Wasiirrada Cusub ee Dalka Kenya oo loo Diray Baadhis Sirdoon iyo Goleyaasha Sharci-dejinta ku sameynayaan

Nairobi (SLpost)- Hay’adda Sirdoonka Dalka Kenya, ayaa shaacisay inay dhamaystireen Baadhitaan lagu waday magacyada masuuliyiinta uu Madaxweyne Uhuru u magacaabi doono xukuumadiisa cusub.

Magacyada xubnaha golaha wasiirada oo tiradooda la sheegay inay 19 gaadhayaan ayaa wakhtigan la filayaa in loo gudbiyo Afhayeenka baarlamaanka, sida dastuurka Kenya dhigayo, si maalmaha soo socda loogu gudbiyo guddi-hoosaadka Anshaxa ee baarlamaanka.

Dhismaha Xukuumadda cusub oo guddi-hoosaadkaas Baarlamaanka iska leeyihiin awood ay ku diidaan karaan magacyada qaarkood, madaxweynahuna magacaabi karo keliya xubnaha la ogolaado, ayaa la filayaa in madaxweyne Uhuru maanta shaaciyo.

uhuruSirdoonka Kenya iyo guddiga anshaxa iyo la-dagaalanka musuqmaasuqa ayaa soo jeediyey ka saarista xubno hore su’aalo la iska weydiiyey hufnaantooda, balse Madaxweynaha iyo ku-xigeenkiisa ayaa ku dedaalaya inay ka hortagaan weji-gabax kaga yimaadda magacaabista xubno baarlamaanku diiddan yihiin.

Afar Wasiir oo hore ayaa la filayaa inay boosaskooda sii joogaan, isla markaana aan la filayn inay ku jiraan liiska baarlamaanka loo dirayo, balse xildhibaanada qaarkood ayaa ku goodiyey inaanay aqbalayn xubno xukuumadii hore la soo shaqeeyey.

Golaha xukuumada ayaa ugu dambayn la filayaa in lagu dhawaaqo dhammaadka bishan, marka madaxweynahu magacaabo, baarlamaankuna ansixiyo. Sidoo kale, Marka guddiga baarlamaanku helo magacyada, sida sharcigu dhigayo, waxay haysan karaan todoba maalmood, waxaana la rejaynayaa inay shaaciyaan xubnaha ay aqbalaan, iyagoo dhinaca kalena qiimaynaya rabitaanka bulshada.

SOMALILANDPOST.NET