WASIIRU-DAWLAHA MAALIYADA SOMALILAND OO KULAMO LA YEESHAY MADAX SARE OO MARAYKAN AH

Washington(SLpost) Wasiiru dawlaha maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md Cismaan Cabdillahi Saxrdiid (Caddaanni) oo baryahanba ku guda jiray booqashooyin iyo socdaalo u ku gaalaa bixinayay waqooyiga maraykan

ayaa maalintii shalay waxaa ku soo dhaweeyay xafiiskiisa ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda khasnadda dalka Maraykanka u qaabilsan arimaha argagixisada iyo dambiyada lacagta.

 download

Wasiru dawlaha Maaliyadda ee jamhuuriyadda Somaliland Md cismaan Cabdillahi Saxardiid iyo ku xigeenka kaaliyaha wasaaradda khasnaddu waxay ka wada hadleen arimo badan oo la xidhiidha dhinaca wax wada qabsiga iyo in la iska kaashado ka hor tagga dambiyada lacagta la xidhiidha. Waxaa kale oo uu wasiirka iyo ku xigeenka kaaliyuhu ka wada hadleen horumarinta hawlaha la xidhiidha baananka iyo xawaaladaha ka jira jamhuuriyadda Somaliland iyo sidii la iskaga kaashan lahaa farsamo ahaan arimo badan oo waxtar u leh jamhuuriyadaSomaliland iyo dalka Maraykankaba

Wasiru dawlaha jamhuuriyadda Somaliland Md Cisman Cabdillahi Saxardiid (Caddanni) wuxuu maalintii Arbacadii ee bishu ahayd 22ka bishan May kula kulmay aqalka baarlamanka ee loo yaqaan Capital Hill xildibaan ka tirsan golaha kongresska oo la yidhaa Keith Ellisson iyo shaqaalaha xafiiskiisa, xildhibaan Ellison oo ah xildhibaan laga soo doorto degmada 5aad ee gobolka Minnesota