Wax ka Baro qaab-dhismeedka iyo Shaqada uu Qabto Wadnaha Bani’aadamku

Wadnuhu waa xubin ka mid ah xubnaha Eebe ugu tala galay  socodsiinta nolosha qofka Bani’adamka ah waana xubin aad u muhiim ah oo hadduu istaago noloshuna istaagayso.

Wadnaheenu waa xubin muruq ah taas oo dhiigga ku afuufta jidhkeena intiisa kale goor kastaba. Wadnaha, dhiiga iyo halbowlayaasha dhiiga qaada ayaa lagu magcaabaa habka wareegga (circulatory system) Habkaas oo mas’uul ka ah qaybinta neefta Oxygenta  iyo nafaqooyinka jidhka isla markaana jidhkeena bannaanka uga saara neefta Carbon dioxide iyo qashinka kale oon jidhku u baahnayn.

heartWadnaha qofku hoos ayuu u foraraa oo dhinaca yar ayaa hooseeya dhinaca weyn oo halbowlayaasha iyo xididada xoogga badani ku yaalaan-na kor ayuu xigaa, wuxuu fadhiyaa laabta dhexdeeda wuxuu inyar u badan yahay dhinaca bidixda, inkasta oo inta wadnuhu le’eg yahay ay ku xidhantay da’da qofka iyo xaaladiisa caafimaad ayaa haddana wadnaha caafimaadka qabaa ee qofka weyn (majuurka) lagu qiyaasaa in uu le’eg yahay tantoomada qofka weyn (gacanta oo la isku laabay)

Dhaqdhaqaaqa wadnuhu wuxu bilaabmaa marka cadka yar ee Eebe u qaabiyey bilawga nolosha ilmaha caloosha ku abuurmay uu lix todobaad jiro wuxuuna wadnuhu shaqeeyaa ilaa inta qofku noolyahay, waxa keliya ee wadnuhu nastaa 1/4 ilbidhiqsiigiiba oo ah inta u dhexaysa garaacidaha (beats). Wadnaha caafimaadka qabaa wuxu jidhka gaadhsiiyaa qiyaastii dhiiga ahayd ee qofku u baahnaa, isagoo gaadhsiinaya xilligii loogu tala galay, haddii wadnaha dhaawac gaadho wuxuu gaabis ka noqdaa fulintii shaqadiisa xubnaha kale ee jidhkuna shaqadoodii ma fulin karaan wadnaha iyo wareega dhiiga la’aanteed.

Wadnaha waxa ku xidhxidhan oo haysta halbowlayaasha waaweyn ee dhiiga qaybiya iyo xididada dhiiga iyo neefaha qaada oo sambabada aad ula shaqeeya, dhiigguna wuxu wadnaha ka yimaadaa isaga oo culus midab casaan mugdi ah leh neefta oxygen-tuna ku yartahay waana dhiiga aan sifaysnayn isaga oo halbowlayaal u gaar ah raacaya iyo xididdo sii gudbinaya, hawshaasina waxay ka dhacdaa qaybta midigta ee wadnaha, isla markaa qaybta bidixda ee wadnaha ayaa tuuraysa dhiiggii sifaysnaa oo neefta oxygen-tu ka buuxdo midabkiisuna casaan khafiif ah yahay kaas oo u kala gudba jidhka intiisa kale sida; madaxa, laabta, gacmaha, lugaha, qoorta, iyo caloosha ooy shaqadooda ku fuliyaan, sidoo kale waxa isweydaarta labada neefood oo marka Oxygen-ta sambadada gaadho ayay debada isaga saaraan neeftii wasakhda ahayd ee Carbon-dioxide.

Waxa hubaal ah in wadnaheenu kala wado nolosheena oo dhan markaad soo jeedo iyo markaad hurudo labadaba, marka dhaawac gaadhona noloshii khatar gelayso ama istaagayso.

Inkasta oo waqtigan technology-gu heer sare gaadhey oo sida biraha baabuurta oo kale xubnihii jidhaka oo dhaawacma ama bukaan noqda hawlna gaba laga beddelo oo xubin qof kale oo dhintay inta markaba la qalo loo geliyo, ayaan haddana asliga (original)  xubnahaaga wax u dhigmaa jirin waana lagama maarmaan in la dhowro wadnaha iyo xubnaha kale ee jidhka oo dhan.