Wasiirradii Hore ee Xisbiga Waddani Ku biiray, Ma isbeddel-doon baa mise waa Mansab-doon? – W/Q: Maxamed Wadaad-yare

Khamiistii hore ee aynu soo dhaafnay waxa xaflad soo dhaweyn ah loo qabtay xubno xilal wasirnimo ka soo qabtay xukumada madaxwayne silanyo iyo badhasaabki hore ee gobolka togdher oo ku soo biiray xisbiga wadani

Hadaba sida aynu wada ogsoonay xilka ama Masuuliyada qaranku waa meerto, ha noqoto mid ay shacbigu doorteen ama mid ku yimid magaacibis labaduba waxay leeyihiin xili iyo wakhti go’an .

Masuulka ku yimid dorashada shacbiga wuxuu leeyahay wakhti cayiman oo la dooratay mudo dhaafkuna waa sharci daro hadii anay duruufi keenin .

Sidoo kale masuulka la magacabay waxaa uu leeyahay wakhti taas oo ah hadba Inta loo garto inuu shaqeeyo, shalay hadii loo magacabay wasiir ama xil qaran oo kale, waa inuu masuulkaasi ogaado inay imanayso (ha dheerato ama ha dhawaate) xilka qadistiisu, taas oo ay keenayso duruufti lagu magacabay mid lamida.

Magacaabista sabab ay keenta xilka qaadistana sabab ayaa keenta waxaana masuuliyada iska leh madaxwaynaha qaranka

Haddaba waxa raganimadu tahay, ninku inta uu xilka hayo ee uu ceelka guntiisa ku jiro inuu bulshada u soo bandhigo ama xilka uu hayo ku saxo, halka ay sartu ka qudhunsan tahay hadiiba ay jirto, waana laga wanagsan yahay wixii aan shalay arki wayey ayaan manta arkaya.

Maanta hadii aad leedahay cadalad daro ayaa jirta shalay maxaad u arki wayday ?

Maanta hadii aad leedahy eex ayaa jirta shalay maxaad u arki wayday?

Muraayadda aad maanta bulshada u xidhanaysan shalay maxaad u xidhan waydeen ?

Shalay markad xilalka wasirnimo hayseen waxaad xidhnaydeen murayda doog ah oo dhulka barwaaqo ka dhigaysa .

manta markii aad xilaalka ka dagteena waxaad noo xidhateen murayad huruuda oo dhulka saxaare lama dagan ka dhigaysa.

Hadaba sidaa marka ay tahay wasiradan iyo masuuliyiintan shalay ka tirsana xisbiga kulmiye maantana ku biiray xisbiga wadani, sababaha ugu waawayn ee ku kalifay inay udiga rogtaan wadani waxa weeye mansab doon, waxaana la sheegayaa shuruudihii ay la galeen gudoomiye ciro in ay ka mid ahayd , haddii uu doorashada ku guuleysto in uu ka dhigo wasiiro.

Haddii aan u soo noqdo kalmadii uu duur ka yidhi xaflada soo dhaweynta ee ahayd [kulmiye waxa uu ku jiraa fadlan kor u hay] qofka khadka ku jirey eel ala hadlayey waxa uu ahaa wasiir warancade .

Haddaba duur iyo saaxiibadiixoog iyo boobe waxaan leeyahay haddii manta khadku mashquul idinka noqday markaad wasiirada aheydeena wuxuu mashquul ka ahaa [waran cade cukuse iyo muuse qaasim laba nin oo isku reer ahna tilifoonka lagama wada qaban karayee sidaas ogaada

Qore Maxamed Wadaad Yare