“Waxaan Halkan Ka Cadeynayaa In Aannaan Qaadan Lacagta Soo Martay Dawladda Federaalka Somalia”Wasiirka Qorsheenta DR:-Sacad Cali Shire

Hargeysa (SLPOST)-Xukuumadda Somaliland ayaa soo bandhigtay in baanka Horumarinta Afrika uu ka baxay mawqif ay si wada jir ah labada dhinac hore ugu heshiiyeen in loo maamulo dhaqaale ku baxaya qorshe lagu tirakoobayo shacbiga JSL oo imika loo gacan geliyay dawladda federaalka Soomaaliya.

sacad

Sidaasna waxa lagu sheegay war-saxaafadeed uu maanta Hargeysa ka soo saaray Wasiirka Qorshaynta qaranka Somaliland Dr. Sacad Cali Shirre, waxaanu sheegay in aanay Somaliland qaadanayn lacag soo martay gacanta Soomaaliya.

Qoraalka wasiirkuna waxa uu u dhignaa sidan:-“Annaga oo tixraacayna qoddobka koowaad xayeysiis la soo geliyey website-ka Bangiga horumarka Afrika (African Development Bank) ee ku suntan taariikhda 7/3/2014ka, kaas oo leh “waxay Dawladda Federaalka ee Somalia ka heshay Bangiga Horumarinta Afrika lacag taas oo lagu tayeynaayo xog ururinta Somaliland. waxaanu halkan ka cadaynaynaa in lacag gacanta Dawladda Federalka Somalia soo martay aanaan qaadanayn.”

Mashruucan hadalkiisu wuxuu soo socdey muddo laba sannadood ah. Fahamkayagu wuxuu ahaa in Bangigu lacagta mashruuca ku baxaysa gacanta ku haynaayo, oo aanay gacan kale geleyn, khabiirrada loo baahan yahayna ka wada hawl-geleyno.

“Waanu soo dhoweynaynaa taageerrada Bangiga laakiin taageradaasi waa in aanay gacan wadan kale soo marin ee gacantiisa ka soo baxdo.”

Somalilandpost.net

Hargeysa/Somaliland