Wax ka ogow Haldoorkii kaalinta Fiican Ku Lahaa Ee Aan Ka Soo Muuqan Fagaarayaasha Kasbashada Shacabka Ololahii Xisbiga Kulmiye

Hargaysa (Slpost) Sida Laga War Qabo Ololaha Doorashada Madaxtinimada Somaliland Waxaa Uu Socday Mudo 21 Maalmood Ah Taas Oo Xisbi Walba Lahaa 7maalmood Oo Uu Barnaamijkiisa Siyaasadeed U Soo Bandhigo Bulshada, Aynu Wax Ka Barano Xubno Isugu Jira Dhalinyaro  Wiilal Iyo Gabdho, Kuwaas Oo Isu Xilqaamay In Bulshadooda Fahamsiiyaan Kuna Qanciyaan Barnaamijka Wax Qabad Ee Ay Ku Dooranayaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye, Marka Laga Yimaado Dedaalkii Guud Ee Ay Wadeen Xubnihii Iyo Siyaasiyiinta Aan La Soo Koobi Karin Ee Muuqaaladooday Fagaarayaasha Isusoo Baxyadii Maalmaha Xisbiga Kulmiye

Waxaa Jiray Madaalayaal  Isu Bahaystay Wacyigalinta Bulshada Danyarta Ah Iyo Waayeelka Jilicda San Si Ay U Fahan Siiyaan Habka Ay Ugu Codaynayaan Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye

Dhalinyaradan Iskood Isu Xilqaamay Ayaa Ka Koobnaa Laba Wiil Iyo Laba Gabdhood  Oo Kala Ah, Nimco Cabdi Cumar,Asma Siciid Cabdiraxmaan, Cabdirisaaq Cabdilaahi Jaamac, Maxamed Aadan Buuni

Bilawgii Hawshan Wacyi Galinta Ah Waxay Ka Bilaabeen In Ay Guri Guri U Soo Maraan Xaafadaha Magaalada Hargaysa Ee Ay Ku Dhaqan Yihiin Dadka Danyarta Ah Iyo Dadka Waayeelka Ah Ee Taageersan Xisbiga Kulmiye, Si Ay U Fahansiiyaan Qaabka Ay Maalinta Doorashada Codkooda U Dhiibayaan, U Dooranayaan Musharixiinta Xisbiga Kulmiye Xaafadaha Ay Soo Mareen Waxay Kala Ahaayeen Sheikh Cumar,Faluuja,Daarfuur,Maxamed Mooge,State Houska,Sheikh Nuur,Magaalo Jikcaale,Istanbuul1,Istanbuul2,Qoobka,Lug Iyo Lagac,Cami,Sheedaha,Ina Aamin,Sanyare Xafadahan Danyarta Ah Oo Ka Mida Dagmooyinka Caasimada Hargaysa Oo Badi Isu Diwaan Galiyay Qaadashada Kaadhka Codbixinta,Ayaa Xubnahan Dhalinyarada Ahi Ku Wacyigaliyeen In Maalinta Codbixinta Codkooda Dhiibtaan Kana Foojignaadaan In Kaadhadhkooda Codbixinta Si Kale Looga Faaiidaysto Si Codkoodu U Lumo,

Waxaa Ay Bogaadiyeen Sidii Dadka Xaafadahan Ku Dhaqani Ugu Heelanaayeen In Ay Codkooda Siiyaan Xisbiga Kulmiye,Dhalinyaradan Ayaa Sidoo Kale Dadka Jilicda San Iyo Waayeelka Ku Dhaqan Xaafadahan Ee Aan Fahansanayn Nidaamka Loo Codaynayo U Qaybiyay Astaant  Xisbiga Kulmiye Iyo Sawirada Musharaxiinta Xisbiga Kulmiye

Dhalinyarada Ayaa U Mahadnaqay Dhamaan Xaafadihii Ay Soo Mareen Iyo U Heelanaantii Ay Kala Kulmulmeen Dadkaa Danyarta Ah Iyo Sida Ay Ugu Qanacsanyihiin Barnaamijka Wax Qabad Ee Xisbiga Kulmiye, Waxaa Kale Oo Ay U Mahadnaqeen Dadkii Taageerada Dhaqaale Ka Qaysatay In Ay Suurto Gasho Hawshani Hadii Ay Tahay Shidaal Iyo Daabacaada Astaamaha Xisbiga Kulmiye

Waxaa Kale Oo Ay Sheegeen In Ay Aad Ugu Faraxsan Yihiin In Dad Gaadhaya Ilaa 15000 (Shan Iyo Toban Kun Oo Qof) Kuwaas Oo Dhamaantood Haysta Kaadhadh Koodii Codbixin Maalinta Doorashadana Codkoodasiinaya Xisbiga Kulmiye.

Waxa Kale Dhalinyaradani U Mahad Naqeen Xubnihii Gacanta Ka Gaystay Suurta Galka Hawshan Gaar Ahaan Subeer Cabdiraxmaan Cumar

Waxaa gabagabadii ay bogaadiyeen dhalinyarada Gudida  hoodaale oo iyaguna door laxaadle ka qaatay wacyigalinta iyo abaabulka bulshada caasimada hargaysa si ay codkooda u dhiibtaan maalinta codbixinta una codeeyaan musharixiinta xisbiga kulmiye

Allah Mahadleh