Wasiirro Xukuumadda ka tirsan oo Cabashadii ugu ballaadhnayd ka muujiyey dhinacyada Ciidanka ammaanka iyo Caddaaladda

London, 19 March, 2012 (SLpost)- Wafti isugu jira Wasiirro iyo Saraakiil kale oo ka socda dawladda Somaliland oo uu hoggaaminayo Wasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur), ayaa shalay gaadhay magaalada London ee waddanka Igiriiska, isla markaana ka warramay arrimo badan oo aan hortood laga hadal.

Waftiga  waxa garoonka diyaaradaha Hidro ee London ku soo dhaweeyey dadweyne aad u fara badan oo ka kala yimi Goballada dalka Ingiriiska. Waftiga oo la hadlaay Warbaahinta ayaa sheegay in safarkan ay ku tageen London ka dambeeyey marti-qaad rasmi ah oo ay dawladda Ingiriiska ka heleen.

Waasiirka arrimaha gudaha Maxamed Nuur Carraale (Duur) oo ugu horreyn halkaas ka hadlay ayaa sheegay inay Dawladda Ingiriiska ka doonayaan sidii ay Somaliland uga caawin lahayd kor u qaadista Ciidammada iyo tabobbar ku saabsan sidii loo tayayn lahaa Ciidanka Booliska Somaliland.

Wasiirka arrimaha gudaha waxa socdaalkiisan ku wehelinayey Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid iyo Taliye ku-xigeenka Ciidanka Booliska Cabdiraxmaan Liibaan Axmed (Fooxle) iyo La-taliyaha Madaxweynaha ee Arrimaha Amniga  Saleebaan Cumar Ku-joog iyoTaliye ku-xigeenka Ciidanka Asluubta Xasan Cali Dheere.

Wasiirka arrimaha gudaha Somaliland waxa uu sheegay in 20-ka sano ee ay Somaliland jirtay wax Saraakiil ah oo loo soo tabobbaray aanay jirin, waxaanu yidhi; “Waxay baahi wayni naga haysaa xagga Ciidanka Booliska, ma jirto dad Saraakiila oo loo soo tabobbaray muddadaas labaatanka sano ee ay jirtay Somaliland, Raggii u danbeeyay ayaa tabobbar Boolis lahaa, laakiin, maanta ma jirto cid buuxisa kaalintii Raggaasi ay ka bexeen. Markaa, waxaannu u baahannahay kaw in la tabobbaro Ciidanka Booliska oo aqoontooda kor loo qaado. “Sidoo kale waxaannu u baahanahay in xagga qalabka laga caawiyo maaddaama oo Ciidanka Boolisku ay yihiin kuwa amniga Qaranka ilaallinaya.”

Wasiirka Wasaaradda Cadaaladda Somaliland Xuseen Axmed Caydiid ayaa sheegay in shuruucda maanta dalka lagu xukumaa ay tahay tii sannadihii lixdamaadkii lagu shaqayn jiray. “Waxa halkan dheeraad noo ah xagga shuruucda oo la waafijiyo wakhtiga aynu maanta marayno, waayo? Sharciyada aannu ku shaqayno immika waxa weeye kuwii dhawr iyo Lixdankii, wax badan ayaa wakhtigaas laga soo gudbay waxaanay u baahan yihiin Kaabis.”Sidaas ayuu yidhi Wasiirka Cadaaladda Xuseen Axmed Caydiid.

Waxaanu Wasiirka Garsoorka iyo Caddaaladdu intaa ku sii daray oo uu yidhi; “Haddaan ku idhaahdo xagga tabobbarrada waannu uga baahanahay, agabka oo runtii wixii lagu sugi lahaa Cadaaladda ah, sharciga la adeegsanayo iyo aqoonteeda ee ay Maxkamaduhu ku shaqayn lahaayeen ayaa loo baahan yahay, markaa hawshaas ayaannu u soconaa.”

Weftigan ayaa Arbacadii hore Caasimadda Somaliland ee Hargeysa ka ambabaxay, kuwaasoo maalmo ku sii hakaday magaalada Addis Ababa ee xarunta dalka Itoobiya, isla markaana uga sii gudbay Ingiriiska oo ay shalay gaadheen.

Xigasho: Ogaal