Waxaan Hayaa Xalka Tahriibka (Q.2aad) – W/Q: Prof: Maxamuud Jaamac Axmed (Xamdi)

XamdiMarka Hore Cudur-daar ku aadan wakhtiga dheer ee u dhaxeeyay qaybtii 1aad iyo qabtii 2aad ee maqaalkan.

Hal arrin ayaan aaminsanahay inay rajada abuuri karto, taasoo ah in la is-waafajiyo (nolosha dalka iyo xaalada dalka).

Waxa xaqiiq ah oo aan lagu muransanayn in qaab-nololeedkeenu uu yahay mid aan la jaan qaadayn xaalada dhabta ah ee dalka, marka laga eego dhinaca dhaqaale, oo xaqiiqadu waxay tahay in aynu u nool nahay sida dalalka Yurub, oo sicirka maceeshadu wuu ka baaxad weyn yahay qof ku dhex nool xaalada dhaqaale ee dalka, oo aad ayey u adag tahay in qof Somaliland waligii ka shaqaysanaayay uu noqodo qof awood u yeelan kara inuu xataa soo gaadho qaab-nololeedka dabaqada dhexe ee dalkeena, anigu halkan waxaan ka waramayaa aqlabiyada, kamana waramaayo tirada yar, sidaa awgeed dhalinyaradu waxay dareemayaan in ay laga maarmaan tahay in uu dalka dibadiisa uga baxo si uu awood ugu yeesho inuu soo gaadho meeqaamka dabaqada dhexe.

Dalkeena shaqo way jirtaa, dhalinyaraduna taasi way ogtahay, laakiin su’aashu ay dhalinyaradu is-waydiinayaan waxay tahay, shaqadan aan ka shaqaynaayo miyey i gaadhsiin kartaa heerka nololeed ee aan bulshada Somaliland dhexdeeda kaga dhex noqon lahaa qof nolol fiican ku nool? miyay shaqadaasi awood ii siinaysaa in aan guursado inta aanuu tareenkii noloshu I dhaafin? Miyay shaqadaasi ii saamaxaysaa in aan dhul iibsan karo? miyay ii saamaxaysaa in aan guri aan dago dhisan karo? miyay ii saamaxaysaa in aan in uun awood u yeelan karo in aan u abaal-gudo waalidkii inta badan igu soo tabcay, mise waxaan noqonayaa qaadaa-ma-dharge?

Su’aalahaasi waxay ka jawaabaysaa su’aasha ay dadka qaar is waydiiyaan ee ah, (waa maxay sababta ay dhalinyaradu u diidaan inay shaqooyin hoose dalka kaga dhex shaqaystaan isla markaana ay u aqbalaan inay qurbaha kaga shaqaystaan shaqooyin aad uga meeqaam hooseeya kuwa ay dalka ka heli lahaayeen?) jawaabtu waxay tahay, dhalinyaradaasi shaqadaasi waxay uga shaqaynayaan maadaama ay og yihiin in lacagta ay halkaasi ka helaayaan ay tahay mid nolol fiican dalkooda ku noolaysiin karta iyaga iyo ehelkoodaba, halka shaqada dalku aanay heerkaasi nololeed gaadhsiinayn xita haddii ay ka sarrayso shaqada uu dibada kaga shaqaynaayay.

Xaqiiqdii maceeshada dalku uma qaabaysna in ay ku noolaadaan dadwaynaha Somaliland intooda faraha badan, balse waxa loogu talo-galay inay ku noolaadaan dad tiro yar oo dalka gudihiisa shaqooyin fiican ka haysta iyo muwaadiniinta qurba joogta ah , haddii aad arrintaasi dood ka qabtid, bal u fiirso qiimaha arrimahan aasasiga ah:

  1. dhulka
  2. dhismaha
  3. Waxbarashada kala duwan siiba heer jaamacadeed
  4. Guurka
  5. Raashinka
  6. Shidaalka
  7. …iwm

 

Waxaad arkaysaa in kharashyadaasi kor ku xusan aanuu ka bixi karin qof dalka gudihiisa ka shaqeeya, tusaale kooban: haddii aynu tilmaan ahaan soo qaadano mushaharka ay dawladu bixiso inuu yahay mid aynu wax ku cabirno, waxaynu arkaynaa inuu yahay ugu badnaan $200, haddii aan ka soo qaado qiimaha hawlaha guurka dhamaantood (Meherkii+Soo Wareejintii) ee dhex-dhexaadka ah inay tahay $2,000, waxaynu arkaynaa inuu ninkan dhalinyarada ah uu u baahan yahay ugu yaraan sannad, taasna waxa ku xidhan shuruud ah: in aanuu wax kale lacagtaasi ku bixin, xita haddii ay tahay baska uu raacaayo iyo waxa uu cunaayo.

Sidoo kale waxaad ka soo qaadaa in sicirka qiimaha dhex-dhexaadka ah ee dhulku ku yaalla Hargeysa uu yahay $4,000, wiilkan dhalinyarada ahi wuxuu u baahnaanayaa ilaa laba sannadood oo kale, waa haddii uu lacagtan aanuu wax kaleba ku qabsan, taasina waa arrin aan dhiciba karin.

Markaa su’aasha ay dhalinyaradu is waydiinayaan waxay tahay, (Maxaa igu wata inaan ka shaqeeyo dalka gudihiisa shaqo aan i gaadhsiinayn qaab nololeedka dhex-dhexaadka ah, miyaanay iiga fiicnayn in aan tahriibo oo xita haddii aan shaqayn waayo ay lacagta caydhu ay ii noqonayso; marka aan isku biiriyo muddo aad u yar; mid guryana ii dhisi karta isla markaana aan ka guursan karo?).

Markaa arrinta tahriibku maaha shaqo iyo shaqo-la’aan balse waa arrin la xidhiidha rajo la’aan ku aadan shaqada dalka iyo halka ay dhalinyarada gaadhsiinayso iyo rajo ku aadan qaxootiga yurub iyo nolosha fiican ee ay siinayso marka ay soo noqdaan.

Sidaa daraadeed dhalinyarada tahriibaysaa waxay aaminsan yihiin inay dalka u tahriibayaan oo aanay ka tahriibayn, maadaama ay dhamaantood maskaxdooda ku jirto in waxa ay soo helaan ay dib ugu soo celinayaan dalkooda.

Xita marka laga hadlo dhinaca siyaasada, wiilka dhalinyarada ah ee arka xukuumad inteeda badan qurba-joog yihiin, wuxuu aaminayaa in xita haddii aad dalkan doonaysid inaad madax ka noqotid waa inaad baasaboor ajanabi ah soo qaadataa si aad markiiba xilalka ugu sarreeya dalka u qabatid.

Markaa haddii aynu doonayno in dhab ahaan aynu u joojino tahriibka waa in aynu samaynaa laba arrimood midkood:

  1. in aynu kordhino dakhliga dhalinyarada shaqaysa si dakhligoodu u noqdo mid wax u goyn kara oo aanay ku noqon kaliya waxay cunaan, taasina waxay u baahan tahay inay dawladu dajiso siyaasado guud (Public Policies) ku aadan xadidida mushaharka ugu yar ee la qaadan karo (Minimum Wage), taasoo ay dawladaha caalamka intooda badan ay ku dhaqmaan, xadidida qadarkaasi oo mar walba la jaan qaadaaya sicir-bararka dalka ka taagan (Inflation).
  2. In aynu joojino saamaynta ay qurba-joogtu ku saameeyeen maceeshada dalka, iyadoo lacagta ay kala yimaadaan dibada ay kor ugu qaado muwaadiniinta dalka joogta qiimaha maceeshadooda, taasoo ah fara galin dibadeed oo ka baxsan dhaq-dhaqaaqa suuqa oo afka aqooneed ee siyaasada guud loogu yaqaano (Externalities), taasoo loo aqoonsan yahay inay ka mid tahay mushkiladaha u baahan inay dawladu u dajiso siyaasad guud (Public Policy) si ay u dawayso dhibaatadaasi, taasoo ku iman karta in cashuur dheeraad ah laga qaado muwaadiniinta qurba-joogta ah, oo cashuurtaasi dib loogu celiyo dadka ay tamarta yar iyo qaabab kale oo badan.

Anigu waxaan aaminsanahay in labada arrimoodba ee kor ku xusan ay u fudud yihiin dawladu inay midkood qaadato, go’aanka kama dambaysta ahna iyo masuuliyada ugu wayn ee arrintanna waxa leh xukuumada, sidaa awgeed kubadu immika waxay hortaallaa garoonka dawlada… Ilaahay ha u fudaydiyo xalka iyo go’aan ka-qaadashada mushkiladan damqashada badan… Aamiin.