Waxa jira Orgi qaylo badan oo habeenkii marka xoolaha la xareeyo qaaqda gura, Balse reer miyigu ay geesaha jawaan qoyan kaga xidhaan si ay uga seexdaan isna riyaha u nabadgeliyo madaxa aanu qaadin!

Hadaba waxa aan taasi uga socdaa faysal cali waraabe ma waxa uu noqday orgigaasi waakano 21 sanno ayuunbuu qaaqdaas hayaaye reer somalilandna odayga tag iyo maaro u waaye oo ninkii ina cali waraabe ku dhex waalay qarankan hana qaaday ee xidigaha haybsanaaya yaabay oo idhi malaa odaygu waxa uu waayey baylahadii qaranka ee uu kolba meel ka faasixi jiray oo kii Xasan Sheekh Muumina ka asmici waa liiskii madoobaa ee uu kolba Copy-ga u gayn jiray madaxda somaliya.

Runtii markaan dhegaystay hadal ka soo yeedhay maalin dhawayd faysal oo uu ku sheegay in laga reebay liiskii Turkiga una ka reebay Wasiir Xirsi ayaan is waydiiyey tolow markii hore ma xirsi ayuu Arki u qortay oo uu ku yidhi igu dar safarkii kan ka horeeyey sow kii lahaa maalmahaasina madaxweynuhu waxa uu noo jeexay wado aanu ku wada socono qarankana aanu meel uag soo wada jeedno markii uu raacayna waakii kaga faaiidaystay in uu dhuumaalaysi kual kulmo Xasan sheikh muumine.

Ta kale Anigu waxa aan ilaa hada is waydiinayaa faysal waxan gelinba cayn ka dhigay xagee ayaa loogu soo hagaagi doonaa ma kulamada qaranka Somaliland mise kuwa Somali wayn hore ayaa looga hayey aniga Xaskaygu muwaadinad maaha, hadana waxa laga hayey waxa aan la qaatay Madaxda Somaliya kulan casho ah iyada oo aan layga dalban weliba oo aan anigu qasbay mana uu sheegin waxa ku kelifay meel aan laga marti qaadin in uu qasbo waxa shidaayey waynaayaa kaarka hayeyse muxuu ahaa tolow

Aan soo kobo hadalka anigu waxa aan odhan lahaa faysal la soo sameeyo xakame ama ha loo qooyo jawab 24ka saacba madaxa ka saarnaada anigu yaabay oo idhi odayga ma timahan ka maqan ayaa cilad xaga hadalka ah ku keenay mise waatii lagu xaman jiray faysal waxa uu berigii afweyne u qaabilsanaa kuwa dhegta wax ugu sheega ee hadalka hoos u dhiga si aan loo maqal oo hada ayuu tijaabinayaa in la maqlo.

Sawda Yuusuf Faarax

Berbera/Somaliland