“Waxaan Jeclahay in aan Saxo Hadal aan Dhawaan Warbaahinta Siiyay” Cabdicasiis Samaale

Hargeysa(SLost) – Wasiirkii hore ee maaliyadda Cabdicasiis Samaale, ayaa shir jaraa’id oo uu Hargeysa ku qabtay wuxuu ku hogotusaaleeyay dhibaatooyin dalka ka jira, waxaanu dib u saxay hadal uu dhawaan yidhi.

 

“Waxaan jecelahay inaan saxo waxaan u jeedayna caddeeyo hadal aan dhawaan warbaahinta siiyay, waxaa hadalkaygaas ka mid ahaa “haddii madaxweyne Shaanidii ku cabsi galisay, wallaahi tu ka weyn ayaa iman doonta haddii xorriyadda iyo dimuqraadiyadda la ilaalin waayo”, hadalkaasi hadalkayga ayuu ku jiray,maan sheegin inaan anigu hub isticmaalayo ama taangiyo ama dalka dagaal galinayo, xaashaa lilaah, anigu nin Diinta wax ka yaqaan baan ahay, Illaahayna waxaan ka baryayaa Diinta aanaqoonta u leeyahay inaan dadka  ku dhaqmaya ka mid noqdo. Umadda Somaliland magac weyn iyo maamuus ay iyagu I huwiyeen baan ku dhex leeyahay, waxaan sheegayaa inaan ahayn shakhsi dagaal, inaanan ahayn askari, inaanan ahayn shakhsi umaddan nabad galyadeeda looga baqi karo iyo xasiloonideeda. Hadalkaas waxa loo fasiray inaan dagaalamayo, xaashaa lilaah, anigu askarina ma ahi, hub ma sito waligayna ma qaadan,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

 

Cabdicasiis Samaale wuxuu sheegay inay jiraan waxyaabo uu ka tirsanayo xukumadda “aniga waxyaabaha I gubaya ee maalintii aan shirka jaraa’id qabtay ka hadlay een tabanayay walina tabanayo waxaa ka mid ah madaxweynuhu  wuxuu u yeedhay wasiiro qoyskiisa ah. Waa xaqiiqo dhab ah oo aan been ahayn. Haddii la beeninayo oo warkaasi ma jiro la leeyahayna been baa la sheegayaa. Madaxweynuhu masuuliyiinta uu la kulmay wuxuu ku sheegay inuu qof ka mid ah musharaxiinta xisbiga dhisayo oo uu dhisayo Muuse Biixi, anigu dhib uma arko oo madaxweynuhu cod buu leeyahay laakiin waxaan ceeb u arkaa, anigu muddo shan sanno ka badan ayaan sheegayay inaan musharax ah oo xoog iyo xoolo ayaan ku bixiyay, intaas madaxweynuhu wuxuu I lahaa madaxweynuhu dhex baan ahay,” ayuu yidhi Samaale.

 

“Xilligii Madaxweyne Daahir Riyaale, wuu nool yahay manatee, madaxweyne Qaran ayuu ahaa, maalin kaliya shakhsiyaddiisa iyo madaxweynenimadiisa waxba kamaan sheegin laakiin, xisbi mucaarad ah ayaan ahaayoo haddaladaydu way dhibayeen madaxweynaha. Waanu isku nimid waan raali galiyay isagoo madaxweyne ah iyo isagoon madaxweyne ahayn ba. Aniga laftayda gefef badan baa la iga galayoo maalin kaliya oo la iga raali galiyay ma arag.

 

Waxa ka mid ahaa gefefka la iga galay, in xilli ka mid ah xilliyadii Daahir Riyaale aniga iyo walaalkay Maxamed Xaashi iyo Gaboose nalagu sheegay saddexdayaduba Al-shabaab inaanu nahay, Idaacadda radio Hargeysa ayaa laga sheegay, ma dambi ka weyn oo qof bani aadam ah laga sheego ayaa jira, waxaanan ahaa guddoomiye xigeenka golaha wakiillada. Qofka waxaa sheegay inuu caddaynteeda keeno saw may ahayn illayn waa dil ah, waa qof ku dilaye, aniguna bari ayaan ka ahaa,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

 

Cabdicasiis Samaale oo hadalkiisa sii wata waxa uu yidhi “Bal haddaba waxaad ka warantaa xukumaddii aan dhaliyay een laf dhabarteeda ka mid ahaa Axmed(Madaxweynaha) kursigaa dadkii ku fadhiisiyay aan ka kow ahaa haddii wadadii wado la mid ah ay qaado  oo xukumadda la fafteedu wixii wax la mid ah Cabdicasiis ku sheegto bal ka warama. Waxaad is odhanaysaa taariikhdu iyadaa dib isku soo celisa oo wixii shalay dhacay ayaa dib u soo noqonaya, dee waa in dadku biri ma gaydo yeesho oo waxyaabo lagala xishoodo qofku uu yeesho,” ayuu yidhi Cabdicasiis Samaale.

 

Cabdicasiis Samaale wuxuu ka sheekeeyay tuducyo gabay ku jiray oo hore Madaxweyne Siilaanyo oo mucaarad ahi sacabka ugu tumay “Waxaan idin odhanayaa laba saddex kalmadood oo aan fagaare ka idhi, fagaarahaasi wuxuu ahaa Maansoor oo lagu soo bandhigayay barnaamijkii xisbiga Kulmiye. Hadal baan idhi maalintaas waxaana sacab aad u badan hadalkayga u tumay maalintaa guddoomiyihii Kulmiye ee wakhtigaas haddana ah madaxweynaha maanta iyo madaxdii kale ee xisbigu sacab aad u badan bay tumeen.

Hadalkaan maalintaa idhi waxaa ka mid ahaa baydad aan ka soo qaatay gabay uu tiriyay Alle ha u naxariistee Abwaan Gaarriye, baydadkaas aan soo qaatay sacab aad u badan baa loo tumay waxaase laga yaabaa gabaygii haddaan maanta ku celiyo in dad badani sacabkii sacab la mid ah tumaan, dadkii maalintaas sacabka tumayayna ka cadhoodaan. Gabayga oo la yidhaa RUN, wuxuu ku sheegayaa in Runtu tahay dhabbo miinaysan oo aan haddana laga maarmi Karin in la maro,” ayuu yidhi Samaale.

https://www.youtube.com/watch?v=nl12spY5GN0

https://www.youtube.com/watch?v=nl12spY5GN0