Wax Ka Baro Lamaanaha Aduunka Ugu Farxada Badan

 

 

Waxaa jiray lamaane aad isu jeclaa noloshooda waxay ka fikirijireen jacalkiinu ma sii waari doonaa mise dhibaato ayaa idinku sookordhi doonta,malin maalmaa kamid ayaa ay maqleen in uu magaalada yimid nin cilmi iyo maskax badan oo dadka la taliya,lamaanii waxa ku tashadeen in ay ninkaasi lasootashadaan waanay u tageen, waxaanay usheegeen dhibaatada haysata ama waxay ka cabanayaan,markii ay usheegeen ayaa waxa uu usheegay in ay dunida kusafraan oo ay raadiyaan lamaanahe sidhaba isu jecel marka ay helaana ay dharkooda mid kamida kasooqaataan,kadibna ay gurigooda dhigtaan si ay unoqdaan dad farxad ku waara.

 

Labadii lamaane waxay bilaabeen safarkoodii iyaqa oo doonaaya in ay helaan lamaanaa aduunka ugu farxada badan,meel ayaa ay ku maqleen taliye iyo gabadiisu in ay yihiin lamaane aad u farxad badan,markii ay tageen meeshii ayaa waxay waydiiyeen’’ma idinkaa lamaanaa ugu farxada badan aduunka ’’tiliyii iyo gabadhiisii waxa ku yidhaahdeen’’haa’’waxaan nahay lamaane waxa kasta ku faraxsan mid mooyaane ,waxaanaan lahayn caruur,waxa ay ogaadeen in taliyaa iyo xaaskiisu aanay ahayn lamaana ugu farxada badan aduunka kadina socodkoodii ayaa ay iska sii wateen,waxay yimaadeen meel magaalo ah oo ay maqleen in ay ku noolyihiin lamaanaa ugufaraxsan aduunka,kadiban waxay tageen gurigoodii waxaanay waydiiyeen’’ma idinkaa lamaanaa ugu faraxda badan aduunka’’lamaanii waxay yidhaahdeen ‘’haa run ahaantii waxaanahay lamaane waxkasta ku faraxsan,marka lagareebo waxaanu dhalnay caruur badan kuwaasi oo waxoogaa noloshayda kadhigay yar bilaaraaxo, waxay garteen in aanu lamaanahani ahayn ka ugu faraxada badan dunida waxaanay siiwateen socodkoodii.

 

Waxay mareen dalalbadn iyo dadbadan laakiin maa aysan helin lamaanaa aduuka ugu farxada badan,malin ayaa ay lamaanii ku soobexeen meel saxare ah oo uu nin adhiile ahi adigiisa ku daajinaayo,markii ay xaaskiisii iyo caruurtiisii u yimaadeen oo ay ku dhagdhageen waliba aad ayay ugu farxeen sidookale caruurtu waa ay ku ooyaysay aabohood kadibna iyaga oo aad iyo aad isgu faraxsan ayaa ay wax wada cuneen,lamaanii waxay u yimaadeen adhiilii ‘’ma idinkaa lamaanaa duunka ugu farxada badan,adhiilihii iyo gabadhiisii waxay ugu jawaabeen’’qofna kama farxad badna boqorka’’lamaanii waxay dareemeen in adhiilaa iyo xaaskiisu ay yihiin kuwa ugu farxada badan waxaanay waydiisteen adhiilaa iyo xaaskiisa in ay maro siiyaan si ay unoqoto farxadoodu tooda oo kale,adhiilii waxa uu usheegay in aanay siinkarin maro sababta oo ah inta ay xidhanyihiin waxa dheer oo ay leeyihiin ayaan jirin,lamaanihii waxay ogaadeen in ay ku adagtay in aanay heli Karin lamaanaa ugu farxada badan aduunka,waxaanay iskaga laabteen dalkoodii.

 

Waxa u tageen ninkii aqoonta lahaa waxaanay usheegeen in ay meelo badan soomareen kuna adkaatay in ay helaan lamaanaa ugu farxada badan aduunka,ninkii aqoonta badnaa waa uu qoslay waxaanu yidhi ‘’safarkiinu ma waxa uu ahaa mid bilaa macniya mise waxbaad kasoo barateen’’Ninkii ayaa jawaabay waxaanu yidhi waxaan kasoobartay in aanu jirin lamaane boqolkiiba boqol farxasan,sidaa darted waxaan ogaaday in uuna jirin qof farxasan mid mooyee ilaahay waxa kasta oo uu ku keeno kufaraxsan mooyee.sida uu ilaahay qurkaanka inoogu sheegay’’Ninkii dariiqayga raacaa dareemimaayo cabsi iyo murugo toona’’ sidookale gabadhii iyana waxa tidhi anigu waxaan kasoo bartay hadii aad rabto in aad faraxsanaato labashay xusuusnaw,waa takoobaade’’in uu bila aadamku ku shugriyo waxa uu ilaahay siiyo’’sida uu ilaahay quraanka inoogu sheegay’’hadii aad ku madnaqdaan waxa aan idinsiiyo waan idiinkordhin doonaa’’waa talabaade in aad ku samirto dibka iyo waxkasta oo kusoo mara,sida uu ilaahay quraankiisa ku yidhi’’cuskada samiri iyo salaad’’
Ninkii aqoonta lahaa waxa uu ku yidhi hadaba intaas uu yeela haad noonaysaan in aad noqotaan lamaanaa ugu farxada badan,lamaanii waxay umahad celiyeen ninkii aqoonta lahaa waxaanay ku dhaqmeen arinkii waxaanay noqdeen lamaanaa ugu farxada badan.

Booga murtida iyo maada.
Page 81
Mubarig06@hotmail.com