Waxaa Maalintii Labaad Loogu Jiraa Gurmadka Markabkii Ku Degay Konfurta kuuriyadda Koonfureed

South Korea(SLPOST) Waxaa maalintii labaad socda gurmadka loogu jiro in lagu soo badbaadiyo dadkii saarnaa Markab ku degay koonfurta wadankaasi Kuuriyada Koonfureed.

Markabgadoomay

Markabkan oo siday dad ku dhaw 500 qof ayaa shalay arooryadii hore ku degay meel u dhaw jasiirada Jeju, waxaana weli la la’a yahay dad gaaraya 288 qof.

Hawlgalka gurmadka ayaa waxaa hakiyey xalay dabeylo iyo ciiryaamo ka jirta goobta uu ku degay Markabkaasi oo siday dhalinyaro badan oo arday ah. Ehelada dadka la la’a yahay ayaa dowlada ku eedeeyey inay la gaabisay hawlgalka gurmadka.

Illaa iyo hada dowlada Kuuriyada Koonfureed ayaa sheegtay in ay dhinteen ugu yaraan 9 qof, balse tiradaasi ayaa laga cabsi qaba inay sii kororto.

Somalilandpost-Desk

Hargeysa/Somaliland