“Waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah” – War-saxaafadeed

Hargeysa (SLpost)- Xukuumadda Somaliland ayaa soo dhawaysay soo-jeedin Raysalwasaaraha Itoobiya ugu gudbiyey madaxweynaha Somaliland in la sii amba-qaado wada-hadalladii u socday Soomaaliya.
War-saxaafadeed ka soo baxay Xafiiska Afhayeenka Madaxweynaha Somaliland, ayaa lagu bogaadiyey Raysalwasaaraha Itoobiya dedaallada nabadeed iyo isu-soo-dhaweynta uu ka wado mandaqadda Geeska Afrika, waxaana lagu sheegay in kulanka dhexmaray labada masuul laysku afgartay sidii wada-hadallo loogu dhammeystiri lahaa qaddiyadda siyaasadeed ee u dhaxaysa Somaliland iyo Soomalaya.
muuse biixi abiy ahmed (3)
War-saxaafadeedka oo nuqul ka mid ahi soo gaadhay Somalilandpost.net, ayaa u qornaa sidan:- “Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay uga mahadcelinaysaa Dawladda Federaal-ka iyo shacabka Itoobiya sidii milgaha iyo maamuuska lahayd ee ay u soo dhaweeyeen Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland, Mudane Muuse Biixi Cabdi iyo weftiga ballaadhan ee uu hogaaminayo oo booqasho rasmi ah ku jooga caasimada dalka Itoobiya ee Addis Ababa.
Dawladda Jamhuuriyadda Somaliland waxa ay soo dhawaynaysaa, lana qabtaa Ra’iisal Wasaaraha Dalka Itoobiya Dr. Abiy Ahmed in Geeska Afrika noqdo meel nabad ah. Dalalka Geeska Afrikana iyadoo mid walba la qadarinayo jiritaankooda dhuleed iyo madax-bannaanidooda qarannimo, in ay iska kaashadaan dhinacyada dhaqaalaha, amniga iyo horumarka mandaqadda.
Shirkii weftiga uu hoggaaminayo Madaxweynaha Jamhuuriyadda Somaliland uu la yeeshay Ra’iisal Wasaaraha dalka Ethiopia waxa la isku af-gartay in arrimaha Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya lagu xalliyo wada-hadal iyo fagaare caalami ah, lagana fogaado wax kasta oo keeni kara colaado cusub iyo xasarado hor-leh oo ka curta Gobolka Geeska Afrika, gaar ahaanna dalalka Jamhuuriyadda Somaliland iyo Soomaaliya oo ay hore u dhex-mareen colaado lagu hoobtay.
Jamhuuriyadda Somaliland waxay ku aas-aasantay go’aan shacbi, waxaanay tixgelinaysaa deris-wanaagga iyo nabad ku-wada-noolaanshaha waddamada deriska ee geeska Afrika iyo kuwa beesha caalamka. Balse wada-hadal iyo nabad waarta waxay ku imanayaan Soomaaliya oo ka waantowda been abuurka, cadaawadda, iyo colaadda ay u hayso shacbiga Jamhuuriyadda Somaliland iyo horumarkooda.”