“Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa annagoo masuuliyiintii Kulmiye is casilay ah inay jiraan wada-hadallo toos ah oo noo furmeen xisbiga WADDANI”

wada-hadallo“Muuse waa adeerkay, laakiin maanta waxa na kala duwan waa siyaasadda iyo dimuqraadiyadda.” – Afhayeenkii hore ee Kulmiyaha North America

Nashville (SLpost)- Afhayeenkii hore ee Xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika, Farhan Axmed Maxamed, ayaa ka hadlay wada-hadallo uu sheegay inay u furmeen masuuliyiin dhowaan iska casilay Xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga Ameerika uu ka mid yahay iyo Xisbiga Kulmiye.

Farxan Axmed Maxamed iyo xubno ka tirsan masuuliyiintii ugu sarreysay xisbiga Kulmiye ee Woqooyiga Ameerika, ayaa dhawaan iska casilay xilalkii ay ka hayeen xilalkaas iyagoo sababaha go’aankooda ku sheegay xil-gudasho la’aan iyo musuq-maasuq ay ku eedeen hoggaanka ugu sarreeya Xisbiga Kulmiye laantiisa Woqooyiga Maraykanka.

Afhayeenkii hore ee Kulmiyaha Maraykanka iyo xubno kale oo todobaadkan socdaal ay ugu ololeynayaan taageero u raadinta aayo-ka-tashigooda siyaasadeed ku maray gobollo Maraykanka ka tirsan, ayaa isagoo ku sugan magaalada Nashville ee gobolka Tennessee oo ay taageerayaasha ay isku mabda’a yihiin kula kulmay, waxa uu faahfaahin ka bixiyey sababihii ku kallifay inay iska casilaan xisbiga Kulmiye.

“Sababihii keenay in aniga iyo rag badan oo ka mid ahaa udub-dhexaadkii xisbiga inaanu ka tagno oo xilalka iska casilno waxa weeyi mid ka dhalatay inaanu wada-shaqayn kari wayno hoggaankii xisbiga ee Woqooyiga Maraykanka oo noqday fadhiid iyo meel laba qof iska maamushaan. Xisbiga waxaanu u soo galnay inaanu ka qayb-qaadanno siyaasadda xisbiga iyo masiirka umadda oo lexejeclo naga hayso,” sidaas ayuu yidhi Farxan oo warbaahinta la hadlay.

Isagoo hadalkiisa sii wata, waxa uu yidhi, “Sidaa awgeed, waxaanu ka waynay ixtiraam, in afkaarahayaga la dhagaysan waayo. Guddoomiyaha iyo guddiga kale ee Woqooyiga Ameerika muddo xileedkoodu wuu dhammaaday oo sharci-darray ku joogeen, markii aanu ka hadalnayna, waa layska dhega-tiray. Waxa kale oo jirtay in lana xag-xagtay oo lana yidhi gacan shisheeyaa ku jirta. Waxaan halkan ka caddaynayaa inaanay jirin cid naga dambaysa iyo inaanay shaqo ku lahayn xisbiyada mucaaradka ee UCID iyo WADDANI oo ay bari ka yihiin. Fashilaaddii iyo ceebtii ka dhalatayna waxa horseed u ahaa hoggaanka Kulmiye ee Woqooyi Ameerika.”

Waxa kuu Farxaan sheegay inay jiraan wada-hadallo u furmay garabkooda iyo laanta Xisbiga WADDANI ee Maraykanka, wada-hadalladaas oo dhankooda uu hoggaaminayo guddoomiyihii hore ee Xisbiga Kulmiye u qaabilsanaa Gobollada Dhexe ee Maraykanka.

“Waxa kale oo aan halkan ka caddaynayaa annagoo masuuliyiintii Kulmiye is casilay ah inay jiraan wada-hadallo toos ah oo noo furmeen xisbiga WADDANI, wadahadalladaasna waxa xaggayaga hoggaaminaya guddoomiyihii hore ee gobollada dhexe ee Maraykanka Kheyre Axmed,” ayuu yidhi Farxaan Axmed Maxamed.

Farxan waxa kale oo uu ka hadlay rag uu sheegay inay yihiin weji-ku-macaas dhalan-rogay ujeeddada iscasiladdooda isla markaana ay sawir qaldan u gudbiyeen iskuna direen Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye Muuse Biixi Cabdi.

“Waxa jira Rag weji ku-macaash ah oo noo kala sheekaynaya Muuse Biixi Cabdi. Guddoomiye Muuse waa nin adeerkay ah, laakiin waxaan leeyahay qoladaas sidaas faa’iido laguma gaadho, wixii igu kallifay go’aankayaga iyo sida waxa u jiraanna waa sidaan sheegay, qof kastaana isagaa xor u ah aayihiisa siyaasadeed halkuu u jihaynayo. Muuse waa adeerkay, laakiin maanta waxa na kala duwan waa siyaasadda iyo dimuqraadiyadda.” Ayuu yidhi Eng Farxan Axmed Maxamed.