“Waxa aan Ku Dhaaranaynaa In aannu Weerari Doonno Ameerika Xarunteeda Washington” DAACISH

SLpost-Kooxda Daacish ayaa ku hanjabtay inay weeraro ku qaadi doonto wadamada ka qeyb qaadanaya duqeymaha Suuriya, waxaana ay cadeeyeen in weerarkii Paris midka ku xiga uu yahay Caasimada Mareykanka ee Washington DC.

 

 

Muuqaal cusub oo ay kooxda soo dhigtay baraha Internet oo ay ka soo muuqdeen dagaalyahano ku hadlayay afka Carabiga ayaa waxay ku hanjabeen in si la mid ah weerarkii Paris ay ka fulin doonaan dalalka reer galbeedka.

Mid ka mid ah dagaalyahanada ka soo muuqday oo lagu magacaabo Al Ghareeb oo u dhashay Algeria ayaa ugu hanjabay wadamada reer Yurub inay weeraro ku soo wajahan yihiin.

“Waxaan idin sheegayaa dalalka ka qeyb qaadanaya ololaha saliibiga ah, waxaa idin ku qaadi doonaa weerar la mid ah kii France, waxaa ku dhaaranayaa inaan weerari doono America, xarunteeda Washington”ayuu yidhi dagaalyahankan.

Sidoo kale waxaa uu u sheegay wadamada reer Yurub inay u soo socdaan, iyagoo xidhan suumanka qarxa, isla markaana wata hub, waxaana uu tilmaamay in sidii hore ay maanta ka xoog badan yihiin.

Ururka IS ama Daacish ayaa sheegatay mas’uuliyada weerarkii habeenkii jimcaha lagu qaaday magaalada Paris, halkaasoo ay ku dhinteen 129 ruux, halka 350 ku dhaawacmeen, waxaana uu ahaa weerarkii ugu khasaaraha badnaa ee Yurub ka dhaca, kadib weerarkii sanadkii 2004 lagu qaaday magaalada Madrid ee dalka Spain.

Dalalka reer galbeedka ayaa sare u qaaday amniga dalkooda, kadib weerarkii Faransiiska, waxaana Ra’iisul Wasaaraha Faransiiska uu sheegay inay suura gal tahay weeraro abaabulan oo ku wajahan dalalka Yurub.