Wax Badan ka Ogow Taariikhda iyo Dabeecadaha u gaarka ah Boqorka Cusub ee Saudi Arabia, Salman bin Abdulaziz Al Saud

  • Boqor Salman waxa ay reer Galbeedku ku eedeeyaan inuu maal-gelin jiray Mujaahidiintii dalka Afghanistan kula dagaalamay Midowgii Soofiyeeti.
  • Boqor Cusub waxa lagu tuhmayaa inuu Qabo Xannuunada Halista ee ILOWSHU ka mid yahay.
  • Boqorka Cusub waxa uu leeyahay 13 Carruur ah oo uu ka dhalay saddex xaas ah oo tii ugu horeysay uu guursaday 1955-kii
  • Wiil uu dhalay oo Curad-ku-xigeen ah laguna magacaabayh Amiir Sultan bin Salman, ayaa fursad u helay inuu noqdo Qofkii Ugu horreeyey Muslimiinta Caalamka ee u safra Hawada Sare.
  • Waxa la tuhun san yahay inuu si aad uga Muxaafidsan yahay xagga dhaqanka iyo Diinta Boqorkii dhintay.

boqorka cusubSalman bin Abdulaziz ayaa Kursiga Boqortooyada Sucuudiga ku fadhiisanaya isaga oo hal sanno oo kaliya hayey xilka Dhaxal-sugaha boqorka, kaddib markii uu sannadkii hore bilowgiisii uu geeriyooday walaalkii oo ahaa Dhaxal-sugaha.

Haseyeesheee, xoghaha ilaa immika laga hayo ee la xidhiidha inuu yahay nin waddaniyadda, dhaqanka iyo Diinta-ba ku ad-adag, waxay geyaysiiyey inuu kalsooni dheeraad ah ka kasbado walaalkii Boqor Cabdalle u arkayey inuu noqon karo ninka kaliya ee aan ka leexan jiray una hoggaansamaya dariiqooyinka uu u jeexo hoggaaminta iyo siyaasadda Boqortooyada. Balse waxa jira wel-wel laga qabo xaaladda caafimaad ee uu boqor cusub ku sugan yahay.

Inta badan sannadkii u dambeeyey, Boqor Salmaan waxa uu si tartiib-tartiib ah ula wareegayey qaybaha kala duwan ee xilka walaalkii Cabdalla oo xaaladdiisa caafimaad ka sii daraysay.

boqor salmaanIn kasta oo boqor Salmaan lagu sheego inuu qabo Cudurka Maskaxda ku dhaca ee xusuusta lumiya, keenana illowshiinaha faraha badan, haddana waxa caafimaadkiisa jidheed laga dareemaa cudurka Faaligga oo ka sannifay Gacantiisa bidix oo aan lahayn wax Xarakaad ah.

Booskii uu isagu ka soo nuqaansaday ee dhaxal-sugaha boqortooyada, waxa loo magacaabay walaalkii Muqrin bin Abdul Aziz bishii Febrauray 2013, wakhtigaas oo xaaladda caafimaad ee Boqorka geeriyooday ay ka soo daraysay, xilkana uu sii hayey Boqorka Cusub Salman bin Abdul Aziz.

Amiirka Immika ku fadhiya kursiga Dhaxal-sugaha, Muqrin bin Abdul Aziz oo 71-jir ah, waxa uu waxbarshadii ku soo qaatay Royal Air Force College ee dalka UK, waxaanu ahaa Raysalwasaare ku-xigeenka labaad iyo Agaasimaha Guud ee Hay’adda Sirdoonka Sucuudiga.

boqor Salman iyo Yazer Carafat

Xaasaska uu guursaday iyo Carrruurta ay u dhaleen

Boqorka Cusub ee dalka Sucuudiga Salman bin Abdul Aziz, waxa uu guursaday saddex dumar ah oo u kala dhalay 13 carruur ah. Xaaskiisii u horeysay oo la odhan jiray Sultana bint Turki Al Sudairi oo dhimatay sannadkii 2011 iyada oo 71-jir ah, waxa ay u dhashay Lix Wiil oo lagu kala magaabo Amiir Fahd, Amiir Axmed, Amiir Suldan, Amiir Abdulaziz, Amiir Faisal iyo Amiir Hussa.

Xaaskiisii u horeysay, Sultana, waxa dhalay Abtigii oo ahaan jiray badhasaabka gobolka Asir.
Xaaskiisa labaad oo la odhan jiray Sahra bint Faisal Al Subai’ai waxa ay u dhashay Wiil kaliya oo la yidhaahdo Amiir Saud.

Xaaskiisii saddexaad oo lagu magacaabo Fahda bint Falah bin Sultan Al Hithalayn, waxa ay u dhashay Lix Wiil oo lagu kala magacaabo Amiir Maxamed, Amiir Turki, Amiir Khaalid, Amiir Nayif, Amiir Bandar iyo Amiir Rakan.

wiilkaWiilka labaad ee ugu weyn carruurta Boqor Salman oo lagu magacaabo Sultan bin Salman, ayaa noqday qofkii ugu horreeyey ee ka soo jeeda boqortooyo Carab ah iyo Dunida Muslinkaba ee u duulay Hawada Sare, isaga oo raacay dayax-gacmeedkii la odhan jiray Space Shuttle Discover oo sannadkii 1985-kii ay dirtay Hay’adda Culuumta Hawada sare ee Maraykanka.

Amiir Sultaan, waxa uu ilaa 1995-kii oo loo magacaabay soo hayey xilka Wasiir ku-xigeenka Shidaalka ee dalka Sucuudiga.

Boqor Salmaan waxa sannadkii 2011 loo magacaabay Wasiirka Difaaca ee Sucuudiga. Waxa uu ahaa Abaan-duulaha Ciidamada dalka markii uu Sucuudigu sannadkii hore ku biiray is-bahaysiga Maraykanku hoggaaminayo ee duqeymaha xagga cirka ah ka geystay dalalka Ciraaq iyo Suuriya dagaalka lagaga soo horjeedo Kooxda la baxay Dawladda Islaamiga ah ee ISIS.

boqorka sucuudigaBoqor Salmaan oo uu dhalay Ninkii Aasaasay Boqortooyada Sucuudiga, Boqor Abdul-Aziz Al Saud oo dhalay in ka badan 50 Wiil, waxa uu noqonayaa ninkii ugu dambeeyey raggii Aabihii dhalay intooda nool ee fursad u hela inuu ku fadhiisto Kursiga Boqornimada Sucuudiga.

Waxa lagu tilmaamaa nin saamayn ku leh bulshada dhexdeeda isla markaana xidhiidh qoto-dheer la leh qabaa’illada dalkaas ku dhaqan, waxaana saamayntiisa iyo xidhiidhada uu ku xoojiyey ganacsiyo uu kula shuraakoobay qoysaska maal-qabeennada ah ee dalkaas, waxaana tusaale u ah isaga oo Boqorka Cusub Saami ku darsaday Wargeyska Caanka ah ee ASharq Al-Awsat.

Waxyaabaha lagu xusuusto kartidiisa iyo taariikhda uu ka tagay waxa ka mid ah xilligii uu ahaa Maayarka magaalada Riyadh ee Caasimadda Sucuudiga sannadkii 1963, xilligaas oo ay dhismaysay caasimadda oo ka soo unkantay, dhismaheedana laga soo bilaabay saxaare bannaan, waxaanu dedaalkiisu gaadhsiiyey inuu muddo kooban kaga dhigo caasimad la tartanta magaalooyinka waaweyn ee Bariga Dhexe iyo kuwa Yurub.

SOMALILANDPOST.NET