“Waxaan Jecelnahay in aad na Bartaan Sida Kaluunka Loo Isticmaalo” Wasiirka Ganacsiga Dawlad Deegaanka Soomaalida Itoobiya

Hargeysa(SLpost)-Wasiirka Ganacsiga ee Dawlad deegaanka soomaalida Itoobiya oo hogaaminaya wafti ka socda maamulkaas oo shalay safar shaqo ku yimi Jamhuuriyadda Somaliland ayaa maanta ka qaybgalay bandhigga carwada Kaluumaysiga Somaliland oo Hargeysa laga furay.

Wasiirka oo halkaas khudbad ka jeediyay ayaa xukuumadda Somaliland ugu mahadnaqay sida ay ugu martiqaadeen dalka iyo sida wacan ee ay uga soo qaybgaliyeen in uu ka mid noqdo martida bandhiga kaluunka Somaliland, waxaana uu xusay in dadkiisu reer Somaliland ka baran doonaan sida kaluunka loo isticmaalo.

Wasiirka oo halkaas ka hadlaya ayaa waxa uu yidhi “Waxa sharaf ii ah ama farxad ii ah maanta in aan ka soo qaybgalo bandhig carweedkan oo aad ku maamuusaysaan maalinta Kaluunka. Ismaan Lahayn waan la kulmaysaa fursaddan, Laakiin nasiib wanaag waxay noqotay in aan la kulmay. Waxaanan jecelnahay haddaannu nahay dawlad deegaanka soomaalida ama shacabkeeda in aad na bartaan sida kaluunka loo isticmaalo”

 

Wasiirka ganacsiga ee DDSI waxa uu ka waramay  xidhiidh ganacsi oo ka dhexeeya Jamhuuriyadda Somaliland iyo Dawladda Deegaanka islamarkaana ay imika jecelyihiin in ay ku daraan xidhiidh ganacsi oo kaluunka ah, waxaana uu yidhi ”Xidhiidhka ganacsi ee ka dhexeeya Somaliland iyo deegaanka waa mid qoto dheer oo in badan soo taxnaa haddii ay noqoto dhanka xoolaha iyo haddii ay noqoto dhanka meceeshada kalaba. Imikana waxa aannu rajaynayaa in aannu ku soo dari doono dhanka kaluunka”

 

Wasiirka ganacsiga ee DDSI waxa uu sheegay maadaama oo aannu maamulkoodu hore u lahayn wasaarad kaluunka iyo xoolaha ku shaqo leh waxa uu sheegay in imika la aasaasay wasaaradda kaluunka iyo xoolaha walaw aannay Dawlad deegaanka soomaalida ee Itoobiya iyo guud ahaanba Itoobiya ayna lahayn wax bad ah. Isaga oo arrimahaa ka hadlaya waxa uu yidhi “Heer qaran awal ma jirin wasaarad kaluun, muddooyinkii ugu dambaysay ama shantan sanno ee aannu imika galnay waxa la aasaasay wasaarad kaluunka iyo xoolaha awal hore ma jiri jirin waxaana ay taasi ina tusaysaa ahmiyadda uu kaluunku leeyahay”

 

Somalilandpost Staff

Hargeysa, Somaliland