“Waxaan isleeyahay ninka waraaqda ingiriisida ku qorey, malaha buugga koowaad ee ingiriisida muu dhamaysan” Guddoomiye Cirro

Haregysa, (SLP)- Guddoomiyaha golaha wakiillada ahna guddoomiyaha xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo socdaal ugu maqnaa dalka Turkiga ayaa maanta dalka kusoo laabtay, iyadoo ay soo dhaweeyeen xildhibaanno ka tirsan golaha wakiillada, taageerayaasha iyo masuuliyiinta xisbiga Waddani.cirro

Guddoomiye Cirro oo muddadii uu dalka ka maqnaa ay warbaahinta qaarkeed ka baahiyeen warar la xidhiidha inuu sameeyay khiyaamo qaran iyo isku dayo uu waddamo dibadda ah kaga dalbaday taageero si uu Somaliland ugu bedelo Federaal, eedahaas iyo qoraalladaas ay warbaahinta dalka qaarkeed ka baahiyeen ayuu jawaabo kala duwan ka bixiyay, isagoo dhamaantood iska fogeeyay.

Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi (Cirro) oo qolka soo dhaweynta ugu warramayay warbaahinta ayaa khudbad dheer ku daadefeeyay eedaha laga sii qorey, waxaanu ku bilaabay hadalkiisa.  “Safar baan ubaxay, waxaanu ahaa safar caafimaad, malaha qolana way soo ducaynaysay, qolana waxbay habaaraysay, laakiin waxaan isleeyahay qoladii ducadaa la aqbalay.

Intii aan joogay Turkiga, markii uu caafimaadku ii dhamaaday waxaan la kulmay wasaaradda arrimaha dibadda ee dalka Turkiga agaasimaha guud ee waaxda Afrika iyo saraakiil la socotay waxaanu ka wada hadalnay guud ahaan arrimaha Somaliland iyo iskaashiga labada baarlamaan. Waxa kale oo Turkiga ka socotay munaasibad weyn oo 100-guuro ahayd oo lagu casuumay dunida oodhan, taasna anigu kamaan qaybgalin waxay ka socotay magaalada aan joogay maahee mid kale, in ka badan 100 dal ayaana ka qaybgalay. Somaliland magic iska baxay maaha, waa talo iyo go’aan shacbi, waa afti qaran, waa go’aan madaxweyne, xukuumad iyo baarlamaan midna aanay waxba ka bedeli Karin, ummadda ayay cay ku tahay in la yidhaahdo Somaliland baa la iibinayaa. Aniga shaqsiyan waxaan isleeyahay Somaliland lagaaga biqi maayo, waxaan isleeyahay haddaanan aaminasanayn inaan shacbigayga  gaadhsiin karo himilada ay doonayaan waqti iskagamaan khasaarin inaan u tartamo hogaanka ugu sareeya dalka, waxaan isleeyahay shacbigaaga waxaad ku hogaamin kartaa himilada ay doonayaan. Xisbiga waddani ciddii doontaaba wax haka sheegto waa xisbiga rejada ee Somaliland, waxaan isleeyahay waa xisbi hankiisu yahay inuu dalka ku hogaamiyo nabad, ictiraaf iyo horumar, shacbiga Somaliland way ka ilbaxeen shugux-shugux kolba ciddi u tunto, waxaad moodaa in doorashadii soo dhawaatay oo ay xawla-mariidka ay marayso, qaar baa isleh malaha waxa lagu kala badinayaa beenta iyo barobagaandaha, muddadii aan maqnaa sidii caadada u ahaan jirtay wargeysyo kooban oo ku xidhan xukuumadda iyo website-yo siday awalba qori jireen waxay qorayeen warar been ah, wararkaa beenta ah waxa u dambeeyay mid ay yidhaahdeen guddoomiyaha wakiillada ayaa warqad u qorey dalka Finland, waraaqdaas anigu maan qorin, baarlamaanka iyo xoghayaha guud ayaa ka hadlay, barigii hore been baa la qori jiray, laakiin imika waxay soo gaadhay in waraaqihii qaranka la been abuuro, waxaan isleeyahay mararka qaarkood malaha mid run u eg ayaa la sheegayaaye, ninka waraaqda qorey ee ingiriisida ah qorey, malaha buugga koowaad ee luuqadaas muu dhamayn baan is idhi jumlad keli ah oo sax ahi kuma jirto. Waxa kale oo la yaab lahayd haddii ingiriisi uu ka dhigay gunaanadkii wuxuu ka dhigay afsoomaali, taasi waxay marag ka tahay wixii hore ee ay qori jireenna inaanay waxba ka jirin, mararka qaarkood iyagoo isleh malaha Cabdiraxmaan Cirro wax ka sheega ama qof kale oo qaranka jooga, waxay been ka sameeyaan dawladdo aynu saaxiib nahay, dawladdahaa ay jeclaadeen waxa ka mid ah dawladda Jabuuti, markaa malaha waxa fiicnaan lahayd Cirro ha iska eryadaane dawladdaha aynu saaxiibka nahay ee ay ka mid tahay Jabuuti ee uu ka mid yahay Turkigu oo ah dal weyn oo ku dhiiraday inuu xafiis diblomaasiyaddeed ka furto Somaliland, waa qunsuliyada keliya eek u taalla Afrikada saxaraha ka hoosaysa, waxaan isleeyahay wuu qadariyay Somaliland, haddii wax kale la qadarin waayo, 250 arday ayaa wax ka dhigta Turkiga xidhiidhkeenuna wuu korayaa.

Waxa kale oo ay qoreen in dawladda Jabuuti iyo Turkigu ay na dhexdhexaadinayaan Soomaaliya, horta waxa la dhexdhexaadiyaa dawladdo ee shaqsi iyo dawlad lama dhexdhexaadiyo, waxaanan shacbiga Somaliland u xaqiijinayaa dawladdo aniga iyo cid kale na dhexdhexaadiyay inaanay jirin.”

Guddoomiyaha golaha wakiillada Somaliland, ahna guddoonka xisbiga mucaaradka ah ee Waddani Cabdiraxmaan Cirro waxa kale oo uu ka hadlay doorka ay beesha caalamku ku leedahay hirgelinta in doorashooyin dalka ka qabsoomaan, waxaanu yidhi. “Waxaan jecelahay inaan beesha caalamka u mahad-naqo, waxaad moodaa in beesha caalamku ay aad u danaynayso Somaliland way inagu soo noqnoqotay, waxay inagula talisay inaynu doorashooyinka qabano sannadkan 2015, waxay yidhaahdeen waxa ku jira magaciina, waxa ku jira kalsoonidii dunidu idin siisay, hase yeeshee waxa lagu kala tagey markii ugu dambaysay in wixii komishanku uu gooyo la sugo.”

Somalilandpos.net