WAXA AAD TAHAY FALCELINTAADA

” Dhacdooyin maalmeedkaagu sida aad uga falceliso ayay natiijadooda ku siiyaan”
Noloshu sideedaba waxay leedahay Jaran-jarooyin iyo Taagag, kor u kac iyo hoos u dhac, hore u socod iyo dib u socod, farxad iyo Murugo, Diiqad iyo Damaashaad, Niyad jab iyo Naruuro.

Si kasta oo aad horumar u gaadhana intaba waad la kulmaysa ilaa inta aad ka baxayso meertada nolosha (dhimanayso), waayo waxay yihiin dugsiyo aad casharo ka baranayso intuba, waana wax aan laga maarmi karin; intaasba haddii aanay noloshu lahayn lama kala saareen; Guulaystaha iyo Guuldaraystaha, halyeeyga iyo hacooga, dhabeesha iyo dhabcaasha.

Waana waxa kaliyaata ee kala shaandheeya dhammaan Aadamaha wada nool, sidoo kalena jaangooya cida gacan saraysa,
waana imtixaan Illaahay (SWT) Aduunka dhigay.

Adigu intaba waad la kulanta marar badan waana mawjado aad dhex dabaalanayso oo aad hadba dhinac u raacayso.

Ma maamuli kartid awoodna uma lihid inaad joojiso mawjadaha nolosha, laakiin waxaad awood u leedahay oo aad xakamayn kartaa sida aad u wajahayso, ula macaamilayso ugana fal celinayso.

Falcelintaadaasi waa ta jaanjoynaysa inaad noqoto intaas magac ee aynu soo sheegnay mid ka mid ah, ogoow nacasku nacas muu ahaadeen haddii aan falcelintiisa nacasnimo ku jirin, fariidka/fariiduna.. fariido ma ahaadeen hadayna falcelintooda fariidnimo ku jirin, geesiguna geesi ma ahaadeen haddii aan falcelintiisa geesinimo ku jirin.

Falcelintaadu waxay masuul ka tahay cida aad noqonayso iyo natiijada aad helayso, ku farax ama ka nax!!

Wanaaji falcelintaada si ay natiijaadaadu u noqoto mid aad ku faraxdo.

Mobile: 0634410163

Motivator and Author