Wasiiro Ethiopia u tagay hakadkii Ku Yimi Duulimaadyada Diyaaradda Dalkaas ee Hargeysa Oo Sheegay Inay Ka Qanciyeen Shaki Dhinaca Amaanka Ah

Hargeysa (SLpost)- Wasiirada Arrimaha Gudaha, Duulista Hawada iyo Wasiirka Khaarajiga oo socdaal dalka Ethiopia ugu maqnaa si ay ugala soo xaajoodaan hakadka ku yimid duulimaadyadii ay diyaarada Ethiopian Airlines ay ku iman lahayd dalka iyo waxyaabaha sababay in Masuuliyiinta Ethiopia ay joojiyaan Duulimaadyadaasi, ayaa sheegay in diyaaradaasi ay u joojisay duulimaadyadeedii shaki dhinaca amaanka ah, isla markaana ay arintaasi ka soo qanciyeen dawlada Ethiopia.

Wasiiradan oo maanta ka soo degay garoonka diyaaradaha ee Cigaal International Airport oo ka soo kicitimay dalka Ethiopia ayaa waxa siday diyaarad Vocal ah oo dhabaha soo cago dhigatay abaalo 4:30 daqiiqo, kuwaas oo markii ay ka soo degeen diyaarada Warbaahinta uga waramay arrimaha Diyaarada Ethiopian Airlines iyo Shirkadii Shidaalka ka baadhaysay Somaliland ee iyaduna dalka ka baxday.

Ugu Horayn Wasiirka Arrimaha Dibada Somaliland Maxamed Biixi Yoonis oo arintaasi ka hadlaya ayaa yidhi, “Ethiopian Airline waxa ay ku salaysnayd arrimo amaanka ku saabsan, waanu kala soo hadalnay, nimanbay soo direen security-gooda ah si ay u xaqiijiyaan wararka la siiyey way ku qanceen waanay ku faraxsan yihiin in aan wax nabadgalyo daro ku lug lihi meesha jirin, waxa kale oo aan doonayaa in aan idhaahdo maaha waxani wax ku lug leh runwayga iyo tarmac-ka iyo farsamada ee waxa ay ahayd wax amaanka ah tiina waanu ka soo qancinay Wasiirka, waxaanu aragnay Wasiirka Khaarajiga isla markaana ah Raysal Wasaare ku xigeenka oo aanu kala sheekaysanay, wasiirkeenuna aadbuu dhigiisa ugala hadlay, markaa waxa aanu ku faraxsanahay in dawladii ay bilawday hawsheedii, waxyaabaha yaryar ee naga dhimana waanu dhamaynaynaa.

wasiiroWaxa kale oo aan doonayaa in aan halkan idiinka sheego in shir fiican oo balaadhan aanu la yeelanay wasiirul khaarajiga Ethiopia waxaanay ahayd markii ugu horaysay ee aanu saddexdayadan wasiirba aanu la kulano, si xoogleh ayuu noo soo dhaweeyey waanu na dhagaystay, waxa aanu ka wada hadalnay arrimo ku lug leh labada wadan cilaaqaadkooda xaga nabadgalyada xaga dhaqaalaha, xaga bulshada iyo xaga siyaasada ee caamka ah xaga tacliiinta oo ay sugayaan in wasiirka tacliintu u tagto iyo hawlo badan oo ku lug leh cilaaqaadka labada wadan sidii loo xoojin lahaa.

Wasiirka arrimaha dibadu waxa kale oo uu sheegay in dalka Ethiopia uu yahay dal cilaaqaad fiican inala leh, isla markaana uu yahay dalka kaliya ee sita tooska ah u aqbala baasaaboorka Somaliland, wasiirada Somaliland u qaabila sida kuwa caalamka ee kale”.

Maxamed Biixi yoonis oo su’aal ahayd in shirkada Genel Energy loo diray iimaylo loogu hanjabayo ayaa waxa uu yidhi “Runtii waxa weeyaan in dadka reer Somaliland ay kala saaraan Qaranimada danta umada iyo ta shakhsiga ah, waa dhab markaan Genel u tagay waxaan ugu tagay inaan joojiyo oo aan hakiyo kabixista ay wadanka ka bixi lahaayeen, waxaanu isku aragnay markii hore aniga iyo wasiirka macdanta ayaa la kulanay waxaanu u duulnay London waxaanu la kulanay madaxdooda, waxaanu aragnay waraaqo dadkeenu usoo qoreen, waxay noo warameen in dadkeenu dhibaato badan u geysteen oo hub la isla hortaagay oo xabado loo qaatay oo dadku aanay fahamsanayn hadii sharikadaa weyn ee aynu isl leenahay Abu Dabi ayaad la mid noqon doontaan ay inaga tagto inaynu afka dhulka ku dhufanayno, taana ay tahay in dadkeenu ay u sabab ahaayeen oo ay ka geysteen arimo aad u khariban oon hagaagsanayn ninka nin cadaan ah oo wax inoo qabanaya hadidaya ee wax qodaya ama sharikad wax inoo qabanaysa waraaqo usoo qoraya ama ku dacwiyaya waxaan ahay beesha reerkaa anagaa meesha leh, maaha wax hagaagsan.

Midna waxaan doonayaa inaan idhaahdo inkasto oo aan wadanka ku cusubahay oo aan mudo ka maqnaa waxaan la yaabaa ninka odhanaya ee warqad u qoraya ee odhanaya waxba ha noo qaban reer hebel baan ahaye, ta labaad waxa muhiim ah inay dadku fahfaan hantida qaranka oo dhan baa leh ninka saylac jooga iyo ka maydh jooga xaq buu ku leeyahay inuu Burco ka shaqaysto ka burco jogoaa waa inuu fahamaa in umadu ay waxan leedahay, ka saylac joogaana sidoo kale waa inuu fahmaa in waxani uu yahay wax ay umadu leedahay. Umadu aqbali mayso, dawladuna aqbali mayso dad is hortaaga oo aan hagaagsanayn oo ummadan dib u dhigaya. Maxaa yeelay dhaqaale ayaynu rabnaa oo ma nihin wadan la ictiraafsan yahay umaduna waa inay ogaato in hantidani ay tahay mid umada u dhaxaysa oo wadanku leeyahay.

wasiirrroWaxyaabaha aan la yaabay waxa ka mid ah marka uu gaalku kaaga waramo qabiil iyo qabiil marka aad doonayso inuu kula joogo oo aanu kaa tagin oo isagii uu ku odhanayo reer hebel iyo reer hebel fadeexad weyn ayay aniga iigu muuqataa, markaa anigu waxaan qabaa shakhsiyan inaynu iska ilaalino waxa qarankeena duminaya”.

Dhinaca kale Cali Warancade oo isaguna arimahaasi ka hadlaya ayaa yidhi “Waxa kaliya ee uu safarkayagu ahaa sidii aanu u soo celin lahayn xidhiidhka inaga iyo diyaarada Ethiopian Airlines  oo ah diyaarad aad u qiimo leh oo dadkeena qurbajooga ah iyo kuweenka kale ee Ethiopia u socdaalayaa ay aad ugu xidhan yihiin, markaa si aynu u daryeelno danaha ummadeena dibadaha inagaga maqan intaba inay tahay diyaaradaasi lagama maarmaan Runtiina sida la sheegay waanu ku soo guulaysanay arintaa diyaaraduna waatan imika timid ee na siday.

, ta labaad nagumay adkaan waxyaabihii tabashada ahaa, waayo dawlada Ethiopia waa dawlad aynu saaxiib nahay, waa dawlad aynu jaar nahay, horaa loo yidhi adigu jaarkaaga ma dooran kartid ilaahay baa kuu doora, markaa dad aynu wax badan wadaagno abaal badana la isku leeyahay, dalkani waa dalkii markii umadeena banaanka loo daadiyey waa dalkii albaabada inoo furay ayuu ka mid yahay, maantana waxyaabihii aanu ka wada hadalnay si wanaagsan oo aan dhib lahayn ayaanu ku soo dhamaysanay arintaasina si wanaagsan ayay noogu soo dhamaatay, waxaanaynu runtii u baahanahay hadaynu nahay ummada reer Somaliland inaynu ahaano ummad isku tiirsan, ummad dalkeeda ilaashata, ummad nabadgalyadeeda ilaashata usoo jeeda danaha dalkeeda, maadaama oo aan la ina ictiraafsanayn waxa ina saaran xil balaadhan oo nin waliba uu halkiisa iska xilqaamo oo uu usoo jeedo oo masuuliyada wadankiisa ka saaran uu guto”.

“Ta kale oo ahayd mucaaridku waxay sheegeen mucaaridka bari hore ayaan sheegayoo waxaan idhi waa xasad waanigii joogi kari waayay oo duba waanigii iskaga soo noqday, waxa aan tahay maalin dhaweyd meel la yidhaahdo sanyare oo la isku hortaagay beelihii uu imika ka sheekaynayey wasiirku oo imika rag badan ayaan ugu tagay oo reer miyi kula balamay meesha, waxaan ku idhi waar xageed ka timaadeen waxay yidhaahdeen waar shidaal la qodi maayee meesha wax kale ayaa ka socda oo horaan u sheegoo taxaa hadii la yidhaa shidaalbaa la soo saarayaa ninka mucaaridka ahi wuu naxayaa, waa masiibo waar bal horta bahashaa iska ilaaliya,” ayuu yidhi Wasiirku.

SOMALILANDPOST.NET

contact@somalilandpost.net