“Waxaan beddelaynaa dhuumaha biyaha soo gaadhsiiya Hargeysa ee Geed-deeble oo afartan sannadood shaqeynayey”

MICHELLEHargeysa (SLpost)- Safiirka Midowga Yurub u qaabilsan Arrimaha Soomaalida Michele Cervone d’Urso, ayaa hadlay Mashruuca Biyo-ballaadhinta magaalada Hargeysa oo la dhammaystiray wejigiisa hore oo ah, iyada oo biyo-gelin cusub laga samaynayo dhinaca xaafadaha Bariga iyo Koonfur-Bari ee Caasimadda.

Dhaqaalaha ku baxaya maalintan oo Midowga Yurub bixinayo, waxa sidoo kale ku jira beddelista Dhuumaha Biyaha ka soo qaada Ceelasha Biyaha Geed-Deeble ee Galbeedka Hargeysa, kuwaas oo shaqaynayey muddo ku dhow Nus-qarni, iyada hawsha beddelaadda dhuumahaas la bilaabi doono bisha saddexaad ee sannadkan, sida uu sheegay Safiirka Midowga Yurub ee Somaliland iyo Soomaaliya Danjire Michele Cervone d’Urso oo Waraysi Gaar ah siiyey Wargeyska Himilo oo xaruntiisu tahay magaalada Hargeysa.

Danjire Mchelle oo la weydiiyey mashaariic ay ku kobcinayaan biyo-ballaadhinta deegaanno ka tirsan Somaliland, waxa tafaasiil ka bixiyey Afar mashruuc oo biyo-ballaadhin ah oo laga hirgelinayo magaalooyinka Waaweyn ee dalka, kuwaas oo Midowga Yurub maalgelintiisa bixinayo, waxaanu yidhi, “Midowga Yurub hawlo muhiim ah ayey ka wadaan biyaha Somaliland, waxaana naga go’an in biyo nadiif ah helo qof kastoo ku nool magaalooyinka waaweyn ee Somaliland. Guud ahaan ballanqaadyada Midowga Yurub ee ku waajahan biyaha waxay yihiin afar mashruuc.”

“Waxaan bedelaynaa dhuumaha biyaha soo gaadhsiiya magaalada Hargeysa ee Geed-deeble oo afartan sannadood shaqeynayey, waxaanu sidoo kale balaadhin doonaa nidaamka qeybinta biyaha magaalada, si qof walba oo Hargeysa jooga u helo biyo saafi ah. Wejigii diyaargarowga ayaa wakhti qaatay, balse wuu gebgeboobay, shaqadii soo dhigitaanka dhuumaha cusub waxay bilaabi doontaa bisha March sannadkan,” sidaas ayuu yidhi Danjire Michele Cervone d’Urso.

Isaga oo hadalkiisa sii watay, waxa uu intaas ku daray, “Magaalooyinka Burco, Boorama, Tog Wajaale iyo Ceerigaabo, Midowga Yurub waxuu ka wadaa hawlo degdeg ah oo lagu casriyeynayo biyo qeybinta. Tog-wajaale, qeybtii u horeysay ee dhuumahii biyaha way gaadheen, hawshiina way socotaa. Boorama iyo Ceerigaabo wejigii ugu dambeeyey ee diyaarinta hawshu way dhamaatay, hawlahii xigay dhowaan ayey bilaabmayaan. Ugu dambayn, waxaan dhamaynay sare-u-qaadka helitaanka biyo saafi ah iyo taageerida faya-dhowrka ee Togdheer, Maroodi-jeex iyo Sool.”

SOMALILANDPOST.NET