Wasiirro ka hadlay Mudaharaad Rabshado ka dhasheen oo ka dhacay Burco

Burco (SLpost)-Alle ha u naxariistee hal qof ayaa dhintay, laba kalena way ku dhaawacmeen mudaharaad rashado ka dhasheen oo maanta ka dhacay magaaladda Burco ee xarunta gobolka Togdheer, ka dib markii ay dad rayid ahi ay ka biyo diideen Taliyihii qeybta booliska gobolka Togdheer oo la bedelay.

Cabdi-aw-Daahir

Xukuumadda Somaliland ayaa xal u helida rabashadaha ka dhacay Burco u diray afar Wasiir oo kala ah Xanaanadda Xoolaha Dr. Cabdi Aw Daahir Cali, Deegaanka Marwo Shugri Xaaji Ismaaciil Bandarre, Beeraha Faarax Cilmi Geedoolle iyo Qorshaynta Qaranka Sacad Cali Shirre.

Weftigan Wasiirrada ah iyo maamulka gobolka Togdheer ayaa shir jaraa’id oo ay galabta ku qabteen magaaladda Burco waxay ku sheegeen inay ku gudo jiraan xal u helida rabashadaha khasaaruhu ka dhasheen ee maanta ka dhacay Burco, waxaanay tacsi u direen qoyskii iyo qaraabadii uu ka baxay qofkii maanta ku geeriyooday mudaharaadkaasi, waxaanay ilaahay uga baryeen inuu naxariistii jano ka waraabiyo, qoyskiisiina samir iyo iimaan ka siiyo.

Wasiirradu waxa kale oo ay ILAAHAY uga baryeen inuu shaafiyo labadii qof ee ku dhaawacmay mudaharaadkaasi, iyagoo qeybaha kala duwan ee bulshadda Togdheerna u soo jeediyay inay ku dedaalaan adkaynta nabad-gelyadda dalka.

Somalilandpost.net

Burco