Waxa aan ku Noolahay Waddan uu Gaadhigu ka Qiimo Badan Yahay Qofka

 

W/Q- Mustafe Cali Diiriye

Sidaynu ogsoonahay, xukuumaddu waxay u adeegta shacabka iyo danahooda, waxa ay masuuliyadda ugu wayni ka saaran tahay qofka bini aadamka ah siday u ilaalin lahayd hadday tahay: Diintiisa, waxbarashadiisa, caafimaadkiisa iyo dhamaan waxyaabaha aasaasiga ah ee ay noloshiisu ku xidhan tahay.

Haddaba marka aad aragto iyada oo la dhigay dakadda Barbara mashiinkii sheegayay tayada uu leeyahay shidaalku, balse aad aragto iyadoon la eegayn cunnada iyo daawada inoo soo dagaysa tayadooda oo ay ahayd in muhiimadda ugu horeysa la siiyo miyaanan odhan karayn “WAXA AAN KU NOOLAHAY WADDAN UU GAADHIGU KA QIIMO BADAN YAHAY QOFKA”.

Marka aad aragto iyadoo lagu dadaalayo sidii uu gaadiidku u heli lahaa waddooyin ay maraan, balse aad aragto inay caasimaddii oo ay ku nool yihiin marka laba loo qaybiyo Soomaalilaan qayb ahaani aanay biyo ku filan haysan marka uu roobku da’ano aan dan iyo muraad toona laga lahayn ilaayo ay biyaahaasi dadka wad u noqdaan, miyaanaan odhan karayn “WAXA AAN KU NOOLAHAY WADDAN UU GAADHIGU KA QIIMO BADAN YAHAY QOFKA”.

Ugu danbayn ma lihi dawladdu maxay u dhisaysaa waddooyinka, una danaynaysaa shidaalka tayadiisa? waa waxqabad wanaagsan oo loo baahan yahay, balse oodo dhacameed siday u kala sareeyaan baa loo kala guraa, waxa dayacan oo ka muhiimsan in la horaysiiyo baahida bini aadamka ee ay noloshiisu ku xidhan tahay.

 

 

Facebook : Mustafe Cali Diiriye