Wasiirrada Maaliyadda, Kalluumaysiga iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha oo ka Warbixiyey Socdaallo ay kaga soo laabteen Xeebaha Bari ee Dalka

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Wasaaradaha Maaliyada,Kalluumaysiga iyo Taliyaha Ciidanka Ilaalada Xeebaha ee Somaliland ayaa shir Jaraa’id oo ay maanta ku qabteen xafiiska Wasaarada Maaliyada waxa ay faah faahin kaga bixiyeen Safar Mudo todoba Cisho qaatay oo ay ku soo mareen Qaybo ka mid ah Gobolada Bari.

Waxaa ugu horayn Shirkaasi ka hadlay Wasiirka Wasaarada Kalluumaysiga iyo Khayraadka Bada Mudane C.laahi Jaamac Cismaan (Geel-Jire), waxaanu sheegay in safarkaasi uu isugu jiray laba dhinac oo kala ah, Mid ku jahaysan Guud ahaan xaaladaha Xeebaha Bariga oo uu tilmaamay inay yihiin meelo ka Go’doon ah dhinaca jidadka islamarkaana ay ku adagtahay marida Baabuurta yaryar. Waxa kale oo uu tilmaamay in u jeedada kale ee socdaalkoodu ahayd sidii saddexda Hay’adood ee Wasaarada Kaluumaysiga, Maaliyada iyo Ilaalada Xeebaha oo Wadashaqayni ka dhaxaysaa u soo ogaan lahaayeen sida ay u socdaan Hawlaha shaqo ee Hay’adahani.

Wasiirka Kalluumaysigu wuxuu sheegay in ay soo arkeen deegaan balaadhan oo wax soo saar badan laga samayn karo isla markaana ay ka soo bixi karto cashuur ka badan tii markii hore laga filayay,isagoo intaas ku daray inay isla qaateen in Miisaaniyada Sannadka 2013 ay Xukuumadu u qoondaynayso Mashaariic door ah oo taabanaya kaabayaasha nolosha .

Wasiirka Wasaarada Maaliyada ee Somaliland Mudane C.casiis Maxamed Samaale oo hadal dheer oo dhinacyo badan taabanaya ka jeediyay Shirkaas Jaraa’id ayaa tilmaamay in mudo todobaad ah oo ay socdaal ugu maqnaayeen deegaamada Gobolada Saaxil,Sanaag iyo Togdheer ay ku soo arkeen arrimo badan oo horumarka wadanka ka qayb qaadanaya,waxa uu Wasiirku xusay inay kulamo kala duwan la yeesheen Ciidamada Ilaalada Xeebaha, Maamulka,Waxgaradka iyo qaybaha bulshada ee jiidaha kala duwan ee Goboladaasi.

Mudane C.casiis Maxamed Samaale waxa uu iftiimiyay in deegaamadaasi ay ku soo arkeen arrimo badan oo qayb ka qaadanaya hawlaha dekhli kordhineed ee xukuumada dhexe ,isagoo intaas ku daray inay ku rajo weyn yihiin in dhaqaale badan uu ka soo xeroon doono deegaamadaas kala duwan ee ay kormeerka ku soo mareen.

Wasiirku waxaa kale oo uu sheegay inay ku kalsoon yihiin inay ka soo baxaan Odoroskii Miisaaniyad Sannadeedkan,waxaanu intaas ku ladhay in mudadii uu Xilka Wasaaradan hayay uu kor u kacay dekhliga ka soo baxa Ilaha Dhaqaalaha ee Wadanka, waxa kale oo uu wasiirka maaliyadu tilmaamay inay soo dardar galiyeen Dakhliga wasaarada Maaliyada oo meelaha qaarkood cashuurta la qaadaa oo hoosaysay.

Waxaa kale oo shirkaas ka hadlay Taliyaha Ciidanka Difaaca iyo Ilaalada Xeebaha ee Somaliland Admiral Axmed Aw Cismaan oo sharaxaad ka bixiyay Goobaha ay  Ciidamada Ilaalada Xeebuhu kaga sugan yihiin deegaamadaas ay soo mareen iyo sida ay u hanan karaan hawlaha  balaadhan ee ka saaran difaaca Xeebta Somaliland iyo baahiyaha ay rabaan in laga gacan siiyo waxa uu Taliyuhu intaas ku daray inay ku amaanayaan Ciidamadaas Hawlgalka ay Qaranka uga Mas’uulka yihiin.

Axmed Sheekh Cismaan waxaa kale oo uu sheegay inaanu badnayn Ciidanka difaaca ilaalada xeebuhu balse uu yahay sida uu xusay ciidan tayo leh islamarkaana u qaybsan saddex sal-Dhig oo kala Saldhiga Galbeed, saldhiga dhexe oo Berbera iyo saldhiga Bariga oo uu tilmaamay inuu yahay ciidan aad u feejigan.

SOMALILANDPOST.NET