Wasiirro iyo Ciidamo tiro badan oo Gurmad ku gaadhay magaalada Tog-wajaale rabshado dhimasho iyo dhaawac sababay maanta ka dhaceen (SAWIRRO)

Tog-wajaale (SLpost)- Wasiirro ka tirsan Xukuumadda Somaliland oo ay weheliyaan saraakiil ka tirsan ciidanka Ammaanka, ayaa maanta gaadhay magaalada Tog-wajaale ee gobolka Gabiley oo rabshado khasaare nafeed geystay ka dhaceen.

Mudaharaadka rabshadadaha watay oo maanta ka dhacay magaalada Tog-wajaale oo ka tirsan gobolka Gabiley, waxaana bannaan-baxaas ku dhintay Hal qof iyo dhaawacyo soo gaadhay laba qof oo kale.

wajaale34Magaalada Tog-wajaale ayaa ah xarun Ganacsi oo ku taalada Xuduudka ay wadaagaan Somaliland iyo Itoobiya oo laba qaybood u kala qaybiya magaalada.

Wefti Wasiirro iyo Saraakiil Ciidan isugu jira ee gaadhay magaalada ayaa kala ah Wasiirrada Arrimaha Gudaha iyo Wershadaha, Taliyaha Ciidanka Bilayska iyo Saraakiil kale sayaa halkaasi u tegay daminta Xiisadan saaka ka bilaabantay magaalada. Masuuliyiintan ayaa ku guulaystay inay dejiyaan dadkii gaddoodsanaa ee saaka isu soo baxay.

Maydka qofka dhintay ayaan wali la aasin, waxaana la sheegay inay madaxda dawlada iyo eheladiisu ka wada hadlayaan arrinta dilka.

Muddaharaadka ayaa ka dhacay dhinaca gudaha Somaliland ee magaalada Wajaale, waxaanu khasaarahani yimi ka dib markii Ciidanka ammaanka ee magaaladaasi Rasaas kala hortageen Dadka muddaharaadayay oo ka soo horjeeda xadhigga Guddoomihii hore ee degmada Wajaale Qawrax Muuse oo Maamulka dawladda ee degmadu xabsiga u taxaabay.

Qofka Dhintay ayaa ah Nin Macalin ahaa oo magaciisa lagu sheegay Naasir, kaas oo rasaastii ciidanku ridayeen haleeshay. Sidoo kale laba qof oo kale oo midkood haweenay tahay ayaa ku dhaawacmay rasaasta ciidanku ku fureen mudaharaadayaasha.

wajaale3Guddoomiyihii hore ee Degmada Wajaale, ayaa lagu eedeynayaa arrimo dhul oo sida la sheegay Maamulka xilka kala wareegay ku eedeeyay inuu iibiyay wakhtigii uu maamulka hayay. Hase ahaaatee, illaa hadda ma jiro wax war ah oo ka soo baxay Maamulka dawlada iyo ciidanka ammaanka oo la xidhiidha rabshadaha magaalada ka dhacay. Balse, isla markiiba waxa gaadhay ciidamo ka tagay magaalada Hargeysa, iyada oo arkayey kolonyo ciidamo boolis ah oo magaalada Hargeysa uga sii baxay waddada laamiga ah ee qabata galbeedka Dalka.

Dadka deegaanka oo qaarkood warbaahinta la hadleen ayaa Guddoomiyaha Degmada Mr Xaashi ku eeddeeyay inuu ka masuulyahay wixii Magaalada ka dhacay maanta, waxaana lagu eeddeynayaa inuu sabab la’aan ku xidhay Maayirkii hore ee magaalada Qawrax Muuse.

 

SOMALILANDPOST.NET