Wax badan ka Ogow Ubucda Sheekada Gabadha uu Tacaddiga Jinsi u Geystay Masuulka ka tirsan Wasaaradda Daakhiliga iyo Xogo kale

 

Waxa Labadii maalmood ee u dambeeyey si toos ah u soo if-baxay Sheeko maqalkeedu ka fejecisay bulshada qaybaheeda kala duwan, balse nooceeda oo kale ku badan tahay goobaha, meheradaha iyo xafiisyada Shaqooyinka kala duwan ee dalka oo inta badan in bannaanka la soo dhigaa ay adag tahay hadday tahay cidda loo geysto iyo ciddii warkeeda mashaqaba.

Sheekadana waxa bannaanka soo dhigay oo sida ay u dhacday iyo tabashada gabadha iyo cidda geysatay oo magaceeda la qariyey baraha bulshada ku soo dhigay nin dhalinyaro ah kana mid ah Aqoonyahanka da’da yar ee dalka oo lagu magacaabo Ismaaciil C Ubax oo marka la eego qaabka uu xogta u soo gudbinayo ka dhigan inuu aqoon u leeyahay oo xogta dhacdada qabsaday la wadaagtay gabadha sheegatay tacaddiga uu u geystay masuulka ka tirsan wasaaradda Arrimaha Gudaha ee Somaliland.

In kasta oo Qofka xogta dhacdadan soo gudbiyey, Ismaaciil C Ubax, hadda ku sugan yahay dalka dibaddiisa oo uu dhawaan u baxay, waxa uu ka sheekaynayaa xogta gabadhan iyo sida ay ku bilaaban tahay sheekada dhexmartay masuulka ay ku eedaysay inuu gabbood-falka Jinsiga ah u geystay.

Waxa uu ismaaciil taxana sheekadan baraha bulshada ku xidhiidho ku baahinayey Afartii Cisho ee u dambaysay oo arrintani bannaanka u soo baxday, isagoo taxanaha sheekadan oo saddex qaybood uu u qaybiyey ugu magac-daray “QAYLA-DHAAN DUMAR”.

Qaybta 1aad ee taxanaha sheekada ku saabsan gabadhan waxa uu Ismaaciil Baahiyey 11-kii Bishan oo ku beegnayd Arbacadii todobaadkii hore abbaaro 7:50 Fiidnimo. Ka hor intii aanu bilaabin daadihinta qisadan, waxa uu Ismaaciil bartiisa Facebook ku baahiyey qoraal uu kaga hadlayo tacaddiyo ay Gabdhaha da’da yari kala kulmaan xafiisyada ay ka shaqeeyaan ama goobaha waxbarasho ee ay ku jiraan, isagoo codsaday in cid kasta oo dhacdo noocan ahi ku dhacday la soo xidhiidhaan, isaguna uu ballan-qaadayo inuu xogtaas bulshada la wadaagi doona, magaca qofka ay ku dhacday iyo macluumaadka la xidhiidhana uu asturi doona.

Ka hor inta aynaan u gelin bilowga Qisada gabadha, Qoraalka Codsiga iyo War-gelinta ah oo uu baahiyey Abbaaro 2:39 Duhurnimo Isla 11kii March, 2020-kii, waxa uu Ismaaciil ku yidhi, “Dumarka shaqeeya iyo hablaha wax bartaa waxay inta badan ragga ay la shaqeeyaan kala kulmaan xadgudub hadal iyo ficilba ah oo ku aaddan dumarnimadooda, ama ha noqoto shukaansi aan habboonayn ama ficil kale oo iskuday xadgudub ah. Tusaale ahaan gabadh ayaa mar igu tidhi, ”Boss-kaygu wuxuu si cad iigu yidhi anaa ku dallacsiinayee, aan kulanno.” Mid kale waxay sheegtay in mushaharkeeda ay rafaad u marto bil kasta si ay u hesho xaqeeda. Hablaha qaar ayaa macallinkooda kala kulma xadgudub isaga oo u ballanqaadaya dhibco ay xaq u leedahay. Ma jiraan dhacdooyin noocaas ah oo aad ila wadaagi karto? Waan qarin doonaa magacaaga iyo xogaha kale oo dhan, deedna dadka ayaan dib ula wadaagi doonaa. Fadlan iigu soo hagaaji farriin ahaan. Wuxuu noqon doonaa taxane, magac ku habboonna hoos igu la wadaag haddii aad hayso.”

Haddaba, waxa aanu akhristayaasha ku xidhan Warbaahinta Somalilandpost iyo bulshada kaleba ugu soo gudbinaynaa warbixin aanu ka diyaarinnay qisooyinka iyo xogaha dhacdadan la xidhiidha ee uu Bulshada la wadaagay Ismaacil C Ubax oo ah wiil dhalinyaro ah oo Badhtamaha Sannadkii hore Iska wareejiyey Xilka Agaasimaha Guud ee Xarunta Dhaqanka Hargeysa oo uu muddo sannado ah hayay.

Qaybta 1aad ee Sheekada, waxa uu Ismaaciil C Ubax ku bilaabay Sidan:- Waxa ay ahayd sannadkii 2015. Markaas ayuun baan ka baxay Jaamacadda. Shaqadoon ayaan ahaa. Nin ka mid ah dadka Hargeysa ugu caansan ayuu ahaa. Aad ayaan u ixtiraami jirey, waxaanan u haystay nin khatar ah. Si deggan ayuu Facebook-ga iiga soo salaami jirey, nin sharaf leh ayaan u aqaanay. Farxad ayaan kala badan jirey marka uu i soo salaamo.

Maalin ayuu igu yidhi, CV-gaaga ii keen galabta, shaqo ayaan kuu hayaaye. Raynrayn iyo niyadwanaag ayaan dareemay. Guri fooq ah oo magaalada badhtankeeda ah ayuu ii tilmaamay, waa xafiiskiisa, waan imid. Maqrib ayaa dhowaa. Waan u galay. Waraysi ayuu igu bilaabay, waan u jawaabay. Maanta ayaad shaqo heshay, ayaan is lahaa. Wax yar ka dib ayuu kacay, gadaashayda maray, deedna laydhkii qolka bakhtiiyay. Waan naxay. Maxaa dhacay, markii aan ku idhina, wuxuu yidhi, aamus, qolalkaa kale rag baa ku jira oo codkaaga maqlaya e, waana la i garanayaaye. Waan aamusay, weli waxa socda ma aan fahmin. Wuu soo dhaqaaqay. Deedna waxa aan ku war helay gacantiisa uu garabkayga saaray. Naxdin ayaan markii u horreysay gariiray noloshayda. Wadnaha ayaa hoos ii dhacay. Iga qaad gacanta, haddii kale waan qaylinayaa, ayuu Ilaahay iga yeedhsiiyay. Wuu ila yaabay. Waan shakiyey, sidii aan khaldanahay oo kale. Waan ku adkaystay. Calaacal iyo cay isku jira ayuu bilaabay. Waxaan ku adkaystay, wallaahi waan qaylinayaa haddaad i sii dayn weydo. Wuu i sii daayay, deedna cay ayuu igu hurgufay. Ciyaal baad tahay aan hooyadeed weli dhaafine, waxani waa caadi, ayuu igu yidhi. Wuxuu ii raaciyay, naa bax oo waraaqahaagana qaado, reer miyiyad yahay

Maanta waxa aan ka shaqeeyaa meel la iga ixtiraamo, guddoomiya illaa ka u hoseeya. Ilaahay baa mahad leh. Ninkii oo meelahaa wax weyn looga haysto marka aan arkana, dullinimadiisii ayaan xasuustaa.

Qaybta 2aad ee Sheekada Gabadhan oo uu inoo soo tabinayo Ismaaciil Ubax oo ka mid ah dhalinyarada Aqoonyahanka ee dalka, balse hadda ku sugan dalka dibaddiisa. Waxa uu ismaaciil soo tebinayaa sheekada gabadhan oo sida uu xogta u hayo ka dhigan tahay inuu aqoon u leeyahay Gabadha dhibaatadani soo gaadhay.

Waxa uu Qaybta 2aad ee Sheekada ku bilaabay sidan:- “Waxa jira macallimiin caado ka dhigtay in ay derajooyin wanaagsan ku siiyaan hablaha kolba sida ay isu dhex galaan. Ardayad jaamacadeed ayaan ahaa, aniga oo in yar dhiganayayna reer ayaan yeeshay. Waan ogaa oo waan maqli jirey dhacdooyinka ay macallimiinta qaar kula kacaan hablaha ay wax u dhigaan, sidaas darteed waxa aan go’aansaday in aan dedaalo, ninna aanan u daba fadhiisan derajooyinkayga.

Arday naga dhoofaysay ayaannu xaflad u qabannay maalin. Waxa jooga ardaydii kalaaskayaga oo dhan. Waa la faraxsanaa, ardayduna weji furan ayay wada lahaayeen. Mar keli ah ayaan ku war helay farriinta uu ii soo diray. Waa macallinkaygii oo aannu xafladda wada joogno. ”Nuura, anigaa caawa ku sii qaadaya oo innagaa is raacayna.” Waxaan is idhi waa macallinkaagii oo ku ixtiraamaya. Waxaan u sheegay in ninkaygii ii taagan yahay oo aanu is dhibin. Wuxuu haddana ii soo qoray, “Maxaad ka soo kalliftay odayga, anaa ku qaadi lahaaye.” Waxaan ku idhi, “Malaha adiga ayaaba is kellifaya, waayo ninkaygu shaqadiisii ayuu haystaa.” Illaa hadda daacad ayaan u haystaa. Wuxuu igu yidhi, “Haddaad inan tahay iyo haddaad islaan tahayba miyaad baqanaysaa?” Waan fahmi waayay wuxuu u jeedo. Aniga oo u haysta inuu qaadista baabuurka ka hadlayo, ayuu sii raaciyay, “Inannimadaadii uur iyo waxaas inaad ka baqayso waan fahmi karaa, laakiin imika inaad ninkaaga u leedahay uun baa la moodi doonaa.” Naxdin iyo cadho isku darsamay ayaan la wareeray. Waa macallinkaygii, waa ninka aannu berri kalaaska isku arki doonno.

Hadal na ma dhex mari jirin intaa wixii ka dambaysay, kalaaskana waannu iskugu soo geli jirnay uun. Sidaas inuu igaga hadho ayaan rejaynayay, balse maya. Markii imtixiaankii la gaadhay ayuu derajaydii C ka dhigay. Isaga aniga oo aan la hadlin ayaan xafiiska tegay, waxaanan u sheegay in aanan ku qanacsanayn derajada la i siiyay. $5 ayaan bixiyay si loo baadho imtixaankaygii, isagana waa loo yeedhay, maamulkii oo fadhiya. Dib u sax, ayaa lagu yidhi. Derajadaydii saxda ahayd oo A ah ayuu i siiyay isaga oo halkii fadhiya. Maalintaas wixii ka dambaysay wuu iga hadhay, waxaanan ka qalinjebiyay Jaamacadda Hargeysa, aniga oo ka mid noqday saddexda qof ee ugu sarreeya kulliyaddayda.

Waxaan kula talinayaa hablaha jaamacadaha dhigta, haddii dhib noocan ahi ku yimaaddo, in ay maamulka jaamacadda la socodsiiyaan, oo aanay macalinna ka baryin xaqooda.”

Ismaaciil, wuu si waday sheekada, waxaanu halkan inoogu soo tebinayaa dhacdooyinkii ka dhashay Kiiska gabadhan iyo masuuliyiin dowladda ka tirsan oo hanjabaad ugu diray isaga inay dacwad ka gudbinaynaa.

Qaybta3aad ee sheekadani, waxa ay ku soo beegantay kaddib markii masuuliyiin ka tirsan dowladda ay ka hadleen dhacdadan iyagoo waxba kama jiraan ku tilmaamay eedaynta loo jeediyey masuulka falkan lagu eedeyey.

Waxa uu Ismaaciil ku bilaabayaa sidan:- “Sheekada inanta dhibbanaha ah ee sheekada 3-aad ee taxanaha #QayladhaanDumar waxa aan halkan idin kula wadaagay hebeenkii Jimcuhu soo gelayay. Waxana ay ka mid ahayd sheekooyin taxane ah oo ay ii soo direen dumar ay tacaddiyo kala duwan ka soo gaadheen goobaha shaqada ama waxbarashada.

Isla subixii Jimcihii, inanta oo u kallahday goob ay Jimcayaasha ka xoogsato oo ah mid ka mid ah shirkadaha isgaadhsiinta ee magaalada Hargeysa, ayaa markii ay shaqada ka soo baxday, askar u kaxaysay dhanka saldhigga Daloodho. Markii ay sii socotay ayay hooyadeed la soo hadashay, una sheegtay sida wax u jiraan. Isla markiiba hooyadeed oo naxsan ayaa u kacday dhankii saldhigga, waana loo diiday in ay inanteeda aragto. Halkaas ayaa inanta lagu hayay ilaa habeennimadii. Intii ay xidhnayd, waxa inanta loo sheegay in ay qaranka ceebaysay, masuul Wasaaradda Arrimaha Gudaha ka tirsanna ay sumcad-dil kula kacday. Markiiba waxa saldhigga ugu yimid ninkii masuulka ahaa oo marna hanjabaad kula kacaya, marna sasabo. Hadalladii uu ku yidhi waxa ka mid ah in haddii ay arrintan si hoose ula dhammayn weydo, illaa madaxtooyada iyo Muuse Biixiba tallaabo iyada ka qaadi doono. Waa sida uu isagu ku yidhi. Dad badan oo booqday saldhigga, markii warka ay heleen, kana mid ah asxaabteeda iyo xubno kale oo aan iyada aqoon u lahayn, ayaa loo sheegay in aanay inantaasi meesha ku xidhnayn ee ay been tahay.

Arrintaasi waxa ay noqotay tacaddi kale oo lagu la kacayo inanta marka horeba tirsanaysay dhibaatooyin badan. Sidaas darteed waxa aannu baahinnay xadhiggeeda, si aannu indhaha dalka ugu soo jeedinno waxa socda. Sidii aannu rabnay ayay u dhacday oo ninkii inanta xidhay wuu haysan kari waayey, waanu soo daayey. Waxa inanta loo sheegay in la sii daynayo, iyaduna ay joojiso sheekooyinka ay tebinayso ee dhex socda Facebook-ga. Aroorta ayaa lala ballamay, sidaas ayaana lagu fasaxay.

Markaas waxa ila soo hadlay Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha, mudane Farxaan Haybe, oo doonayay in aan uga warramo arrintan. Sidii ay ahayd ayaan u sheegay, balse u maan sheegin magacyada dadka ay khusayso, waayo taas fasax ii may siin inantii dhibbanaha ahayd. Wuxuu ii ballan qaaday in uu subaxa arrintaas baadhitaankeeda bilaabayo, illaa uu ninkaas ciqaabtiisa mariyana aanu nasan doonin, balse si hoose uu hawsha u maarayn doono. Waxa kale oo uu iga codsaday in wixii dambe aan isaga toos ugu soo diro, maadaama uu diidayo in dad cadowga Somaliland ahi ay ka faa’ideystaan arrimahan, waa sida uu hadalka u dhigay. Waxa uu ii la ekaaday qof lagu kalsoonaan karo, isaga ayaanan arrintii u dhaafay.

Saaka (Sabti) waxa isla markiiba Wasaaraddu qabatay shir jaraa’id oo arrintaas lagu beeninayo, waxana meeshaas fadhiya Guddoomiyaha Hay’adda Shaqaalaha oo ay ahayd in uu baadhitaan sameeyo sidii ballantu ahayd, balse waxa uu soo dhex fadhiistay niman wax dambabasaya. Halkaas waxa lagu sheegay in aanay inantaasi jirin, anigana dacwad la iga gudbin doono.

Haddaba inantii maxaa saaka la kulmay? Subixii horeba, sidii caadiga ahayd waxa ay tagtay shaqadeedii. Markiiba waxa la kulmay ninkii ay dhibbanaha u ahayd iyo masuuliyiin kale oo isla wasaaradda ah. Shirkii jaraa’id markii uu dhammaaday, xilli duhurkii ah, waxa inantii loo qaaday dhanka saldhigga dhexe ee magaalada Hargeysa. Waxa raacay oo la socday ninkii ay ka cabanaysay iyo odayaal kale. Waxa halkaas labadoodaba lagaga saxeexay warqad heshiis ah, waxana ninkii loo sheegay in haddii inantaa wax gaadhaan mustaqbalka, uu isagu masuuliyaddeeda qaadi doono. Sidoo kale waxa loo sheegay inanta in magdhow ahaan loo siin doono 25 halaad oo geel ah.

Haddaba, dad badan ayaa is weydiinaya sababta aan u qarinayo xogta dhibbanaha iyo ninka masuulka ah ee aan sheekada dhexdeeda ku sheegay inuu yahay Maamule, dabcan aniga oo markaa qarinaya mansabkiisa saxda ah. Haddii aan ka jawaabo taas, wax badan ayaan xeerinayaa, mana aha macquul in aan xog kasta oo aan hayo halkan ku soo baahiyo. Midda labaad, maadaama oo inantii dhibbanaha ahayd sidan ku faraxsan tahay, hawsheediina la dhammeeyey, iyaduna iga codsatay in aan magaceeda u ilaaliyo, ma jirto sabab aan codsigeeda u tixgelin waayaa, waxaanan go’aansaday in aanan halkan ku xusin magaceeda iyo ka ninka masuulka ah midna. Waan jeclaan lahaa inay intan ka geesisanaato oo ay bannaanka u soo baxdo, tusaalena u noqoto dumar badan oo tacaddiyadan qarsanaya, balse taasi may dhicin, waanan ku tixgelinayaa rabitaankeeda.

Cabdinaasir ninka la yidhaa ee sida la ii sheegay ah Wasiirkuxigeenka Wasaaradda ee hanjabaadda raqiiska ah hawada ii soo marinaya, waxa aan kuu ballanqaadayaa haddii aad ku adkaysato dacwaddaas aad sheegayso, in aan bannaanka keeni doono xogta masuulka aad ceebtiisa daboolayso, u gudbin doono garyaqaannada dalka iyo hay’adaha xuquuqal insaanka, ayna kugu caddaan doonto in aad tahay ninkii ka hiiliyay miskiinta yar ee agoonta ah.

Ujeeddada taxanahanina ma aha marnaba in qof la ceebeeyo, waana sababta aanan imikaba u ceebayn qof gaar ah, balse waa in lagu baraarugo dhibaatooyinka ay hableheennu kala kulmaan goobaha shaqada iyo waxbarashada. Ninka intaas igu ceebaysanaya, isaga ayay u taallaa.

Sheekadani sidaas ayay dhankayga kaga xidhan tahay, dhibbanahana kaga xidhan tahay, waxaana i noo sii socon doona taxaneheennii iyo sheekooyinka dambe.” Sidaas ayuu Ismaaciil ku soo gebo-gabeeyey xogta la xidhiidha Gabadha sheegtay in la fara-xumeeyey.

Dhinaca kale, Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Somaliland oo maanta saxaafadda la hadlay, ayaa gebi ahaanba beeniyey jiritaanka arrintan.

Wasiir ku-xigeenka Wasaaradda Arrimaha Gudaha Cabdinaasir Caydiid Maxamed oo ay weheliyaan Agaasimaha Guud ee Wasaaraddaas iyo Guddoomiyaha hay’adda Shaqaalaha Dowladda, waxa uu sheegay in baadhis ay arrintan ku sameeyeen kaddib ay ku ogaadeen inaanay waxba ka jirin sheekadan.

“Ma jirto Inan lagu fara-xumeeyey wasaaradda,” Sidaas ayuu yidhi Wasiir ku-xigeenka Arrimaha Gudaha Somaliland Cabdinaasir Caydiid Maxamed.

Si kastaba ha ahaatee Dhacdadan oo marka la eego sida miisaanka ah leh ee xogteedu bannaanka ugu soo baxday iyo heerka masuuliyiinta Dowladda ee ka hadashay, ayaa noqonayso tii ugu horeysay nooceeda ee xogteeda iyo macluumaadkeedu loo soo bandhigo bulshada.

 

Waxa isku soo dubba-riday Warbaahinta Somalilandpost.net