“Waxa aan Macalin u ahaa Muuse Biixi, Cabdi Aw Daahir, Ismaaciil Muumin, Samsam Cabdi iyo C/casiis Samaale”

Prof Saleebaan A. Guuleed

saleebaan axmedHargeysa (SLpost)-  “Sannadkii 1964kii ayaa waxa aan tegay Mareykanka, Jaamacadda Empolio State University ayaan ka soo qaatay degree-gii koowaad waanan soo noqday oo toddoba sanno ayaan shaqeeyay. Iskuulkii Sare ee Camuud ayaan ka noqday maamule, maamule ku xigeen  iyo macallin dugsi sare. Intaas dabadeed Wasaaraddii Waxbarashada ee Dawladdii Soomaaliya ayaan ka noqday Agaasmisaha dugsiyada sare iyo farsamadaba. Kaddibna waxa la ii beddelay Jaamacaddii Lafoole oo aan anigu codsaday,” sidaa waxa yidhi Guddoomiyaha Jaamacadda Camuud Prof Saleebaan Axmed Guuleed oo u warramay qoraaga da’da yar ee Siciid Maxamuud Gahayr oo qormooyin taxane ah ka diyaariyey aqoonyahan Guddoomiyaha Guddiga Tacliinta Sare ee Somaliland Prof Saleebaan Guuleed.

Qaybta Waraysigan oo ka mid ah qaybta labaad ee taxanaha uu qoraagu la yeeshay Prof Saleebaan, waxa uu ku yidhi isaga oo hadalkiisa sii watay, “Waxa aan Lafoole ka noqday bare, kaddibna waxa aan Agaasime madax ka noqday waaxda waxbarashada iyo cilmi-nafsi (department of education and pyshcology), haddana waxa aan ka noqday hormood-ku-xigeen, markii dambena hormood (Dean) ayaan ka noqday. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay sannadkii 1975kii, kaddibna waxa aan ku soo sameeyay takhasuskaygii Jaamacadeed, waxaanan dib ugu soo laabtay Jaamacaddii Lafoole oo aan ka hawl-galay”. Aqoonta uu Saleebaan Axmed Guuleed soo bartay ee uu kaga hawl-gelayay Jaamacadaha muddada ka badan afartanka sanno waa cilmiga “educational pyshcology

Professor Saleebaan oo ka warcelinaya su’aal ku saabsanayd inuu ka warramo qaar ka mid ah ardaydii ay wax isku fasalka ahaayeen xilligii uu ardayga ahaa iyo ardaydii uu macallinka ama maamulka u noqday waxa uu yidhi, “way badan yihiin. Kuwii aanu isku fasalka ahayn iyo ardayda aan wax u dhigay waxa hadda Hargeysa ishu ay qaban kartaa ardaydii aan wax u dhigay. Ardaydii aan isku fasalka ahayn waxa ka mid ah Ambassador Maxamed Sheekh Xasan Nuuriye, Ibraahin Shuuriye oo geology-ga jooga iyo kuwo badan oo kale. Intooda badani waxa ay noqdeen qurbe-joog, waxa aan arkayay Cabdi Xuseen Ciise oo isna dhawaan dalka ku soo laabtay. Waxa ka mid ahaa Cabdi Ismaaciil Yoonis (Cabdi Ismaaciil Duse) oo isna jooga laba fasal ayaan u horreeyay.

Raggii iyo ardaydii aan macallinka u ahaa way fara-badan yihiin waanay joogaan oo intaa “ustaad” ayaa la yidhaahdaa waxaana ka mid ah wasiirro iyo masuuliyiin kale. Waxa ka mid ah Muuse Biixi Cabdi Guddoomiyaha Xisbiga Kulmiye, Dr Cabdi Aw Daahir Cali Wasiirka Xannaanada Xoolaha, Professor Ismaaciil Muumin Aar Wasiirkii hore Hawlaha Guud, Samsam Cabdi Aadan oo hadda aniga wasiir ii ah (Wasiirka Waxbarashada iyo Tacliinta Sare),  Markaa dadku way badan yihiin kuwo hore iyo kuwo dambeba. Raggii aan hormoodka ugu ahaa Lafoole waxa ka mid ah Cabdicasiis Maxamed Samaale Wasiirka Wasaaradda Maaliyadda.”

Professor Saleebaan Axmed Guuleed oo la weydiinnay xilliga uu ka tegay Jaamacadda Lafoole iyo shaqooyinkii kale ee uu qabtay intii uu joogay magaalada Muqdisho waxa uu yidhi, “Xilliyadii dambe waxa aan Jaamacadda Lafoole ka noqday la-taliye, waxa aan sidoo kale la-taliye u ahaa Hay’adda Qaramada Midoobay u qaabbilsan Qaxoontiga ee UNCHR. Jaamacadda Lafoole waxa aan ka tegay xilligii ay burburtay dawladdii dhexe ee Soomaaliya, walaw aanan xilliyada dambe qaar joogin,” ayuu yidhi Prof Saleebaan Axmed Guuleed.

SOMALILANDPOST.NET