Waxaan ku baaqayaa in lagu dhiirado ku dhaqanka shuruucda sportiska eeheer caalami – W/Q: Xasan Waraabe Cadde

hassanWaxaan Salaamayaa dhamaan dhlinyarta Somaliland meel kastooy dunida ka joogaan dalka iyo debadaba waxaan ugu hambalyeeynayaa kaalintii lama ilaawaanka ahaayd ee aay ka qaateen 22 guradii ka soo wareegtay goni iskutaaga Somaliland.

Hadaan u soo noqdo mawduucaayga oo aan uga gol leeyahay in aan wax ka iftiimiyo waxyaabihii dhacayay ama khlaafaadkii marba soo if baxayay gaar ahaan baaqashadii cayaarihii kubadda Kolayga ee caasimadaha bariga iyo bartamaha Afrika iyo khilaafaadka laga dareemayay gobolada qaar sida Togdheer oo kale sidaa daraadeed waxaan doonayaa in aan yara iftiimiyo khibradaayda intaay I siinaayso.

Tartankii Baaqday ee Caasimadaha Bariga iyo Badhtamaha.

Tartankaas waxaan ahaa shaqsigii u hawlgalay in aay Dhalinyarta Cayaaraha Somaliland ka Qaaybgalaan waxaana aan bilawnay Sanadkii 2011 bilawgiisii oo aan la kaashaday asxaab aad u taqaana ama u dhuundaloolay hawlahaas oo aanu asxaab hore ahaayn waxaa dhacday in codsigaas nalaga aqbalay gacan weeyna aanu ka helnay safiirkii Somaliland ee Kenya Mudane Indha Buur naxariistii janno alla ha ka waraabiyo iyo marwo Fadumo Saciid ODHA waxaa dhibaato noqotay baasabooradii oo xili dambe loo diyaariyay iyo kharashkii oo raagay sidaasaana lagu baaqday wxaana lacagtii lagu dayac tiray garoonka Timacadde ee Baasketka .

Kamaanu harin ee waxaan hadana isku dayay 2012 oo si sharaf badan markiiba naloo aqbalay kadibna aanu hawshii ku warejiyay xidhiidhka kubadda kolayga gudoomiyahooda Aqoonyahan Maxamud waxaayna si sharaf leh uga qaaybgaleen tartankaas oo live ahaa Reer Somalilanda aay aad ugu farxeen ka qaaybgalkaasina mahadeeda koowaad aay leedahay Madaxtoyadda iyo Dawlada Hoose Hargeisa ,hadaba xidhiidhkii iyo isbarashadii ka dhex abuurantay xidhiidhka kubadda kolayga ee urur gobaledka ee bariga iyo bartamaha Afrika hadii la sii wadana lagu qaban lahaa tartankaas caasimadda Hargeisa ee Somaliland oo aan hubay in aay marti galin doonaan madaama marba Magaalo lagu qabto.

2013 Waan ka baaqanay waana nasiib daro in aaynu sii wadi weeyno hawshaas oo inoo horsedi lahaayd ka mid noqoshada ururka cayaaraha ee bariga iyo bartamaha Afrika waxaan ku talinayaa in aaynaan dayicin fursadahan oo kale oo muhiim u ah qarankan sumcadiisa oo ka dhexmuuqan lahaa shaashadaha caalamka.

Waxaan aad uga codsanayaa Xildhibaanada golaha deganka Hargeisa in aay xil iska saaraan kamidho dhalinta iyo ka qaaybgalka sanadka dambe hadana la bilaabo tabaabushaheda  tartankaasi 2014 hadii alla yiraahdo.

Hadaan u soo noqdo  dhanka Shuruucda cayaaraha

Waxaan  filayaa in Somaliland ka aradantahay  qaab dhismeedka  iyo shuruucda cayaaraha caalamka iyo hirgalinteeda maadaama aaynaan uba dhaqaaqin hawshaas marka laga reebo sanadkii 2001 oo ahaayd bilawgi i wasaaradda Cayaaraha ,waxaa la abuuray gudiga Olymbic Somaliland,Xidhiidhada cayaaraha kala duwan oo mudo socday iyadoo aay hoos tagayeen wasaaradda cayaaraha halka la doonayay Madaxbanaani iyo isku filnaasho dhameeystiran  myse dhicin oo waa laka diray sanadkii hore dhamaadkiisii ilaa iminkana uu ka taagan yahay muran arinkaasi sidaan la socono gaar ahaan kubadda kolayga oo ku adkaaysanaya jiritaankiisa.

Hadaba waxaa ku talinayaa in si dhlinyaradda loo dhiiri galiyo lagana maarmo isqabqabsiga ragaadiyay soona  gaaray xataa Gobolada gaar ahaan Togdheer aan ku talinayo in la raaco qawaaniinta caalamku ku dhaqmaan ee cayaaraha si dhab ah oo laga tanaasulo habkii kacaankii ee ahaa one city ama magaalo qura sidaa daraadeed aan ka baxno qaabkaas oo aaan haboonaayn luminayana xuquuqda cayaartooyda

-Hadaba hadii uu sharciga cayaaruhu aanu si wanaagsan noogu hirgalin waxa kaliya ee aan aragnaa ama maqalnaa Tartanka Cayaaraha Gobolada marka sharuucda cayaaraha la eegayo waxa uu ka galayaa heerka labaad B .

Hadaba muhiimada koowaad ee loo baahnaa waxaay ahaayd in xoog la saaro dhismaha ama tayeenta xidhiidhada hadda jira sida xidhiidhka kubadda cagta ,kolayga.iyo oradada khaasatan sidii loo balaadhin lahaa si loo wada gaarsiiyo goboladda dalka oo dhan, waxyaabaha had iyo goor khilaafka keenaa waxaa u aabo ah sharciga oo la baal maro aan tusaale idin siiyo had iyo goor waxaa ka dhaca isqabqabsi xoog leh gaar ahaan marka cayaaraha goboladu soo guda galaan ama la shaaciyo sida ka dhacday Gobolka Togdheer(Burco) ama Awdal (Borama)sanadkii hore ,waxaad arkaaysaa khilaafka oo loo aanneeynayo Iskuduwaha wasaaradda Cayaaraha halka aay muhiimada koowaad ahaayd in uu jiro Gobol walba Xidhiidhka K.Cagta ee heer Gobol oo hoos tagaya kan Xidhiidhka K.C.Somaliland ee heer qaran hadii nidaamkaas la heli lahaa marna muran muu dhaceen .

Xasan-Waraabe-600x450ISKU DHEX DAADSANAANTA CAYAARTOOYDA.

Sida aan ka war qabno waxaa la magacaabaa xul walba marka cayaaraha la tagayo taasoo aan haboonaayn waana muhiim in la qanciyo cayaartooyda ka harta xulka gobolkiisa sababtu waxaan u aanaaynayaa in aanay jirin wax aay dhalinyaradu hiigsadaan Kooxaha A ama naadiyadda ,heerka labaad ama sadexaad .

Heerka kowaad waa nadiyadda Qarankan u dhisan oo ku tartami lahaa Horyaal kuwaasi waxaay ahaayd in hankoodu uu ka sareeyo Gobolada maadaama aay yihiin kooxihii kowaad Seria A. mar hadii aanay jirin kala sareeyni ama hiigsi waxaa dhaceeysa in uu qof waliba uu doonayo in uu u cayaaro gobolka uu ka soo jeedo sax iyo qaladba hadaba waxaa wanaagsanaayd in Gobol waliba uu soo qabsado cayaaraha Degmooyinka Gobolka si uu cayaartooy waliba u helo xuquuqdiisa  cayaaryahanimo isla markaana loo magacaabi lahaa gudi xula cayaartooyda gobalkooda halkaas ayuu ka soo bixi lahaa xulka Gobolka maayse dhicin oo waxaa halkaa ku lumay cayaartooy badan xuquuqdoodii marka la raaco sharciga taasaana u ah sababaha keentay khilaafaadka soo ifbaxayay.

Talo soo jeedin

Waxaan ku soo gunaanadayaa Hadalkaayga Talo bixin gaar ahaan cayaarahan fooda ku soo haya caasimadda Hargeisa ee Gobolada waa xasaasi waana 13 gobol oo gobolwaliba doonayo guul guuldarada aanay qaarkood aanay aqoonba waxaan soo jeedinayaa in cayaaraha Gobolada sanada Dambe laga horeeysiiyo isreebreeb fainalkana aay yimaadaan Hargeisa 4 ama 8 Gobol si aay u fududaato wakhtiga iyo kharashkaba Cayaaraha Goboladu ma hawlyara waana in aad looga fakaro amaanka Garoonka iyo cayaartooydaba si aanay u dhicin wixii dhacay 2007 kii oo garoonka lagu shiiday Boorame markaay hargeisa reebeen.

Dadka reer hargeisa in aay soo dhaweeyaan cayaartooyda

Cadaalad iyo Garsoor Haboon ama ku dhaw

Wakhtiga oo la ilaaliyo

Jadwalka oo habeeysan

Goaan qaadasho haboon oo aan ku saleeysnaayn xeer jajajab

Ugu dambaayntiina waxaan ku soo gunaanadayaa in sida ugu dhakhsiyaha badan loo dhiso ama la tayeeyo Xidhiidhada lana dhiso kommshan madax banana oo ka soo talo bixiya qaabka ugu wanaagsan ee loo dhisi karo ama loo tayeen karo sportiska Somaliland si loogu dhaqmo shuruucda calamka ee cayaaraha kala duwan.

Alaa mahad leh

Xassan waraabacadde

Gudomiyaha Horumarinta Cayaaraha Somaliland ee Norway