“Waxa Cad Raadkii Muuse Biixi Uu Jidgooyada U Galay Madaxweyne Siilaanyo , Waxaana Qoyan Hagar-daamooyinkii Uu Dalka U Geystay ” Musharax Ciro

(SL.Post) Guddoomiyaha xisbiga mucaaridka ah ee WADDANI ahna musharraxa Madaxweynaha ee xisbiga Cabdiraxmaan Maxamed Cabdilaahi Ciro, ayaa eedo u jeediyay Guddoomiyaha xisbiga tallada haya ee KULMIYE Muuse Biixi Cabdi.

14390714_894349160670032_4588510992397790842_n

Guddoomiye Ciro oo waraysi siiyay Telefishanka HORN CABLE TV , waxa hadaladiisii ka mid ahaa ” Waxaa ay ila tahay in ay ayaan daro tahay dad ay qoyan yahiin hagardaamooyinkii iyo dhibaataddii ay dalka u geysteen , oo ay muuqdaan xabaalihii shacbiga la gudaamey , oo khayriyada Hargeysa ka lahaa aniga oo wax dili kara duco qaadan maayo in ay maanta cid ku eedeyaan maxkamad ha la soo taago , hadii cid maxkamad la soo taagayo waxa cad raadkii Muuse Biixi uu jidgooyada u galay Madaxweynaha Somaliland oo qof wliba ogyahay ” ayuu yidhi Ciro

Cabdiraxmaan Ciro waxa uu intaas ku daray “Shacbiga Somaliland waxaan leeyahay way idiin kala cadahay ka dalka bad baadinaya , ka dalka mideynaya , ka shacbiga isku tolaya iyo ka shacbiga kala qeybinaya .” ayuu yidhi Musharax Cabdiraxmaan Ciro

 

Halkan ka daawo.

Somalilandpost.net