Siilaanyo), ayaa ka hadlay Qaraxyo habeennadii u dambeeyey ka dhacay magaalada Hargeysa, waxaanu sheegay inuu gacan adag ku qaban doono cid kasta oo ammaanka dalka khalkhal-gelin ku abuurta.

Madaxweyne Siilaanyo oo maanta shir-jaraa’id ku qabtay xarunta madaxtooyada, waxa uu ayaan-darro ku tilmaamay dalka gudihiisa laga maleego xasilooni-darro, halkii layska eegayey cadow dibadda ah.

“Nabadgelyadu waa shay ku qaaliya umada reer Somaliland, waxay usoo mareen dariiq dheer, waxaynu umad ahaan ku difaacnaa inagoo isku duuban, waxaynu feejigo u lahayn, oo iska illaali naynay, cadaw meel fog inooga yimaada, waxaase ayaan daro ah, in kuwii aan ammaanka u diray iyo kuwii damaca lahaa, ee dalkan inay xukumaan doonayey, laga soo sheego waxyaalo ammaanka kulidi ah, iyo inay isku dayaan in ay qarankan khalkhal geliyaan,” Sidaa waxa yidhi madaxweynaha oo ka hadlayey xaaladda ammaan ee habeenimadii u dambeeyey ka soo cusboonaatay caasimadda.

Madaxweynaha oo hadalkiisa sii watay, waxa uu yidhi, “Waxaan leeyahay qarankan anigaa masuuliyada 1aad iga saarantahay, umma dulqaadanayo mana aqbalayo cidna gorgortan kala gelimaayo ammaanka iyo xasiloonida dalka. Waxaan ku qaban doonaa gacan adag, waxaan la tiigsan doonaa sharciga, aniga iyo shacbiguba ma nihin kuwii Shaanida lagu baqo gelinlahaa.”

Madaxweynuhu waxa kale oo uu ka hadlay xaaladda Cakiran ee Xisbiga Kulmiye…….

SOMALILANDPOST.NET