“Waxa jira warar nabad-sugidda ah oo nagaga yimi xagga Somaliland oo keenay in digtooni siyaado ah ka yeelano”

sawrDjibouti (SLpost)- Dawladda Jabuuti, ayaa waxba kama jiraan ku tilmaantay warar lagu sheegay inuu xidhan yahay Xuduudka ay wadaagaan Somaliland, balse waxa ay qirtay inuu jiro wax-ka-beddel lagu sameeyey shuruudaha loo baahan yahay qofka doonaya inuu ka gudbo xuduudka ay la wadaagto Somaliland.

Taliyaha Ciidanka Booliska Jabuuti Kornayl Cabdillaahi Cabdi Faarax oo maanta warbaahinta kula hadlay magaalada Jabuuti, ayaa sheegay inaanu xidhnayn Xuduudka u dhexeeya dalalka Somaliland iyo Jabuuti, balse waxa uu sheegay inuu Xadku ka xidhan yahay isla markaana aan loo oggolayn inay dalkooda galaan oo laga celinayo qofka aan haynsan wax sharci ah.

HALKAN KA DAAWO